Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Isbaheysiga dib u xoreynta oo Warsaxaafadeed xasaasiya ka soo saaray wada hadalada Jabuuti.

Asmara 14 /May/2008  Waagacusub.com  

 

 
Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeedالتحالف لإعادة تحرير الصــومــال  

Alliance for Re-Liberation of Somalia

(A.R.S.) Warsaxaafadeed

Markii aan la sameeynay la tashiyo dadka
Soomaaliyeed,taageerayaashooda aduunka iyo xoogaga Muqaawida ee gudaha dalka Soomaaliya ku sugan,anagoo ah Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaalida ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ARS,waxaan soo gudbineynaa arrimaha hoos ku xusan.

Somalida Xoriyadeeda,xaduudaheeda gaarkaa ayaa lagu xadgudbay ,waxaana Soomaalida ku socda xadgudubyo ka baxsan bini-aadamnimada taasna waxaa  masuuliyadeeda leh Xukumadda Itoobiya oo Ciidamadeeda ay xasuuq ka wadaan dhulka Soomaaliya halka Xukumadda Mareykankana ay dusha bambooyin uga garaaceyso.

Tacadiyada gumeeysiga ka wado dalka Somaliya waxay ujeedadiisu tahay in dadka jilbaha dhulka loogu dhigo qasab laakiin gumeeystaha soo duulay waa xisaab xumeeyay oo dagaalkooda way ku fashilmeen,waxaana shacabka Soomaaliyeed ka soo dhexbaxay Wadaniyiin naftood hurayaala oo kaga guuleeystay cadawga dalka ku sugan si ay dalka uga saaraan.

Naftood hurayaasha Soomaaliyeed waxaa sii kordhayo guulaha halgankooda oo dardar cusub sii gelayo maalinba maalinta xigto iyagoo cadawga kaga guuleeystay degaano badan oo ay kala wareegeen.

Cadawga waxay ku guuldareysteen inay Soomaalida la heyste ka dhigaan(Dad la gumeeysto) balse nasiib daro Cadawga dalka Soomaaliya ku soo duulay waxay hada bilaabeen inay noogu wacaan wada hadal aan la galno waxa loogu yeero dowlada Federalka(TFG)

Wadahadalka Cadawga noogu yeerayo waxaa dhinac socda Itoobiyaanka oo xididada u gooynayo shacabka Soomaaliyeed si ay dalkooda uga  qabsadaan.sidoo kalana nasiib kooxda loogu yeero dowlada federalka waxay dhankeeda ka wadaan leynta,dilida,barakicinta shacabka Soomaaliyeed.

Wada hadal ayaa ka furmay dhamaadkii bisha March 2008 Nairobi kaas oo loogu gogol xaarayo sidii lagu wada hadalsiin lahaa Kooxda (UNPOS) ,maqaarsaarka sheegta dowlad federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta ee ARS qaar ka mida.laakiin nasiib daro dadkii metelayay Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa si qarsoodiya u saxiixay qodoba jibinaya dastuurka Isbaheysiga u degsan,qodobkaas oo ah,inaan Kooxda sheegata dowlada federalka lala gelin wax wada hadala mid toosa iyo mid qarsoon,waxayna golayaasha Isbaheysiga mar kale ku baaqeen inaan Kooxda federalka sheegato wax wada hadala lala gelin 10 May 2008 ee Jabuuti ,balse sida la wada ogyahay hada waxaa ka socda Jabuuti wada hadal.

Xubnaha metelaya Isbaheysiga ma heystaan wax sharciya oo u fasaxaya inay la hadlaan Kooxda Federalka sheegata sidaas daraadeed nooma soo qaadi karaan wax heshiisa,waxay soo qaadanaana ma ogolaan doono,waxaana si cad u sheegeeynaa inaysan ku hadli Karin magaca Isbaheysiga dib u xoreynta.

 Marka la tixraaco Axdiga u degsan Isbaheysiga dib u xoreynta waxay gudigga fulinta xaq u leeyihiin inay golaha dhexe u soo gudbiyaan hindiseyaashooda siyaasadeed si  looga xaajooda,oo ay u helaan codka ogolaanshaha ama diidmada sedex meelood labo dalool golaha dhexe.

Xubnaha Jabuuti u fadhiya inay la hadlaan Kooxda dowlad ku sheega waxay ku xadgudbeen dastuurka Isbaheysiga dib u xoreynta u degsan,waxaa kale oo hareer mareen qodobada iyo xiriirada Caalamiga sidaas daraadeed wax alaala iyo waxay saxiixaan dadka nuucaasa ee sheeganaya inay metelaan Isbaheysiga waa sharci daro aanan naloo tiri Karin maadama aysan na matalin.

Xubnaha Isbaheysiga dib u xoreynta waxay waaya aragnimo sare u leeyihiin 15-kii shir ee Soomaalida loo qabtay kuwaas oo dhamaantood sii fogeeyay xaalada Soomaaliya,sababna u noqday xaaladaha naxdinta badan ee dalka Soomaaliya hareeyay.

Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya wuxuu si cad u xaqiijinayaan inaana sina ku hor fariisaneyn lana hadleyn kooxda loogu yeero dowlada federalka inta ay dalka Soomaaliya joogaan Ciidamadda gumeeysiga Itoobiya.

Isbaheysiga dib u xoreynta wuxuu beesha Caalamka si cad ugu sheegayaa in xoogaga gobanimodoonka Soomaaliya sii laba laabayaan halganka ay dalka uga xoreeynayaan cadawga ku soo duulay.

Isbaheysiga dib u xoreynta  Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqayaa qodobadaan:

¨Inay si buuxda oo sharuud la’aana uga baxaan Ciidamadda Itoobiya dalka Soomaaliya

¨Inaan dalka Soomaaliya la keenin Ciidamo shisheeye oo aysan dadka Soomaaliyeed raali ka ahayn

¨Kooxaha shacabka rayidka laayayna waa in si deg dega Maxkamad loo saaro

¨Dowlada Itoobiya waa inay bixisaa magdhaw dadka Soomaaliyeed ee ay dileen

¨Beesha Caalamka waa in sida ugu dhaqsaha badan gurmad ula soo gaaraan dadka dhibaateysan ee ay dhibaateeyeen gumeeysiga Itoobiya iyo kooxda ku tiirsan ee maqaarsaarka

              Asmara, Eritrea on  13th -14th  May, 2008  

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka oo English faahfaahsana


Warbixin iyo Sawiro furitaanka Wada hadalada akhriso

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new