Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Haweeney Soomaali ah oo ku eedeysan afduub diyaaradeed oo la soo taagay Maxkamad ku taalla dalka? New Zealand

New Zealand  14 /May/2008  Waagacusub.com .

Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Caasha Cali Cabdulle, ayaa saakayto la soo taagy Maxkamad heer Degmo ah oo ku taalla Degmadda Christchurch ee dalka New Zealand, taasi oo lagu eedeynayo inay bilowgii sannadkan ku fashilantay inay Diyaarad rakaab ah afduubto.

Caasha Cali Cabdulle oo 34-jir ah, ayaa la soo gole-joojiyey Maxkamadda, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka, iyadoo ay Xeer-ilaalinta soo gudbiyeen Eedeymaha loo haysto.

Dembi-baarayaasha ayaa soo bandhigay Gal-dacwadeedka ay ka diyaariyeen Eedeymaha loo haysto Haweeneyda Soomaalida ah, oo iyadu bishii February 11-dii ee sannadkan isku dayday inay afduubato Diyaarad yar oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Air New Zealand, taasi oo u kala gooshaysay magaallooyinka Belenheim iyo Christchurch.

Caasha Cali Cabdulle, aya la sheegay inay cabsi-gelisay Duuliyihii iyo rakaabkii la socday Diyaaradaasi, waxayna mindi ku dhaawacday Duuliyaha iyo Gacan-yarahiisa.

Haweeneydaasi, waxaa kaloo la sheegay inay ku hanjabtay inay Diyaaradda qarxin doonto, inkastoo aan wax hub ah laga helin markii ay Diyaaradda ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Degmadda Christchurch.

Xeer-ilaalinta Maxkamadda, ayaa maanta dhegeystay Dacwadda lagu soo oogay Haweeneydaasi, waxaana dacwadeeda dib loo dhigay bish June 5-da ee soo socoto.

Xeer-ilaaliyaha, waxa uu amar ku bixiyey in Xabsiga lagu sii hayo Haweeneydaasi tan iyo inta mar kale la hor-keenayo Maxkamadda.

Haweeneydaasi ayaa la sheegay inay maalmihii la soo dhafay xanuunsanayd, waxaana maanta Maxkamadda la hor keenay iyadoo lagu wado kursiga dadka curyaamiinta loogu talagalay.

 

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new