Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Djibouti:  Xubnaha Isbaheysiga oo wali diidan inay hor fariistaan DF.

Jabuuti 14 /May/2008  Waagacusub.com  

Mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadeyn inaysan jirin wada hadal ay magaaladaan Djibouti kula leeyihiin Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaan oo kamid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inaysan wax wada hadal ah la gali doonin Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in wada hadalad Jabuuti ka socda ay dhex marayaan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaliya iyo Qaramada Midoobay oo kaliya, isla markaana aysan jirin wax wada hadal ah oo ay la galayaan DF.

“DF mawa aqoonsanin jiritaankeeda, waana mid sharci daro ku taagan, sidaadi darteen anaga QM ayaa ina marti qaaday kulamana la leenahay” ayuu yiri Shariif Xasan.

Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu sheegay in wali ay sharuudooda taagan tahay taasoo aheyn marka ciidamada Ethiopian-ka ka baxaan gudaha Soomaaliya inay la hadlayaan xubaha DF ee Jabuuti xiligaan ku sugan.

“Ciidamada Ethiopian-ka oo wali xasuuq ka wada gudaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ma suurta galeyso inaan wada hadal la yeelano DF” ayuu yiri Shariif Xasan. 

Mar wax laga weydiiyay sababta keenay Jabuuti hadii aysan DF wada hadal la yeelaneyn ayuu yiri “Jabuuti waxaan u nimid casuumad aan ka helnay QM, wada hadal ayaana inagu dhex maraya QM halkaan”.

Shariifka waxuu sheegay in maalinimada Khamiista ah ay ku laaban doonaan magaalada Asmara ee xarunta u ah Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, isla markaana dib ugu soo laabanayaan Jabuuti labo toddobaad kadib.

Si kastaba ha ahaatee, Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wali ku adkeysan inaysan wada hadal toos ah la galeyn DF, taasoo cadeyn u noqon karta hadalada mas’uuliyiintooda kasoo yeeraya isla markaana furitaanka shirkaan ay ka sheegeen inay wada hadal kula leeyihiin Jabuuti QM oo kaliya.

Abdifitahaam Ahmed
Djibouti
Email:
abdifitahaam@yahoo.com 

Warbixin iyo Sawiro furitaanka Wada hadalada akhriso

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new