Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Top:- Muxuu Waagacusub ugu weecday tebinta Wararka Somaliland Awdal iyo Galmudug?

15 December 2011 Waagacusub.com-Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa warqabadka Waagacusub ku soo dhacay kumanaan Emails oo nagula waydiinaa sababta Wararka iyo Warbixinada Somaliland,Awdal State iyo Galmudug State ugu bateen Waagacusub.

Warbaahinta Waagacusub waxay xooga saareeysaa tebinta arrimaha xiisaha leh ee ka jira degaanada bulshada ku hadasha afka Somaliga.


Emailada akhristayaasha noo soo direen waxay la mid yihiin kuwii naloo soo diri jiray xilligii uu Website-ka Waagacusub ka hadli jiray halista Maleeshiyadda Al-Shabaab iyo dhaqdhaqaaqyadooda taas oo maanta laga wada dheregsan in Warbaahinta dunida si joogtaa uga hadlayaan tacadiyada Al-Shabaab iyo walaaca dunida ka qabto.
Somaliland waxaa ka jira duufaano siyaasadeed iyo dilal qabiil taasina waa sheeko xiiso leh oo nagu qasabtay inaan ka sameeyno warar joogta ah.
Madaxweynaha xilligaan ee Somaliland Ahmed Mohamed Siilaanyo wuxuu ka mid ahaa qurba joogtii Magaaladda London ku dhisay Jabhadii Isaaqa ee SNM kuwaas oo dagaal dheer la galay Kacaankii Mohamed Siyaad Barre.
Isaaqa oo ka mida qabiilada Goboladda Waqooyi ee Somalia dega waxay safka hore uga jireen beelahii doortay inay la midoobaan walaalahooda Koofurta Somalia ,waxaana Calanka laga taagay goboladda Waqooyi iyadoo aysan qasab jirin.
Qabiilka Isaaqa markii ay u adkeeysan waayeen tacadiyadii iyo xaqiraadii Xukumadii Mohamed Siyaad barre ayey go’aansadeen inay dib uga laabtaan midowgeey la galeen Walaalahooda Koofurta Somalia taasina waxaa diiday Kacaankii Siyaad Barre oo (Gumaad) xasuuq kula kacay dad u dhashay Isaaqa si ay Somaliweyn ugu qasbaan.
Kacaankii Siyaad Barre wuxuu aad u necbaa Warbaahinta ka hadasha dhaqdhaqaaqyada SNM iyo Gumaadka uu kacaankiisa ku hayay beesha Isaaq,maanta Xukumadda Siilaanyo waxay aad u neceb yihiin Warbaahinta ka hadasha tacadiyada lagula kacaya qabiilada Samaroon iyo Dhulbahante iyo dhaqdhaqaaqyada Jabhadaha SSC iyo AWDAL STATE.


Daacada ayaa u hiilisay, Halgan dheer kadib Isaaqu waxay hormuud ka noqdeen beelo ku dhawaaqay inay ka go’een Somalia oo la baxay Somaliland.waxyar kadib markii Somalia laga eryay Kacaankii Siyaad Barre.
Beelahii wax ka dhistay Somaliland sida Gadabuursi iyo Dhulbahante ayaa tacadiyo iyo xaqiraad la mida tii SNM ku dhalatay ka tirsaday Maamulka Siilaanyo oo ula muuqdo mid ku aruuray gacanta qabiilka Isaaqa kadibna waxay qurba joogta Dhulbahante sameeyeen Maamul goboleedka SSC halka qurba joogta Gadabuursi halkii lagu aas aasay SNM uga dhawaaqeen Maamul Goboleedka AWDAL STATE.
Xukumadda Siilaanyo iyo dad u dhashay Isaaqa ayaa Sheeko Baraleey ku sifeeyay in Dhulbahante iyo Gadabuursi ka bixi karaan Somaliland taasina waxaa ka dhashay xasaasiyad Waagacusub ku qasabtay inay xooga saarto tebinta wararka iyo warbixinada la xiriira arrimahaan.
Samaroonka iyo Dhulbahantaha waxay ku doodayaan in Madaxda iyo shacabka Isaaqa %80 taageersan yihiin in labadooda beelood lagu xukumo qori caaradiis,oo waajib looga dhigo inaysan ka bixi Karin Midowga Somaliland taas oo la mida hab dhaqankii Xukumadii Afweyne dadka Isaaqa u gumaaday iyadoo ku qasbeeysay inaysan ka bixi Karin Midnimada Somaliweyn.
Xeeldheerayaasha labada beelood waxay leeyihiin “Waxaanu dareemeeynaa inaan xor aheyn oo Shuraakada Somaliland kala laaban karin saamiga aan ku darsanay mar hadii Shirkadu noqotay mid beel gaara ka caana maasho,oo maamulkeeda la wareegtay”
Xukumadda Siilaanyo waxay Gadabuursi iyo Dhulbahante ku qasbayaan in Caruurtooda la baro taariikhda Jabhadii SNM ee Isaaqa laakiin waa ayo Dhulbahante iyo Gadabuursi?
Dhulbahante waa Daarood waxayna taageersanaayeen Xukumadii Siyaad Barre waxaa Sool iyo Ceyn ku nool boqolaal Caruura oo aabayaashood ay dishay Jabhadii SNM.
Jabhadii SNM waxay weerartay Gadabuursi ,waxayna qabaan cuqdad la mida tan Daarood ka qabo USC iyo SNM sidaasi darteed ma tahay Dimoqoraadiyad in lagu qasbo barashada taariikhda Jabhadii leeysay mase tahay wax ku qoran Dastuurka Somaliland ee lagu heshiiyay.Codkaan Dhageyso
Su’aal xiiso badan waxay tahay “ Hadii Siilaanyo iyo beesha uu ka dhashay ee ISAAQ ka dagaalameen in lagu qasbo Midnimada Somaliweyn ,Kacaankii Siyaadna qori caaradiis ku joojin waayay rabitaankooda maxaa u sababa maanta inay Gadabuursi iyo Dhulbahante ku qasbaan Somaliland iyo barashada taariikhda SNM? Miyeeysan waaya aragnimo ka helin in Dowladii ugu awooda badneed Geeska Afrika ee Mohamed Siyaad qori caaradiis ku xukumi weysay Isaaq"?
Hadii la qiimeeyo dibadbaxyadii ka dhacay Borama,rabitaanka qurba joogta Awdal,xasuuqii Kalshaale iyo burburinta Xukumadda Siilaanyo ku heyso Somaliland maxaa diiday in dadka u dhashay Isaaqa si walaalnimo leh uga dhiidhiyaan gabood falada lagu garba duubayo beelaha la degan maxayse Isaaq iskaga qaban la yihiin Maamulka ku tumanaya tacabkii ay labaatanka sano u dhimanayeen.
Somalidu waxay ku maahmaahdaa WALAALOOW WAXAAD KU WAYSO WARAN KUMA HESHID taas oo loola jeedo in wixii xal lagu waayo xoog lagu heli karin.
Somaliland waxay sheeganeysaa nidaam dimoqoraadiya laakiin geedi socodkii nabada iyo dowlad wanaagii labaatanka sano maanta waxaa bedelay Gumaad iyo in Hargeysa looga dhawaaqo XISBUL ISLAAM sheegaya inay dimoqoraadiyada la dagaalamayaan.
Dimoqoraadiyada micnaheedu wuxuu ka yimid Diinta Islaamka oo ah Nasteexo iyo xaqdhowr,waxaana loola jeedaa in nabad iyo cadaalad lagu wada noolaado oo qofna lagu xadgudbin xaqiisa lakiin halkaan ka Dhageyso Gudoomiyaha Xisbulaahi oo khudbad ka jeediyay furitaankii Xisbigooda ee Magaaladda Hargeysa.


In beel dhan oo degaan weyn ka soo jeedo lagu aamusiyo qori caaradiis maaha Dimoqoraadiyad balse waxaa ka dhalan kara xiisado beeleeysan oo Somaliland ka dhigi karta mid ka liidata koofurta Somalia hadii aan meesha laga saarin isla weyninka iyo awood ku faanka.
Xukumadda Siilaanyo kuma shaqeeyneyso hab dowliya balse waxay noqotay NGO ,waxaana xusid mudan inay bulshada reer Somaliland uga baxday dhamaan balanqaadyadii ay la gashay oo laga xusi karo WALAALOOW HA TAHRIIBIN ,UDUB WEY TEGIYE.
Waagacusub wuxuu xiiseeynayaa wararka Galmudug State maxaa yeelay Galmudug waxaa ka jira isbedelo siyaasadeed kuwaas oo laga xusi karo xilka qaadistii golaha baarlamaanka kula kaceen Madaxweynaha Maamulka iyo Go’aankii Maxkamadda.
Madaxweynaha waxay Maxkamadu ku xukuntay inay ku cadaatay dhamaan dimbiyadii lagu eedeeyay laakiin xilka qaadistiisa aan loo helin cod ku filan sida uu Dastuurka Galmudug qabo.


Madaxweyne Caalin wuxuu aqbalay xukunka Maxkamadda hasse yeeshee mar dambe ayuu laalay ,wuxuuna been cad ku tilmaamay xukunka Maxkamadda sare ee Galmudug.Dhageyso
Dagaalkii u dhaxeeyay Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne Caalin waxaa ku soo biiray Culumadda Maxkamadda sare ee Galmudug,waxaana laga yaabaa in mooshin labaad lagu rido Caalin.
Arrimahaan waa sheekooyin xiiso badan oo Waagacusub u leh mudnaan gaara.
Waxaa laga yaabaa inay jiraan dad ka careeysan waagacusub oo sababtuna ay tahay inuu ka hadlo xaqiiqada ,dibadana dhigo Cadaalad darada,musuqmaasuqa iyo qabyaalada hasse yeeshee waxaa imaan maalin kuwa careeysan ku farxaan Wararka Waagacusub,waana marka xaqooda la dulmo ama Cadaalad daro ay ka gubanayaan cabsi la’aan lagu daabaco Waagacusub.
Warbaahinta Waagacusub malahan Saaxiib joogtaa laakiin waxay leedahay Cadaalad joogtaa,Cabsi La’aan joogtaa iyo abuuris dimoqoraadiyad dhaba oo qofkasta codkiisa dhiiban karo.
Hadii aad tahay Wariye ama Milkiile Warbaahin Soomaaliyeed oo aad beeshaada,hogaamiyaha ku xiga, ugu hiilisid xaqdaro,waxaad ogaataa miraha Cadaalad daradaas ka dhasho inaad ka mid tahay kuwa guran doono maxaa yeelay waxaad goobjoog u noqon Aabahaa iyo adeerkaa oo xaqdaradaad shalay ka aamustay ku dagaalaya? Maalintaasi talo fara ka baxday ee toloow keed u hiilin?adigoon weji xumadaas u noqon goobjoog sow kama wanaagsana inaad maanta u hiilisid xaqa,kana hiilisid xaqdarada.
Saado Cali Warsame waxay ahayd Fanaanadii Siyaad Barre ka horqaaday Landcruiser Gado iyo Ninkoow!!
Allaha u naxariistee Xaliimo Khaliif oo Ayeeyo iigu toosan waxay ahayd Fanaanadii qaaday Jawaabtii Landcruiser ee Siyaad Barre lagu difaacaayay.
Jabhadii USC (Hawiye) waxay ahaayeen kuwii eryaday Saado Cali ,ayeeyo Xaliimana ugu yeeray Mujaahidad?
Anigana waxaan ahaay Wiilkii 1992 ku qoray Wargeyska Beeldeeq CAQLIGA USC (HAWIYE) "SAADO CALI FAQASH,XALIIMO KHALIIF MUJAAHIDAD"
By Dahir Alasow.
dahiralasow@yahoo.com


Daawo Video Dagaalka Muqdisho= Meydadka Al-Shabaab iyo Amisom



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Online inta akhrisanee

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasow@mareeg.com
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

Halkaan ka dhageyso barnaamij xiiso badan 1995

Khudbad uu Jeneral Caydiid jeediyay markii Cunaqabateynta laga qaaday

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo Dhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynaya dhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badan halkaan ka dhageyso

Iloobi Meeyno taariikhda,Iloobi meeyso taariikhdu

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3