Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Maxaad ka taqaan Somali Ethiopian-ka maamula Villa Somalia.

15 Febraury 2013 Waagacusub.com- Warbaahinta Waagacusub waxay ogaatay inay Madaxtooyadda Somalia maamulaan Afar nin oo qabiil ahaan ka soo jeeda Beesha Reer Aw Xasan kuwaas oo ka tirsan Sirdoonka Dowlada Qatar .


Afarta nin oo lagu kala magacaabo Abdirahman Guulwade,Farah Topaz ,Fahad Yaasiin iyo Omar Dahir Abdirahman waxay dhamaantood heystaan dhalashada Ethiopia ,wuxuuna nin ka mida leeyahay taariikh dheer.

Ninkaan oo lagu magacaabo Abdirahman Guulwade wuxuu qabi jiray gabadhii Mohamed Siyaad Barre (Allaha u naxariistee) hassse yeeshee aan laba ka mida uun soo qaato si aan bulshada ugu sharaxno sidii Madaxweyne Hassan Mohamud Alasow lagu doortay iyo shaqsiyaadkii lacagta doorashadiisa ka soo shaqeeyay .

Abdirahman Abdi Hussein (Abdirahman Guulwade),Omar Dahir Abdirahman iyo Farah Abdulkadir (Farah Topaz) waxay ku dhasheen degaanka Reer Aw Xasan-ka degaan oo lagu magacaabo Buurkur Khalaafe.

Abdirahman Guulwade wuxuu ka mid ahaa dhalinyaro ka soo haajiray Ogadenia sanadkii 1967 kadibna waxaa Waxbarasho Melleteri loo geeyay Dalka Syria.

Lix sano kadib Wuxuu Abdirahman Guulwade ku laabtay Muqdisho isagoo Xidigle ah.

Abdirahman Guulwade oo ah nin Galgal badan wuxuu guursaday gabadh uu dhalay Mohamed Siyaad Barre.

Allaha u naxariistee Mohamed Siyaad Barre ayaa Guulwade u diray Waxbarasho Masar ah.

Abdirahman Guulwade wuxuu todobo sanadood Masar u joogay Barashada Siyaasadda iyo Sirdoonka kadibna wuxuu ku laabtay Muqdisho.

Madaxweynahii Somalia marna ahaa Sodogiis ayaa u magacaabay Safiirka Somalia u fadhiya Saudi Arabia ,waxaana afar sano kadib hadana loo magacaabay Safiirkii Masar ee Somalia.

Lix sano ayuu Abdirahman Guulwade Safiir ka ahaa Masar kadibna waxaa loo magacaabay Taliyaha Kumaanda Boliisiya.

Xukumadii Mohamed Siyaad Barre waxay dhacday isagoo u madaxa Ciidamadii Kumaanda Boliisiya.

Abdirahman gabadhii uu qabi jiray ee Mohamed Siyad Barre dhalay waa dhimatay,waxaana gabadhaas ahayd bahda Dalaayad.

Markii Xukumadii Mohamed Siyaad la riday wuxuu Abdirahman Guulwade ka mid noqday Sirdoonka Ethiopia,Masar iyo Qatar,wuxuuna ahaa nin ka mida lixda qof ee Somalia u qaabilsan.

Abdirahman Guulwade wuxuu gudaha Somalia ka hoowlgeliyay dad u dhashay qabiilkiisa Reer Aw Xasan uuna ka mid yahay Farah Abdulkadir kuwaas oo Muqdisho ka sameeyay Hay’ado Waxbarasho si ay bulshada ugu muujiyaan inay shaqadoodu tahay Waxbarashada.

Farah Abdulkadir wuxuu bartay Sharciga iyo Sirdoonka.

Farah Topaz wuxuu diyaarinayaa qorshaha boqolka sano ee soo socota ay xukunka Somalia ku sii heysan lahaayeen si toosa iyo si dadban.

Abdirahman Guulwade wuxuu ka shaqeeyay in Fahad Yasiiin Xaaji Dahir ka mid noqdo Sirdoonka Qatar ,isagoo ku biiray Telefishinka AlJazeera.

Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa Abdirahman Guulwade ka dhigay Safiirka Somalia ee Iiraan hasse yeeshee sanado kadib wuxuu ku guuleeystay Guulwade in loo magacaabo Safiirka Jibouti u fadhiya Somalia maadama Djibouti tahay meel Istaraatiijiyad ahaan uga wanaagsan Iran oo Dowladda Qatar Cadaadis ku saartay inuu ka wareego.

Abdirahman Guulwade oo ah Khabiir ku xeeldheer taabagelinta hoowlaha Sirdoonka iyo Diblomaasiyiinta wuxuu ku guuleeystay in Safiirka Qatar laga dhigo nin ka tirsan Kooxda Farah Abdulkadir ee Dam Jadiid laguna magacaabo Omar Idiris balse dhalasho ahaan ka soo jeeda Gugundhabe.

Farah Topaz ayaa Abdirahman Guulwade ula tegay qorshe la xiriiray inuu Dowladda Qatar ka dhameeyo inay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale siiyaan Hassan Mohamud Alasow maadama aysan suurtagal ahayn in nin u dhashay beesha Reer Aw Xasan isu sharaxo Madaxweynenimada Somalia.

Abdirahman Guulwade,Farah Abdulkadir iyo Fahad Yasiin oo kaashanaya Safiirka Somalia u fadhiya Qatar Omar Idiris waxay ku guuleeysteen in Malaayiin Dollar laga qaado Qatar si loogu dhiso Musharaxnimada Hassan Mohamud Alasow oo ku guuleeystay tartankii Madaxweynenimada Somalia.

Abdirahman Guulwade wuxuu safar deg dega ku tegay Dowladda Ethiopia isagoo gaarsiiyay fariin la xiriirtay in Villa Somalia ku jirta gacanta Siyaasiyiin u dhalatay Ethiopia halka Farah Topaz Madaxweyne Garguurte ka dhameeyay inuu aqbalo saxiixida heshiis cusub oo Ethiopia iyo Somalia u dhaxeeya iyo sidoo kale ku dhawaaqista inuu dhamaaday tabashooyinkii Somalia ka qabtay Ethiopia la iskana cafiyay wixii dhacay oo dhan.

Fahad Yasiin ayaa ku guuldareeystay qorshe uu doonayay in Mohamed Abdullahi Farmaajo loogu magacaabo Ra’isulwasare,waxaana ka awood batay qorshahii uu watay Farah Abdulkadir oo Farmajo u arkay nin aan aqbali doonin qorshahooda siyaasadeed ee ku saleeysan xiririka Ethiopia iyo Carabta.

Fahad Yasiin wuxuu sidoo kale ku hungoobay inuu Wasiir ka noqdo Xukumadda Federalka maxaa yeelay waxaa Wasiiru Dowle laga dhigay Farah Abdulkadir oo ay isku reer yihiin.

Fahad Yaasiin wuxuu Muqdisho ka furay xarun cilmi baaris magaceedu yahay balse Dowladda Qatar lagu siiyo Macluumaad.

Dadka qaar waxay sheegaan in Fahad Yasiin ka carooday hasse yeeshee lama hubo.

Fahad Yaasiin waa nin af gaaban oo wuxuu qabo si sahlan lagu ogaan Karin.

Inkastoo aan la ogeyn in Fahad ku dhashay Khalaafe hadana waxaa la xaqiijiyay in Aabahiis ka soo jeedo degaankaas.

Omar Dahir Abdirahman waa ninka qaabilsan aruurinta Sirta,waxaana yar dadka yaqaan maxaa yeelay wuxuu dhex degan yahay Madaxtooyadda.

Korneyl Omar oo ka tirsan Nabadsugida Ethiopia wuxuu si gaara uga shaqeeyaa in Wasiirada Cabdi Kariim Guled iyo Sheekh Abyan saaxiib la noqon qabiiladooda.

Hada Madaxtooyadda (Villa Somalia) waxaa maamula Abdirahman Guulwade,Omar Dahir Abdirahman ,Fahad Yaasiin iyo Farah Topaz oo ah Somali Ethiopian .

Labadaan nin Aabayaashood waxay u shaqeen jireen Ninkii Beeraleeyda ahaa ee Olol Diinle una dhashay Boqortooyadii Ajuuraanka.Olol Diinle wuxuu lahaa Beero Messego.


Arrinta la yaabka leh waxay tahay in Madaxweyne Hassan marka uu madaxda Caalamka la shirayo uu mar walba garab fadhiya Farah Topaz marka laga reebo Ra'isulwasare David Cameron oo iska diiday.

Somalida qaarkood waxay sheegaan in Qabiilka Reer Aw Xasan yihiin Sheekhaal laakiin marka lala sheekeeysto iyagu waxay sheegaan inay dhalasho ahaan yihiin ASHARAAF.

Reer Aw Xasan waa qabiil tira yar laakiin tayo ahaan dhisan xaga Diinta Islaamka,Cilmiga maadiga iyo aadaabta bulsho la dhaqanka.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3