15 Oct 2011Waagacusub.com-Ra’isulwasaarre
Cabdi Wali Gaas ayaa ka biyo diidsan inuu xilka qaadis
ku sameeyo Wasiirka Maaliyadda Xukumadiisa oo ku jira
liis ay ku qoran yihiin Wasiiro uu Madaxweyne Shariif
ku adkeeysanaa in shaqada laga eryo.
Please install Flash® and turn on Javascript.
Madaxweyne Shariif ayaa 09 October 2011 u gudbiyay Ra’isulwasarre
Cabdi Wali liis ay ku qoran yihiin Wasiirka Arrimaha
Dibadda Maxamed Maxamud Xaaji,Wasiirka Gaashaandhiga
Xuseen Carab Ciise,Wasiirka Maaliyadda Cabdi Naasir
Maxamed Cabdulle iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi
Samad Macalin Maxamud.
Khilaafka labada Masuul ayaa la sheegay inuu cirka isku
shareeray,wuxuuna Cabdi Wali Gaas xusul duub ugu jiraa
sidii uu seefta xilka qaadista ugu galaafan lahaa Wasiiro
la saaxiiba Madaxweyne Shariif ,hadii uu ka tanasulin
eedeyntiisa Wasiirka Maaliyadda.
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Xuseen Carab Ciise oo
caro badan ka muuqato wejigiisa ayaa tegay Magaaladda
Nairobi ee dalka Kenya.
Dowladaha reer Galbeedka ayaa la sheegay inay ka shaqeeyeen
xilka qaadista Wasiirka Arrimaha dibadda oo ay ku sheegeen
nin ka aradan diblomaasiyadda hada dalalka safka hore
gaar ahaan Dowladda Uganda kala hadashay Madaxweyne
Shariif in la eryo Wasiirka Gaashaandhiga.
Wasiirka Gaashaandhiga iyo kan arrimaha dibadda waxay
ka siman yihiin aqoondarada Gaashaandhiga iyo diblomaasiyadda.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download