Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2012

     
 
 
 

Topnews:- Caruur nolosha lagu gubay Hargeysa iyo Holland oo Magangalyo siisay Aabahood+ Sawiro


15 December 2012 Waagacusub.com- Waxay ahayd dhacdo uur ku taalo badan oo haweeneey reer Hargeysa ah ku gumaaday Caruur aan waxba galabsan oo Oromo Ethiopian ahayd.
Sheekadaan argagaxa iyo qaracanka badan oo laba bilood aan dabajoogay ayaan jecleeystay inaan todobaadkaan si guud uga sheekeeyo.


Abdirahman Koroso waa 35 sano jir u dhashay qowmiyada Oromana ,wuxuu ku dhashay Dalka Ethiopia gaar ahaan Degaanka Kofale.
Abdirahman wuxuu ka mid noqday Qaxooti ka soo haajiray Ethiopia oo Hargeysa degay.
" Gabadh iyo Wiil aan dhalay oo lagu kala magacaabi jiray Muna iyo Abdisa ayaa nolosha lagu gubay Hargeysa,waxaa gubay naag Reer Hargeysa ah oo la yiraa Khadra,anigana waxay iga jibisay Lug" ayuu yiri Abdirahman.


Inta aan sii wadin sheekada calool xumada badan ee Aabaha u dhashay qowmiyada Oromo ka qabsatay Hargeysa aan marka hore sawir guud ka bixiyo ,sida wax u dhaceen.
Maqaayad Cuntada lagu kariyo ayuu ka furtay Xaafadda Suuqa hoose ee Xeraqaadka Hargeysa hasse yeeshee wuxuu muran dhexmaray Gabadh ka shaqeeyneysay Maqaayadiisa iyo Haweeneey reer Hargeysa ah oo lagu magacaabo Khadra taas oo Maqaayad ku ag lahayd.
Abdirahman oo Labadiisa Caruurta la jooga ayaa maqlay in Maqaayadiisa Gabadhii ka shaqeeyneysay lagu duulay oo dagaal ka socda.
Gurmadkii Abdirahman Oromo waxaa ka dhashay in asaga laftiisa la shiido oo lug laga jibiyo.
Caruurta uu heystay Abdirahman asaga ayaa Aabe iyo Hooyo u ahaa maxaa yeelay waa kala tegeen hooyadood.
Abdirahman oo lug ka jaban iyo gabadhii u shaqeeyneysay ayaa Saldhiga New Hargeysa lagu xiray.
Ciidamada Boliiska waxba ma yeelin haweeneeydii Reer Hargeysa ee Ninka Maskiinkaa iyo Gabadha u shaqeeyneysay ku duulay.
Labada Caruurta ee Abdirahman Oromo dhalay oo kala ah Muna oo 5 sano Jira iyo Abdisa oo 2 sano jira waxay ilaa habeenkii saqdhexe ka dhex ooynayeen qolkii uu ku xiray ee Xaafadda Suuqa hoose.
Nin ka mida Odayaasha Xaafadda ayaa Saldhiga New Hargeysa tegay wuxuuna ka codsaday inay sii daayaan Aabaha si uu Caruurtiisa yar yar u caawiyo.
Boliiska ayaa aqbalay codsiga Odayga laakiin Khadra markii ay ka war heshay in la sii daayay Abdirahman ayey maalintii dambe meel fagaara ah uga hanjabtay inay Caruurtiisa deb qabadsiin doonto.
15 July 2012 ayey Khadra dab qabadsiiyay qolkii ay labada Caruurta ku jireen ,waxaana Abdirahman Koroso lagu wargeliyay in Ubadkiisa dab qabadsiisay.
Abdirahman Koroso maadama uu lug ka jabnaa wuxuu awoodi waayay inuu gurigiisa oo aan ka fogeeyn halka uu Maqaayada ku lahaa deg deg u gaara ,.wuxuuna ugu dambeyn u tegay Caruurtiisii oo Sakaarada.sida aad ka arkeeysiin sawiradooda.
Isbitaalka weyn ee Hargeysa ayaa loola Cararay laakiin nasiib daro Wiilka wuxuu dhintay Maqribtii ,gabadhana waxay dhimatay saqdhexe.
Gacan ka hadalka lugta looga jibiyay Aabaha dhalay Caruurta wuxuu dhacay Khamiistii waxayna Khadra gubtay Caruurta Axadii.
Ciidamadda Boliiska New Hargeysa ayaa xiray Khadra.waxaana labadii Caruurta la aasay maalintii Isniinta.
Hay''ada UNHCR ayaa Abdirahman Oromo qaaday oo dejisay Scandinivian Hotel si amaankiisa loo xaqiijiyo.
Maalmo kadib waxaa Saldhiga tegay dad Reer Hargeysa ah oo Khadra ku marqaati furay inay Caruurta gubtay iyo dhibanaha dhalay Caruurta.
Khadra lama xukumin waxaana dhacday inay sii xirnaato kaliya.
Aabaha Caruurtiisa nolosha lagu gubay waxaa Magangalyo siyaasadeed siisay Dowladda Netherland , 17 September 2012 ayaa la keenay Holland.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Jaaliyadda Holland Yusuf Ahmed Yusuf wuxuu sheegay inuu la xiriiray Xafiiska CID ,waxayna xaqiijiyeen in gabadhii falkaas geysatay wali xiran tahay.
Dhibane Abdirahman oo hada degan Magaaladda Zwole oo aan kula kulmay wuxuu Maamulka Siilaanyo ku eedeeyay inay Cadaalada ka fogaadeen,wuxuu sheegay inuu dacwad u qoray Madaxtooyadda iyo Maxkamada hasse yeeshee Nasiib daro kama jawaabin.
Abdirahman wuxuu dalbaday in Shacabka Somaliland Cadaalada u hiiliyaan oo Maamulka Siilaanyo cadaadis lagu saaro sidii Haweeneyda dishay Caruurtiisa loo horgeyn lahaa sharciga.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Holland wuxuu cambaareeyay falkaas ,wuxuuna sheegay in tacadiyada Maamulka Siilaanyo faraha ka baxeen.
Inta aan nolosha lagu gubin labada Caruurta ee Abdirahman dhalay ka hor waxaa Xaafada Daami ee Magaalada Hargeysa lagu gubay Aabe ,Hooyo iyo Laba ka mida Caruurtooda,waxayna u dhasheen Oromo.
Warbaahinta Somaliland ayaa ka aamustay inay ka hadlaan tacadiyada baahsan ee dadka Masaakiinta lagu gubayo.
Sheekadaan naxdinta badan waxay sawir guud ka bixineysaa sida Maamulka Siilaanyo uga fog yahay Cadaalada iyo ilaalinta xaquuqul insaanka.

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3