16 Janaury 2012Waagacusub.com- Somaliland ayaa Ciidamo
lixaadleh geeysay Magaalada Taarikhiga ee Borama xilli
Madaxweynaha Awdal State Rashid Aw Nur Xirsi iyo wafdi
uu hogaaminaya ay ku sii jeedaan Magaaladda Baki oo
ah Caasimadda Awdal State of Somalia.
Borama iyo Baki waxay ka wada
tirsan yihiin gobolka Awdal oo bulshada ku nool ee beesha
Gadabuursi u muuqato inay dhabarka xejisay maamulka
Somaliland.
Dareen xoogan ayaa ka dhashay Ciidanka Maamulka Siilaanyo
geeyeen Borama hasse yeeshee waxaa la sheegay in Ciidamadu
yihiin kuwa looga hortagayo socdaalka Madaxweynaha Awdal
State oo laga cabsi qabo inuu si sahlan ku tago Magaaladda
Borama.
Madaxweynaha Awdal State iyo wafdiga la socda oo ay
ka mid yihiin Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Somalia
Prof Xaamud Cali Maasheeye lama oga dariiqa ay u marayaan
safarkooda waloow warar kala duwan ka soo baxayaan.
Ila wareedyo muhiima ayaa sheegay inay ka degayaan Garoonka
Jig jiga kadibna ku galayaan gobolka Awdal safar dhinaca
dhulka ah halka warar kalena tibaaxeen inay Baki iyo
Dila ka gelayaan dhinaca Puntland.
Dowladda Federalka Somalia ayaa maamul goboleedka Awdal
State ku caawisay hub iyo saanad Melleteri dhan laba
kun oo askari sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo
ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia.
Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Somalia ayaa
si maldahan u sheegay inay taageero siinayaan Dowlad
goboleedka Awdal State iyo midka looga dhawaaqi doono
Taleex ee Darwiishland of Somalia,Halkaan
ka dhageyso.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org