La
heystayaashii DDG ee Galmudug laga qafaashay oo la saaray
Markabka MV Albedo.
16 Janaury 2012Waagacusub.com-Taliyaha burcad Badeeda
Goboladda dhexe Mr Guushaaye ayaa Waagacusub u xaqiijiyay
in shaqaalahii Hay’ada DDG ee laga qafaashay Galkacyo
u wareejiyeen meel ka baxsan beriga Somalia.
Inkastoo taliyaha burcad badeeda
ka gaabsaday meesha ay geeyeen shaqaalaha DDG oo u kala
dhashay Mareykanka iyo Denmark hadana waxay ila wareedyo
muhiima u sheegeen Waagacusub in labada samafal la saaray
Markab laga leeyahay Dalka Malaysia oo burcad badeeda
heystaan kaas oo lagu magacaabo MV Albedo.
Nin ka tirsan burcada afduubatay ajnabiyiinta u shaqeeynayay
Hay’ada DDG ayaa laga soo xigtay in xaalad amaan loogu
wareejiyay Markabka ,waxyar kadib markii ay ka warheleen
in hoowlgal Melleteri looga furan doono .
32 Jir u dhalatay Mareykanka oo lagu Jessica Buchanan
iyo 60 jir u dhashay Denish-ka oo kala shaqeeynayay
Hay’ada DDG laguna magacaabo Poul hagen ayaa 15 October
2011 waxaa laga qafaashay Koofurta Magaaladda Galkacyo
ee Galmudug State.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org