16 Oct 2011Waagacusub.com-Ciidamadda
amaanka Somaliland aya gacanta ku dhigay Jabriil Sayid
Cali Guuleed Gumbur xilli uu la socday gaari nuuca rakaabka.
Please install Flash® and turn on Javascript.
Ciidamadda Nabadsugida Faransiiska oo sida la rumeeysan
yahay ku wargeliyay Nabadsugida Somaliland qabashada Jabriil
Sayid Cali ayaa Wareeysi dheer kula yeeshay Magaaladda
Hargeysa ka gadaal markii loo diiday in loo gacangeliyo.
Warbaahinta Waagacusub ayaa nuqul ka mida Wareeysigii
lala yeeshay ka heshay Xafiiska Nabadsugida Somaliland,waxaana
ugu muhiimsanaa su’aalaha la waydiiyay sidaan:
1-Su’aal: Magacaada oo sedexan noo sheeg?
Jawaab: Magaceeyga waa Jabriil Sayid Cabdi Raxmaan
Wuxuu magaciisa ka sheegay been waxaana la yiraa Jabriil
Sayid Cali Guuleed Gumbur.
2- Su-aal: Qabiilka aad Somali ka tahay noo sheeg?
Jawaab: Somali waxaan ka ahay Hawiye,Habargidir Ceyr.
Wuxuu qabiilkiisa ka sheegay been wuxuu u dhashay Hawiye,Habargidir,Saleebaan,reer
Warfaa.
3- Su-aal: Ma tahay ninkii Hotel Sahafi ka afduubay
labadii Sarkaal ee Faransiiska?
Jawaab: Haa waan ahay ninkii afduubkaas wax ka fuliyay
ee labadaas nin afduubay?
Wuxuu su’aashaan uga jawaabay si saxa,wuuna qirtay inuu
yahay afduubaha labadaas Sarkaal?
4- Su’aal: Ma Al-Shabaab ayaad ka tirsan tahay maxaad
u afduubtay Saraakiisha Faransiiska?
Jawaab: Maya kama tirsani Al-Shabaab waxaa ii geeyay
hunguri,waxaa la I siiyay afar kun oo dollar sidaas
ayaan u afduubay,waxaan ka shaqeeynayay Hotel Sahafi!!
Wuxuu ku jawaabay been ,kama shaqeeyn jirin Hotel Sahafi,wuxuu
ka tirsanaan jiray Istaafka Wasiirkii Arrimaha Gudaha
Abdulkadir Ali Omar,wuxuuna ka mid ahaa ilaaladii ka
hartay markii uu ku biiray Dowladda Shariifka,waxaa
afduubka lagu siiyay 11.000 Dollar.
5- Su-aal: Saraakiishii Faransiiska xagee lagu hayaa
hada ogaalkaada?
Jawaab: Waxba kama ogi ,waxaan maqlay in nin ka mida
la sii daayay midkii kalena waxaa heysta Al-Shabaab,waxaana
iigu dambeysay markii aan afduubnay!
Wuxuu uga jawaabay si saxa,wuxuuna Jabriil ku biiray
burcad badeeda ,isagoo inta badana joogay cadaado .
Marc Aubrière iyo Denis Allex ayuu Jabriil Sayid
Cali ka afduubtay Hotelka Sahafi ee Mogadishu July 14
2009 ,waxaana markii dambe baxsaday ama la sii daayay
Marc Aubrière halka uu wali afduuban yahay Denis
Allex.
Dowladda Faransiiska waxay safka hore uga jirtaa dalalka
sida wanaagsan ula dhaqmo bulshada Somalida.
Somalida laguma dhibaateeyo gudaha dalka Faransiiska
iyo Garoomadooda waxaana loola dhaqmaa hab ixtiraameed
ka duwan dalalka Yurub.
Saraakiisha Faransiiska waxay Somalia u tageen inay
tababar siiyaan Ciidamadda Qaranka laakiin nasiib daro
dowladda labada Shariif waxay dayacday amaanka Saraakiisha
loo gacan gelshay Al-Shabaab.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download