16 November 2011Waagacusub.com-Dhacdooyinka la yaabka
leh ee horjoogayaasha Xukumadda Siilaanyo falayaan waxaa
lagu sifeen karaa BAADIDA NINBAA KULA DAYI DAYI
DAALNA KAA BADANE,IN LA HELAANI DOONI HEEYN DAA’IN EBEDKEEDA.
Waa hubaal in Xukumadda Siilaanyo ku hoowlan tahay burburinta
Somaliland iyadoo shacabkana u muujinee inay baadigoobayaan
Ictiraafka Somaliland.hadiise ay jiraan dad fikradeyda
dhaliilsan ama mad madoow uga jira aan guda galo inaan
soo bandhigo qodobo muhiima .
Somaliland waxay labaatan sano guluf ugu jirtay in Caalamka
u aqoonsado Dal Madaxbanaan .
Goboladda Waqooyi ee la isku yiraa Somaliland waxaa
dega qabiiladda Isaaq,Samaroon,Warsangeli Daarood,Dhulbahante,Faqashini
Hawiye,Tumaal,Gabooyo,Akiisho iyo qabiilo badan oo Somalia.
Xukumadda Siilaanyo waxay soo rogtay amar la xiriira
in Iskoolaadka Somaliland lagu dhigo taariikhda Jabhadii
SNM ee dagaalka la gashay Xukumadii Maxamed Siyaad Barre
laakiin marka si toosa loo abaara ahayd jabhad Isaaq.
Ma tahay Suurtagal in taariikhda Jabhadda SNM loo dhigo
Caruurta Samaroon,Dhulbahante iyo Warsengeli ee ay aabayaashood,awoowayaashood
dileen ama xitaa kuwa Isaaqa u dhashay ee Aabayooshood
loo dilay inay ka tirsanaayeen Kacaankii 21-ka.
Hadii aan si kooban uga Jawaabo ,waxay Xukumadda Siilaanyo
ku hoowlan tahay dib u soo celinta Aanooyinkii qabiil
ee lagu heshiiyay in la iska iloobo 1991.
Xukumadda Siilaanyo waxay ruclo ugu jirtaa inay Somaliland-tii
weyneed ka dhigto mid ku soo aruurto goboladda dhexe
ee beesha Isaaq degto.tani waxaa tusaale kuugu filan
lixaadsiga AWDAL STATE iyo SSC.
Waa sheeko baraleey laga leeyahay dano gaara in Iskoolka
Laascaano,Borama iyo Ceerigaabo laga dhigo taariikhda
SNM waxayna la mid tahay in Hawiye yiraahdo,waa in Caruurta
Daarood la baro taariikhda Jabhadii USC.
Sinaba suurtagal maaha in Iskoolaadka Goboladda Gedo
iyo Garbahaareey laga dhigo taariikhda USC iyo SSDF,waxaana
la mida riyo maalmeedka oranaya Laascaano iyo Borama
ayaa laga dhigayaa taariikhda SNM.
Inta aan guda gelin qodobo ka mida kuwa Xukumadda Siilaanyo
ku abuuree xiisadaha qabiil aan marka hore isweeydiiyo
ujeedada laga leeyahay arrinka ku saabsan in taariikhda
SNM laga dhigo Iskuuladda Somaliland. A- Xukumadda Siilaanyo ma waxay dooneysaa inay
qaado duulaano aargoosi qabiila,oo waxay dooneysaa inay
ka aargoosato qabiilka Daaroodka gaar ahaan Hartiga
Dhulbahante iyo Majeerteen maadama Xukumadii Siyaad
Barre hogaaminayay xasuuqday dad u dhashay Isaaqa?
B- Xukumadda Siilaanyo ma waxay dooneysaa inay qabsatay
dhulka la isku yiraa boqortooyadda ADAL oo qabiilka
Gudubiirsiga ka tirtirto maadama SNM weerartay 1991
xilligaas oo ka adkaan waayeen kadibna lagu heshiiyay
wada dhisashada SOMALILAND.
C- Xukumadda Siilaanyo ma waxay qandaraas ku qabtaa
inay burburiso Somaliland si goboladda Sool,Sanaag,Ceyn,Awdal
iyo Salal uga abuurmaan maamul goboleedyo.
D- Ma dhici kartaa in Hogaamiyeyaasha dhaqanka,siyaasadda
iyo dhaqaalaha beesha Isaaq ka warqabin arrimaha socda
oo dhan balse qorshaha uu yahay mid ay daaha gadaashiisa
ka abaabulayaan Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab kuwaas
oo xalka ay ku qabsan karaan Somaliland u arko inay
qabiilada isku dhiftaan.
Arrimahaan oo dhan waa suurtagal laakiin Xeeldheerayaasha
waxay la yaaban yihiin aamusnaanta Shacabka Somaliland
ee Indhaha ka eeganaya burburinta wixii ay labaatan
sano ku tacab iyo tigaad beelayeen.
Hadii Xukumadda Siilaanyo ka run tahay karaameeynta
dagaalyahanadii SNM iyo Taariikhdooda maxay Agoontooda
uga saareen guryahii ay ku noolaayeen Hargeysa,qaarkoodna
rasaasta ula dhaceen?maxayse wax ugu qaban waayeen NAAFADDA
SNM ee Kumanaanka gaajada la liita.
In Xukumadda Siilaanyo beesha Isaaq u abuuree tiitiin
iyo Colaad qabiil waxaa cadeeyn kuugu filan xarigii
Borama lagu xiray labadii Xildhibaan ee Gudubiirsi Cabdoow
Shoodhe iyo Sitiin Xuseen .
Cabdoow Shoodhe iyo Sitiin Xuseen waxaa loo masaafurshay
Muqdisho halka Siyaasiyiinta aaminsan qadiyadda Somaliweyn
ee u dhashay Isaaq sida Sifir,Kaluun iyo Jaamac Yare
Ubax lagu soo dhaweeyay Madaaradda Berbera iyo Hargeysa. Xukumadda Siilaanyo ka hor kama dhicin Somaliland
Cadaalad daro gaarsiisan heerka laga maagay.
Xukumadda Siilaanyo ka hor Somaliland kama dhicin in
Kunturaadii oo dhan gacanta loo gelsho hal reer.
Xukumadda Siilaanyo ka hor kama dhicin dunida in Ganacsigii
dalka oo dhan Taraq,Sigaar,Xawaalad,Isgaarsiin,Warshado,qodista
Macdanta iyo Batroolka,Ganacsi guud (Shati shaqo) leesin
lagu siiyo hal ganacsade.
Hadii Ganacsade kaliya leesin (Shati) lagu siiyo dabaqada
ugu hooseeyso ganacsiga ilaa tan ugu sareeyso sidee
shacabka u heli karaan nolol? Maxay tahay awooda Xukumadda
mar hadii hal ganacsade dhaqaalaha iyo ganacsiga ka
yahay masuul.
Si kastaba ha ahaatee,Xukumadda Siilaanyo ka hor Somaliland
kama dhicin gabood falka,caburinta iyo tacadiyada lagu
hayo danyarta reer Somaliland iyo Saxaafadda madaxabanaan. Miir la’aanta Xukumadda Siilaanyo iyo aamusnaanta
Shacabka Somaliland.
La soco Qormo ku saabsan
Balanqaadyadii beenoobay iyo Dhaqaalahii Dekadda Berbera
ee balanqaadku ahaa in lagu daro Miisaaniyada maanta
halka lagu shubo.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download