Sheeko
Xiiso leh oo dhexmartay Madaxweyne Siilaanyo iyo Calanka
Somaliland
16 December 2011
Waagacusub.com -Sheeko xiisa leh oo
dhex martey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)
iyo Calanka Somaliland.
Silaanyo:” Calankan maalintii
ishaydu waxay ku dhacdaa boqolaal jeer markaan isku
kaliyeysano waxa nadhex mara sheekooyin dheer waana
tan ee kusoo dhawaada”.
Silaanyo: Horta calanyahow beerkaygaad
ku taala hadh iyo habeena kaama seexdo .. Intaa waxaa
ii dheer inaan labadeenu inta badan isku kaliyeysano
. Hadaba su’aalo dhawra ayaan maanta kuu hayaa inaad
iiga jawaabtid ee diyaar saw ma tihid?
Calanka Somaliland: Ha hortaabay isoo
mareen su’aalo badani waxaan hubaa inaanan ku daahaynin
jawaab u helida su’aalaha aad hayso ee Mudane madaxweyne
soo daa su’aalaha.
Silaanyo: Horta calanyahow harta aqoonsi la’aanta maxaa
kuugu wacan? Ma Adigaa waji adag mise waxkale ayaa jira
bal horta Eebaheen ayaan kugu dhaarshee si daacad ah
oo tolnimo ku jirto iigu waran?
Calanka: Mudane Madaxweyne wali su’aashan
oo kale ima soo marin ?!! Allaha u naxariistee Cabdiraxman
Tuur wuxuu i weydiin jirey hadmaa lagu aqoonsan doonaa?
Aniguna waxaan ugu jawaabi jirey waxa la i aqoonsan
doonaa goorta cadaaladu si taam ah u gaadho Somaliland
ee aan cidna laga duudsiyin xaqeeda iyo xuquuqdeeda?
Iyadoon taasi dhicin ayuu madaxtinimadii ka tagey …
Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu i weydiiyey
: Calanyahow maxaad ka qabtaa hadii aan Somaliweyn ku
biirno ? Aniguna waxaan ugu Jawaabi jirey : Hadii Nabadi
ka dhalan lahayd Soomaaliya si daacad ahna loo wada
hadli lahaa waxba kama qabeen : Iyadoon Nabadi ka dhalan
Soomaaliya ayuu isaguna xijaabtey.
Madaxweyne Dahir Rayale Kaahin ayaanu isku kaliyeysanay
mudo dheer… Rayale su’aalaha ugu weyn ee uu iweydiin
jiray waxay ahaayeen Calanyahow dadka maxaa ugu wacan
qabyaalada iyo naca ay reerkayga Samaroon ku hayaan?
Waxaan ugu jawaabi jiray qabyaaladu maaha mid reerkiina
oo kaliya lagu hayo ee reerka Isaaq Soomaali oo dhan
gaar buu iskaga yar riixaa .. Markaa madaxweyne la qabso
duruufaha.
Su’aasha labaad ee iigu adkayd ee Rayale i weydiiyey
waxay ahayd (Calanyahaw hadii aan madaxtinimada ka tago
Somaliland maxay ku danbayn ayaad u malayn? Waxaan taana
ugu jawaabay laba midbay noqon
1) Hadii nin xanaaqsani wadanka qabsado waxa badan tuhunka
iyo qabyaalada halkaasna waxa ka dhalan doona kooxo
xagjir ahi inay ku dhawaaqaan ismaamul goboleedyo iyo
Jabhado taasina way dhacday oo waxa kaaga markhaati
ah Awdal State iyo SSC. iyo waliba hadii….
Siilaanyo: jooji hadalka intaa ha dhaafin !! Awdal State
kuye dhegtaba kama maqli karo !!
Silaanyo: Calanyahaw wali iigamaad jawaabin Su’aashii
aan ku weydiiyey ee bad kale ayaad ila gashay xataa
anigii ayaad igu dhaga hadlaysaa maxaa kaa si ah caawa
??
Calanka: Mudane Madaxweyne ceebkale
ma jirto ee waxay iga tahay sheekaba sheeko ayey keentaa
ee raali ahaw.. Hadii aan hada ka jawaabo suaashaadii
ahayd : Aqoonsi la’aanta maxaa kuugu wacan? Horta aqoonsiga
calanku ma keeno ee siyaasada arimaha dibada kolba dawlada
jirtaayi samayso ayuu ku xidhan yahay aqoonsigu.
Silaanyo: Taa gartey .. Waxkale oo
aad ku dari karto ma jiraan?
Calanka: Haa Mudane Madaxweyne adiga
oo iga raali ah, nin waayeela ayaad tahee cimrigaaga
intaad jirtey ma aragtey xidig madaw??
Silaanyo: Maya.. Maya xashaa .. Dayax madoobaad waan
maqlay waanan arkay lakiin waligay xidigo cadcad mooyaane
xidig madaw waa ii hadalkaagaa !!
Calanka : Hadaba aniga maxaad laabta iigu sudheen xidigta
madaw ??
Silaanyo: Waar calan yaable ayaad tahay oo kaaalay ilayn
calan dadkii lahaayi dilay ayaad ahayd.. Xidigta madaw
cidiba isma weydiin inay tahay astaanta kooxda Alshabaab
.. hayaaay !! Hayaay!! hadaan ogaanay halka lagaa haysto.
Waa inaan wasiiradayda iyo golaha xeerdejinta iskugu
yeedho oo si dhakhsiyo ah lagaaga bedelaa xidigtaa madaw
ee inala hadhay!!
Calanka oo dhoola cadaynaya ayaa yidhi : Mahadsanid
Mudane Madaxweyne intaas ayey dadkani 20 sano garan
la’aayeen cimrigaa ha jiro mudane madaxweyne xidigta
si dhakhsiyo leh iiga bedel .
Silaanyo: Haday igu kacayaan oo odhan doonaan Somaliweyn
ayuu noo wadaa wakaas oo calankiina inuu bedelo ayuu
doonayaa markaa sideen waxyeelaa?
Calanka: Mudane Madaxweyne tali,adigay ku joogtaa anigu
ka calan ahaan halkii aan 20 sano yuuraray ayuunbaan
fadhiyaa cago aan ku socdana ma lihi adigaa ii cago
iyo indhaa.
Intaa markay is dhaafsadeen albaabka xafiiska madaxweynaha
waxa soo garaacay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Mudane
Cabdiraxman Saylici..
Saylici: Asalamu Calaykum madaxweyne
Silaanyo: haye adeer waan soo socdaa ee sug .. Markuu
Albaabka ka baxay Saylici ayuu Silaanyo yidhi “Gaw timirtii
horeba dab loo waa …!! Anagii bay naga cakiran tahoo
wiil yar oo aanan luqadiisaba la fahmayni doonayaa inuu
nagala sheekaysto siyaasad.. Waar ilayn Raamoole kama
dhamaado madaxtooyada kkkkk
Lasoco sheekada qaybaheeda kale
Xigasho: Saylac.com
Daawo
Video Dagaalka Muqdisho= Meydadka Al-Shabaab iyo Amisom
Gala
Bingo CASINO
BONUSES EUCasino fx Football
Manager
Dhageyso
Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya
Gala
Bingo CASINO
BONUSES EUCasino fx Football
Manager
Online
inta akhrisanee
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasow@mareeg.com
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org
By Dahir Alasow
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Hees
Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3
Halkaan
ka dhageyso barnaamij xiiso badan 1995
Khudbad
uu Jeneral Caydiid jeediyay markii Cunaqabateynta
laga qaaday
Wareysiyo
lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan
iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso
Wareysi
lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso
Hees Jeneral
Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso
Jeneral
Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso
Wareysi
Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso
Gabay
uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo
Dhageyso
Taariikh
nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso
Wariyeyaasha ugu caansan
Somalia oo ilmeynaya dhageyso
Part 1
Qeybta 2 aad ee Calool
xumida badan halkaan
ka dhageyso
Iloobi Meeyno taariikhda,Iloobi
meeyso taariikhdu
Questions
and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download
Sunday Music-Heesahii
Radio Mogadishu Dhageyso
ama Download
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new