Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Topnews:- Maxkamadda sare ee Galmudug " Caalin xil Wasiir kama qaadi karo"+Dastuurka akhri

16 December 2011 Waagacusub.com- Culumaa'udiinka Maxkamadda sare ee Galmudug State ayaa markii ugu horeeysay shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Galmudug Mohamed Ahmed Caalin yahay dimbiile Maxkamadda ka hor qirtay inuu galay dimbiyo uu xilkiisa ku weyn karo sida lunsasho hanti guud iyo jibin dastuurka Galmudug.sidaas darteedna waxay Garsoorka tibaaxeen in Caalin awoodahiisa kooban yihiin oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyn karin.

Gudoonka Garsoorka iyo Cadaaladda Galmudug waxay tilmaameen inay todobaadkaan gudahiisa xukun ku ridi doonaan Madaxweyne Caalin sidoo kalena waxay ugu baaqeen inuu joojiyo dhaqdhaqaaqyada uu ku sheegayo inuu xilal magacaabo ama qaar ka mida Wasiiradda ku sameeyo xilka qaadis.


Culumadda Maxkamadda sare waxay sheegeen in Caalin awoodiisa kooban tahay inta xukunka Maxkamadda lagu ridaa.iyagoo dhinaca kale xusay in Caalin laga mamnuucay safarada ilaa amar dambe.

1- Maxkamadda sare waxay ka qeybgalka Shirka wadatashiga ee Garowe u xilsaartay wafdi uu hogaamin doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xasan Heeyl.

2- Maxkamadda sare waxay meesha ka saareeysaa inuu Caalin leeyahay awood xil ka qaadis ama magacaabis Wasiiro maadama uu qirtay dhamaan eedeymahii Golaha Baarlamaanka ku oogeen.

3- Maxkamadda sare waxay Caalin fareeysaa inuu ka dhoofi karin Galmudug inta xukunka Maxkamadda looga dhawaaqaa.Dhageyso

Inkastoo Maxkamadda sare ee Galmudug Madaxweyne Caalin dul dhigtay amaro culus hadana wuxuu xalay Saxaafadda u qeybiyay warqad uu ku sheegay inuu xilka uga qaaday Wasiirka Maaliyadda Galmudug Dr Abdullahi Jama (Kobaweyne) sida ku cad digreetadaan

Wasiirka Maaliyadda Galmudug oo hore looga diiday inuu iska casilo xilka Wasiirnimada ayaa Waagacusub u sheegay inuu maanta la hadli doono Saxaafadda madaxabanaan si uu bulshada Galmudug ugu faahfaahiyo qiyaanada uu Caalin galay iyo inuusan laheen awood uu xilka uga qaado.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug oo cuskanaya qodobada Dastuurka Galmudug iyo xukunka Maxkamadda sare ee Galmudug wuxuu meesha ka saaray inuu Caalin xilka qaadis iyo magacaabis midna awood u leeyahay maadama uu yahay nin dimbiile ah.

Madaxweyne Caalin ayaa mar uu Saxaafadda kula hadlayay Maxkamadda horteeda wuxuu aqbalay xukunkii ay ku riday ee la xiriiray inuu galay dhamaan dimbiyadii lagu heystay hasse yeeshee mar dambe ayuu Saxaafadda u sheegay inuusan wax dimbiyo gelin.Halkaan hoose ka daawo isagoo Maxkamada horteeda ka qiranaa dimbiga uu galay,

Dastuurka Galmudug ayaa qeexaya awooda Madaxweynaha iyo waxyaabaha uu ku waayi karo xilkiisa akhri.

QODOBKA 52AAD
XIL-KA-QAADISTA MADAXWEYNAHA DAWLAD-
GOBOLEEDKA

Madaxweynaha Dawladda ahna Guddoomiyeha Golaha Wasiirrada waxaa xilka lagaga qaadi karaa khiyaano Qaran, xil-gudasho-waa iyo ku-xadgub Axdiga Dawladda Galmudug.
Golaha Wakiilladu, markii ay u codeeyaan kuna aqbalaan 2/3 ee xubnaha Golaha Wakiillada ayaa eedayn lagu soo oogi karaa Madaxweynaha.
Xaaladaha ku xusan qodobkan faqradihiisa 1 iyo 2 mooyee, jagada guddoomiyenimada waxay ku banaanaan karta Madaxweynaha isqaalo ka bixiya ama uu geeriyoodo.
QODOBKA 53AAD
GOLAHA WASIIRRADA

Golaha Wasiirrada waxa uu ka kooban yahay Madaxweynaha oo ah Guddoomiyeha Golaha Wasiirrada iyo tiro Wasiirro ah.
Qofka loo magacaabayo jago wasiirnimo, sharuudaha lagu doorto Xildhibaanka ka sakow, waa in uu leeyahay aqoon sare oo gaarsiisan heer dugsi sare iyo xirfad maamul oo gaarsiisan ilaa 2 sano.
Madaxweynaha Dawladda iyo, ku-xigeenkiisa, iyo Wasiirrada ma geli karaan dhaqdhaqaaq ganacsi oo gaar ah, inta ay xilka hayaan.
Qaab-dhismeedka qaybaha Golaha Maamulka (Xukuumadda) waxaa lagu soo saarayaa xeer kala qeexa hawlahoodda.

QODOBKA 54AAD
XILKA IYO AWOODDA GOLAHA WASIIRRADDA

Madaxweynaha Dawladda waxa uu abuuri karaa hay’ado madaxbannaan ah oo loo xilsaaro hawlo cayiman. Xeer gaar ah ayaa lagu kala qeexayaa howlahooda, waana in xeerku ka horeeyo dhismaha hayadda.
Soo saaridda xeerar-sharci, markii ay jirto baahi degdeg, waase in muddo 90 casho gudahood lagu horgeeyo Golaha Wakiillada si´uu uga doodo uguna rogo sharci.
Dhammaan hayadaha Dawlad-goboleedka waxay u shaqaynayaan hab waafaqsan Axdigan.
Mas'uuliyadda Golaha Wasiirradu waa wadar iyo shaqsi.
Cid aan Dawladda ahayn ama aysan fasax u siin, hub kuma haysan karto dhulka Dawladgoboleedka gudihiisa.
Sare u-qaadidda tayada ciidamada ilaalinta nabadgalyada dhulka Galmudug.
Dhaqancelinta bulshadii ku aafoowday dagaallada sakooye.
Horumarinta arrimaha bulshada.
Ilaalinta iyo diiwaangelinta hantida dadweynaha.

QODOBKA 55AAD
XASAANAD

Dhammaan xubnaha Golaha Wasiiradu waxa ay leeyihiin xasaanad la mid
Midda ku xusan qodobada 44 iyo 72 ee Axdigan.


Daawo Video Dagaalka Muqdisho= Meydadka Al-Shabaab iyo Amisom



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Online inta akhrisanee

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasow@mareeg.com
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

Halkaan ka dhageyso barnaamij xiiso badan 1995

Khudbad uu Jeneral Caydiid jeediyay markii Cunaqabateynta laga qaaday

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo Dhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynaya dhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badan halkaan ka dhageyso

Iloobi Meeyno taariikhda,Iloobi meeyso taariikhdu

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3