18 Janaury 2012Waagacusub.com-Isu samir,garasho iyo
saan saan nabadeed kama muuqato gobolada Waqooyiga Somalia
gaar ahaan Sool iyo Awdal.
Maleeshiyo beeleedyo u dhashay
qabiilka Dhulbahantaha ayaa la xaqiijiyay inay sedex
jiho ka kulaalayaan Magaalada Laascaanood oo ay ka arrimiyaan
Ciidamo taabacsan Somaliland.
Maleeshiyo beeleedka Dhulbahante oo la rumeeysan yahay
inay si dhib yar kula wareegi doonaan Laascaano,waxay
ila wareedyo muhiima ku xog warameen inuu bartilmaameedkoodu
yahay degaano ka baxsan.
Maleeshiyadda Dhulbahante waxaa la xaqiijiyay inay dagaalada
loo yaqaan HIT and RUN ku qaadayaan tuulooyin iyo Magaalooyin
ay qabiilka Isaaqa degaan si ay u falaan tilaabooyin
ay ugu magac dareen AARGOOSI.
Aargoosigooda wuxuu noqon karaa inay Magaalooyinka iyo
Tuulooyinka Isaaqa gubaan ama dadka ku nool laayaan.
Inkastoo bulshada Dhulbahantaha rumeeysan yihiin %85
inuu dagaalka u dhaxeeyo Dhulbahante iyo Isaaq hadana
hadii ay Maleeshiyaadka Daraawiishta laayaan dad u dhashay
Isaaq waxaa hubaala inuu dagaalka si rasmiya iskugu
rogi doono weji qabiil taas oo ka dhigan farsamooyinka
ay Xeeldheerayaasha Khaatumo ku majaxaabinayaan Maamulka
Siilaanyo. Qorshaha G6 iyo shaxda dagaalkooda !
Xubnaha Golaha G6 ee hada laga dhigay G9 oo ka kooban
qeybaha Siyaasadda,Gaashaandhiga,Dhaqaalaha iyo Dhaqanka
waxay hindisahooda ka iibiyeen beesha Caalamka gaar
ahaan Mareykanka iyo Ethiopia ,sidoo kalena fikirkooda
waxay geliyeen bulshaweynta Dhulbahante si ay ilkaha
uga siibaan siyaasiyiinta beeshooda ee ku daaban Puntland
iyo Somaliland.
Golaha G6 ee Prof Cali Khaliif Galeydh ka soo dhexmuuqdo
waxay taageero xoogan ku heleen hindisaha ay ku duulayaan
oo ay ka mid tahay inay ka shaqeeynayaan Midnimada Somaliweyn
iyo in beesha Dhulbahante lagu xaqiray Somaliland.waana
labada qodob ee beesha Caalamka iyo inta badan Somalida
ku taageertay.
Xilalka ugu sareeyo Somaliland sida Madaxweynaha,Gudoomiyaha
Baarlamaanka,Gudoomiyaha Baanka dhexe.Hanti dhowrka
guud,Gudoomiyaha Maxkamadda sare,Taliyeyaasha Ciidamadda
sida melleteriga,Nabadsugida iyo Boliiska dhamaantood
waxay u dhasheen qabiilka Isaaq,waana tan sababtay in
Dhulbahante caleema qoyan u ruxo KHAATUMO STATE OF SOMALIA. Kalsoonida iyo Gaashaanbuurta Dhulbahante.
Si Caalamka loo tuso in Somaliland noqotay mid ku kooban
beesha Isaaq waxay Dhulbahantaha Gaashaanbuur la sameeysteen
qabiilka Gadabuursiga oo degaan ahaan ku nool Awdal
iyo Gabileey.
Gadabuursiga waxay dhisteen Maamul goboleedka Awdal
State of Somalia lana mida Khaatumo State of Somalia.
Dhulbahante waxay Gadabuursiga u arkaan muhiim maxaa
yeelay waa qabiil degaan balaaran leh oo waliba ku xoogan
sedexda wado ee Isaaqa maraan iyo Ismaamulka Kililka
5-aad ee Ethiopia.
Ciidamadda ugu badan ee Liyuu Booliska Kililka 5-aad
Ethiopia waxay u dhasheen Gadabuursiga laga bilaabo
Loowyacadde,Harowo,Awbarre,Lafaciise,Cagaar weyn ilaa
Jig jiga.
Waa arrin cad inay qadiyada dagaal ka siman yihiin Gadabuursi
iyo Dhulbahante maxaa yeelay Ciidamadda Liyuu Booliska
Gadabuursi waxay ahaayeen kuwii Wardheer ilaa Taleex
galbiyay Cali Khaliif Galeydh iyo wafdigii la socday
ee shirka Khaatumo 2 kala qeybgalay.
Ciidamadda Liyuu Booliska Ethiopia waxaa la xaqiijiyay
inay Madaxweynaha Awdal State Rashid Aw Nur iyo wafdi
la socda oo ku wajahan Jig Jiga u galbin doonaan Awbarre
,Baki Ilaa Dila taas oo si sahlan u sababi karto inuu
dagaal ka dhex qarxo Gadabuursi iyo isaaq.
Ra’isulwasaraha Somalia Abdiwali Gaas oo Madaxtooyadda
Villa Somalia ku qaabilay Madaxweynaha Awdal State ayaa
munaasabada kulankooda ka sheegay in Dowladda Federalka
aqoonsi siisay Awdal State ,ulana macaamili doonto sida
Somaliland,Puntland iyo Galmudug halka uu Khaatumo State
of Somalia ka yahay garwadeen Cabdi Kariim Jaamac oo
ah ninka keliya ee dhegaha Madaxweyne Shariif maqlaan. Hadii Dagaal dhaco maxaa dhici kara?
Hadii Dagaal sokeeye ka qarxo Sool iyo Awdal waxaa hubaala
inuu ku fidiyo guud ahaan gobolada .
Dhulbahantaha waxay qabaan in maatidooda qaxda ay u
furan yihiin wadooyin badan sida inay Puntland salka
la galaan,Mudug u baxaan ama Ethiopia u tilaabaan laakiin
qabiilka Isaaqa ma muuqato jiho u banaan.
Isaaqa iyo Ogaadeenka Kililka 5-aad waxaa ka dhaxeeya
Colaad fogaatay halka ay dhinacyadana ka fadhiyaan Dhulbahante,Warsengeli,Gadabuursi
iyo Ciise.
Inkastoo dagaalka uu mar walba yahay mid u dhaxeeya
dad hubeeysan hadana waa arrin adag in qabiilada magangeliyaan
maatida Isaaqa maadama dagaalka yahay mid u dhaxeeyo
iyaga iyo Maamulka Siilaanyo. Xasaasiyadda Qabiilka iyo Maamulka Siilaanyo.
Saraakiisha Dhulbahante iyo Gadabuursi ee la shaqeeynayay
Maamulka Siilaanyo oo qiirada qabiilka qaaday ayaa bilaabay
inay ka baxsadaan Somaliland oo ku biiraan Maamulada
qabiiladooda halka ay jiraan qaar badan oo cabsi darteed
hoos u guuxaya.
Taliye ku xigeenkii Maamulka Somaliland ee Gobolka Sool
ayaa u goostay Magaaladda Buhodle ,wuxuuna Warbaahinta
madaxabanaan u sheegay inuu ku biiray Maamulka Khaatumo
State of Somalia oo beeshiisa dhisatay.
Sarkaalka beesha Dhulbahante u dhashay ayaa Laascaano
ka baxsaday xilli Ciidamadda Boliiska u caalwaayeen
xakameynta dibadbaxayaasha taabacsan Maamul Goboleedka
Khaatumo ee looga dhawaaqay shirweynaha Magaaladda Taleex
uga socda boqolaal ka tirsan qeybaha kala gedisan ee
Beesha Dhulbahante.
Laascaano oo ah Magaalo qabiilka Dhulbahantaha degaan
waxay xilliyo badan u muuqatay Magaalo la mida Magaaladda
Baghdad oo Shiica iyo Suniyiin ku loolamayaan.
Somaliland iyo Puntland ayaa xilliyo ka arrimiyay hasse
yeeshee sanadkaan waxay u muuqataa mid hoos tagi doonta
Khaatumo State of Somalia.
Anwar Saadat wuxuu yiri DAGAAL QOF YAQAAN KUMA DEG DEGO
balse saan saanta gobolada Waqooyi waxay labaatan sano
kadib u muuqataa mid u holci doonta sida koofurta Somalia
hadii aysan bulshada ku nool u duuban dantooda,oo sida
dhaqanka Somalida lagu yaqiin geed hoostiisa ku xalin
khilaafkooda,iyagoo meesha ka saaraya awood ku faan
iyo laandheerenimo. By Dahir Alasow
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org