Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Gudoomiye Jawaari oo Jigjiga tegay - Garguurte oo dhabanada heysta iyo biloowgii loolanka?

18 Febraury 2013 Waagacusub.com- Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Mohamed Osman Jawaari ayaa safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu xilka qabtay wuxuu ku tegay Magaaladda Addis Ababa isagoo uga sii gudbay Magaaladda Jigjiga ee Ismaamulka Somalida.


Waa markii ugu horeeysay taariikhda ee Masuul ka socda Dowladda Somalia tago jigjiga oo lagu tilmaami karo soon ka caagan.
Safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa shaki weyn geliyay Madaxweynaha Somalia Hassan Mohamud Alasow maxaa yeelay wuxuu la kulmay dhigiisa dalka Ethiopia,Raísulwasaaraha Ethiopia,Wasiirka Arrimaha dibadda ,duqa Magaaladda Addis Ababa iyo Madaxda Kililka shanaad ee Somalida.

Gudoomiye Jawaari intii uu Muqdisho ka bixin isagoo ah Ku sime Madaxweyne ah ayuu Dikreeto ku magacaabay Maamulka Bay taas oo khilaaf ka dhashay ,sababay in Madaxweyne Garguurte ninkii xilka qaadista uu Jawaari ku sameeyay dib u magacaabo.
Mr Jawaari wuxuu Muqdisho kulama kula yeeshay qeybaha bulshada sida Haweenka,ururada Shaqaalaha iyo Ardayda Jaamacadaha.
Dadka Siyaasadda Gorfeeyo waxay tilmaamayaan in dalka Somalia Madaxweyne labaad yeeshay maxaa yeelay xitaa Gudoomiye Jawaari wuxuu dhex degan yahay gudaha Madaxtooyada halka uu Gudoomiyahii hore Shariif Hassan deganaa guri ku yaal meel ka baxsan Villa Somalia.
Shakiga ugu weyn wuxuu ka jiraa sababta Dowladda Ethiopia ku aqbashay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia booqdo Jigjiga?
in Madaxda Somalia tagaan Jigjiga waxay Dowladda Ethiopia u aragtaa Qatar weyn iyo inqilaab siyaasadeed laakiin waxaa laga yaabaa in ujeedo qarsoon laga leeyahay.
Arrimaha la isweydiin karo waxay tahay Gudoomiye Jawaari shaqada uu qabanayo sharciyan ma leeyahay? maxayse ka dhigan tahay in Gudoonka Golaha Wakiiladda Somalia safarkiisii ugu horeeyay ku tago Addis iyo Jigjiga,Madaxweynaha Safaro badan ku tago dibadda halka Ra''isulwasaraha Somalia uu dalka dibada uga bixin tan iyo markii la magacaabay oo shan bil laga joogo.
Xeeldheerayaasha waxay qabaan in ugu badnaan halsano is qarin doono Gudoomiye Jawaari balse kadib uu seeftiisa la bixi doono.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Garguurte oo shaki badan ka qabo qorshaha uu wado Gudoomiye Jawaari wuxuu heystaa dhabanada,waxaana ka soo hartay SHIB.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3