Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Dowladda Somalia oo fashilantay-Uganda oo walwalsan iyo Ethiopia oo baxday!

18 March 2013 Waagacusub.com-Dowladda Madaxweyne Hassan Garguurte ayaa u muuqata inay wadadii fashilka cagta saartay kadib markii Ciidamadda xooga dalka Somalia iyo Saraakiisha Ciidamadda ku kaceen falal u dhigma gadood.


Bakhaarkii ugu weynaa hubka Madaxtooyadda ayaa la jabsaday oo la waayay meel la geeyay iyo cidda laga iibiyay.
Saraakiishii Nabadsugida Dowladda Somalia ayaa xabsi lagu guray,waxaana la sheegay in Saraakiisha qeybaha Ciidamadda ka gadoodeen xilka qaadistii lagu sameeyay Taliyahii Ciidamadda xooga dalka Jeneral Diini iyo Abaanduulahii Ciidanka Jeneral Dhegabadan.
Labada Taliye waxay ahaayeen kuwii jebiyay Al-Shabaab waxaana xilka qaadistooda lagu sheegay ujeedo la doonayo in Al-Shabaab sii joogaan gudaha Somalia.

Ciidamadii Ethiopia ka joogay Gedo,Bay iyo Bakool ayaa guud ahaan ka baxay gudaha Somalia taasina waxay walaac xoogan gelisay Ciidamadda Uganda ee ka hoowlgala gudaha Muqdisho.
Beelaha Hawiye intooda badan ayaa shirar hoosaadyo ku leh Nairobi,Muqdisho iyo Galkacyo waxaana la filayaa inuu go-aankoodu noqdo qaadacaad ay ku shaacinayaan inay kalsoonida kala laabteen Dowladda Hassan Garguurte oo noqotay mid ay ku adeegtaan kooxda Dam Jadiid.
Qabiilada waxay ka arrinsanayaan sidii Madadaxda Dowladda loo bedeli karo,loona ilaali karo xasiloonida goboladda .
Dad aan waxba galabsan ayaa Xabsiyada lagu guray iyadoo la eryay shaqaalahii Madaxtooyadda iyo Wasaaradaha Qaranka.
Sida muuqata waxay Somalia dib u wajaheeysaa burburin dagaalo Sokeeye maadama Madaxweynaha ka dhigay awoodiisa ku tagrifal iyo eex ku dhisan koox jecleeysi iyo qabyaalad.
Somalia waxaa burburkeeda horseeday Cadaalad daro,qabyaalad iyo Kibir qooqa waana nasiib daro in afartan sano kadib xaalku sidii yahay wali.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3