Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Sawiro laga sameeyay Fanaaniin hees ku habaaray Xamar -Facebook iyo Youtube oo caay buuxisay

18 March 2013 Waagacusub.com-Barta Facebook waxaa buux dhaafiyay Cambaareeyn loo jeediyay Fanaaniinta Cabdi Khasaaro iyo Ikraan Nafyar kadib markii Youtube lagu faafiyay hees ay ku habaarayaan Xamar kuna caayeen Madaxweynaha Somalia Hassan Mohamud Alasow.


Sawir gacmeedyo laga sameeyay Nafyar iyo Khasaaroo ayaa lagu taswiiray iyagoo laga dhigay Xayawaanadyo kala duwan.
Labada Fanaan waxay todobaad ka hor soo saareen hees ay ku amaanayaan Hargeysa ,kuna sheegayaan inay tahay Hooyga horumarka iyo Fanka halka ay Xamar ku tilmaamayaan Magaalo Dakaantay.
Heesta Liidata ee labada Fanaan ku habaareen Muqdisho waxaa sameeyay nin degan Hargeysa oo lagu magacaabo Cismaan Feysal.

Hadii aad Facebook gashid waxaa durba indhahaaga arkayaan daqiiqad walba Comments lagu caaynaa,loogu hanjabaa ama lagu cambaareeynaa Ikraan Caraale iyo Cabdi Khasaaro oo markii uu fanka galay la baxay Cabdi Qaboojiye.
Kumanaan kun oo qof ayaa falcelin caay qaawana ku hoos qoray Youtube-ka la soo gelshay heesta.
Inkastoo aan la akhrin karin caayda ku qoran Youtube iyo Facebook hadana waxay Dadweynahu aad u caaynayaan Fanaanada Ikraan Caraaleh,waxayna qaarkood ku sheegeen naag loo isticmaalay inay caayso Caasimadda Jamhuuriyadda Somalia ee qabiilkeeda degaan.
Ikraan Nafyar waxaa dhalay allaha u naxariistee Fanaan Caraale oo u dhashay qabiilka Hawiye .waxayna hooyadeed ka soo jeedaa qabiilka Isaaq.
Shacabka Koofurta iyo Waqooyiga Somalia badankood waxay heesta ku tilmaameen mid Hargeysa laga soo diray ,loogana xun yahay horumarka iyo Nabadda Muqdisho.
Fanaan Cabdi Khasaaro oo la hadlay Website-yo badan ayaa xaqiijiyay in heesta Xamar looga soo diray Hargeysa.
Mu-alifiinta Soomaaliyeed qaarkood ayaa ku dooday in Ikraan Caraale lagu qiyaamay heesta oo lacag la siiyay laakiin erayada ku jira qaarkood ayaa ka dhigan kuwa laga yaxyaxo ,lagana xishoodo.
Heesta lagu habaaray Xamar waxay dhinaca kale ku leeyihiin "Madaxweynaha Somalia haku daydo kaligii taliyaha Jibouti Ismaciil Cumar Geelle"
Madaxweynaha Jibouti oo lagu tilmaamo kaligii taliyaha qura ee ku haray Geeska Afrika wuxuu gabood fal,barakicin iyo caburin kula kacay shacabka Jamhuuriyadda Jibouti,iyadoo Xabsiyada dalkaas ka buuxaan Boqolaal qof oo arday,culumo iyo siyaasiyiin iskugu jira.
Si kastaba ha ahaatee, Waxaa todobaadkaan la sugayaa heesahii ugu badnaa ee looga jawaabi doono Habaarka heestaan XAMAR WAA DEKAANTAY.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3