Kooxda
Qayladhaan oo soo saartay hees Xarakatul Sheydaan Dhageyso
18 Oct 2011Waagacusub.com-Kooxda
Wadaniyiinta Xarakatul Sheydaan ayaa soo saaray hees cusub
oo la magacbaxday Xarakaatul Sheeydaan Dhageyso
HEESTII XARKATUL SHEYDAAN:
XARAKATUL SHEYDHAAN
WAJIGA SOO XIRTAYEE
XAYADII LAGA QAADEE
ILAAHEY XARIKIISIYO
... XAASID DIIN KA FOG BAA
XASUUQOO DADKA LAAYOO
XINJIRTOODA KU DHAASHTAY
XAALAD WEEYE LA YAAB LEH
XANUUN WEEYE DHIB REEBAY
QOFKA GAARI XAMUULA
KIIMIKO KU XASHEYSAN
INTUU XOOG KALE WAAYAY
ARDAY MEEL KU XAREYSAN
U SOO XEYTAY DADAAL
AAN SIYAASAD XAGEEDA
XAGLIN OON LAGU SHEEGIN
KU XASUUQAY HALKAA
XARFAHA DIINTA QURAANKA
XADIISKII NABIGEENA
IYO XUQUUQUL INSAANKA
XOG OGAAL LA WAREYSTAY
XAG KASTOO LAGA EEGO
XUJADAAN GARAN WEYNAY
XILIGII AY DHAGDHEER
XAAJIGEED QASHEE
XAWLMARIIDKA JARTEE
QOFKII XOOG YAR CUNEYSAY
BOHOLIHII XARGAGAAD
DHOWR XAGAA DABADEED
WARRAN XIIDMAHA GOOYEE
XASILEEN UMMADIIYEE
XAMDIYEEN KU FARXEEN
XABBAD RUUXII SITAA
QORI SUU’A XANBAARSAN
XAASKIYO LAAYA DHALAANKA
XAAFADAHA KU WAREEGA
XAL HADAANU KA GAARIN
GEESI MAAHA XILQAADA
WAA SIDA XARAKATUL SHEYDHAAN
XAG KASTOO DADKU JOOGO
HADAAN LOO XUSUL-DUUBAN
XOOG HADAAN LAGU SAARIN
XIDIDKOODA LA SIIBIN
KUWA XOOLAHA SIIYA
LAGA XAAQIN ADUUNKA
XORNIMABA MA ARKEYNO
XALKU WAA DIRIROO
SOOMAALAAY KA XOROOBA
XARAKATUL SHEYDAAN
XABADNA YAAN LAGA REEBIN
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download