Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Siilaanyo Maxaa ku Kelifay GUURE-GALKA Miyuu ku soo Gabaday reer XIDDIDKII ?

19 December 2011 Waagacusub.com- Guddiyadii Iska Horjeeday e DUBUR Iyo BATALAALE Iyamuu Siilaanyo Garabsiin Doonaa..?

Berbera(Yool)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Waftigii uu hoggaaminayey, ayaa Xalay Caweyskii ilaa abbaaro Sagaalkiii Fiidnimo soo gaadhay Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, kadib markii uu ka soo laabtay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo uu kaga soo qayb galay Ciyaartii kama danbaysta ahayd ee Tartanka Ciyaaraha gobollada dalka, kaasoo gebagebadii guushu ku raacday Xulka Gobolka Maroodijeex, kadib markii ay gool iyo waxba kaga adkaadeen Xulka Gobollka Hawd, oo ay isugu soo baxeen Faynalka.


Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo markii hore la filayey inay xalay ku dhixi doonaan Magaalada Burco, ayaa waxay ka soo guura-galeen abbaara Sideedii Fiidnimo, lama oga sababta keliftay in Madaxweynuhu guure kaga soo baqoolo Burco iyo sidoo kale waxa-ku-ijbaaray inuu Xalay ku dhaxo Magaalada Berbera ee uu la xididka yahay. Haseyeeshee waxa jira warar sheegay in socdaalka Madaxweynuhu ahaa mid kutalo gal ah oo uu damacsanaa markii horeba inuu fursada uga soo faa’iidaysto xalinta ismaan-dhaafkii ka dhashay Shirkii Beesha uu Xididka la yahay ku qabsatay deegaanka DUBUR.
Shirkaasoo mid kale oo lid ku ah Xukuumadu ku qabtay Hoteelka Maansoor ee duleedka BATALAALE, isla markaana wixii intaa ka danbeyey uu socday go’aamo iyo siyaasado is-khilaafsan oo u dhexeeyey guddi lagu soo doortay Shirkii DUBUR iyo mid kale oo xaalkeedu yahay iska cabin. Sidoo kale, waxa dhawrkii Toddobaaad ee u danbeeyey ka jirey Magaalada Berbera muran xoogan oo ka dhex aloosnaa xubnaha guddida Shirka DUBUR ee loo xilsaaaray horuumarinta Gobolka iyo xubno ka mid ah Masuuliyiinta Gobolka, gaar ahaan Badhasaabka oo isagu si weyn uga soo horjeestay dhamaanba waxyaabihii ay soo jeediyeen gudigu.
Arintaasoo guddiguna dhinacooda cabin uga dhigeen inay qoraal u gudbin doonaan Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo nuxurkiisu yahay mid ay kaga dalbanayaan inuu xilka ka qaado Badhasaabka Gobolka Md. Ramaax oo runtii marka dhinacyo badan laga eego lagu tilmaami karo inuu guuxiisa ka dheereeyay.
Waxa kaloo ka mid ah waxyaabaha sida weyn ay ugu kala fogaadeen Madaxweyne Siilaanyo, Odayaasha iyo siyaasiyiinta ay xididka yihiin arinta Wershedda SIBIDHKA oo Madaxweynuhu DIGRETO ku siiyey Ganacsadaha DAHABSHIIL, talaabadaasoo noqotay mid si weyn uga cadhaysiisay reer Saaxil. Iyadoo ay jireen go’aamo hore oo gaadhsiisnaa ilaa heer Madaxweyne oo gacan-ku-haynta ama Maalgashiga Wershedda Sibidhka ee Berbera loogu fasaxy koox ganacsto ah oo ay ku jiraan duqey farobadan oo wax laga weydiiyo arimaha Gobolka.
Haddaba marka la isu geegeeyo arimahaa iyo kuwo kaloo badan oo qaarkood sannooyinkii u danbeeyayba kala dhex miranayeen, gaar ahaan dhinaca siyaasada Madaxweyne Siilaanyo iyo siyaasiyiinta beesha uu xididka la yahay, ayaa socdaalkiisa guuro-galka ahaa ee uu Xalay saqdii dhex ku tegay Magaalada Berbera, waxa loo fasiran karaa inuu yahay miduu ugu talogalay inuu ku soo arko odayaasha iyo waxgaradka reerka, isla markaana isku dayo inuu waxbadan kusoo xaliyo.
Geesta kale, inkastoo ay tuhunadaasi jiraan, hadan waxa isweydiintu tahay qaabka iyo noocada uu ula kala kulmi doono dhinacyada qaarkoodna isaga dhabarka saareen, kuwa kalena sida weyn u diidan yihiin, iyo sidoo kale gebgebadda kooxda uu dhinaca saari doono ama la safan doono, haseyeeshee waxay arimuhu kala caddaan doonaan dhawrka maalmood ee soo socda marka uu ka soo laabta Berbera iyo weliba ifafaalaha ka soo bixi doona wejiyada duqeyda nooca ay yihiin.
Dhinac kale, Madaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanu Shalay gaadhin Magaalada Burco, waxa uu sii maray Degmadda Sheekh, halkaasoo uu khudbad uga jeediyey dadweynaha ku dhaqan, una muujiyey dareen kalgacal badan oo uu u hayo dadka deegaanka ku dhaqan. Degmada Sheekh ayaa ka sokow hadalka Madaxweynaha, waxa degmada ka soo jeeda Marwada Madaxweynaha oo qoyskoodu uu Taariikh weyn ku lahaa ilaa maantana ku leeyahay deegaanka loon yaqaan DARIIQADA oo ahayd meel cidwaliba ku jirto kana mid tahay ilaa maantan tafiirtoodii joogta.
Waxaana ka mid aha erayadii Madaxweynuhu ku yidhi reer Sheekh: “..Degmada sheekh waa degmadaydii waa halkii aan waxbarashada ku soo qaatay waxay igu leedahay xasuus gaara, waxaan idin leeyahay waan idin jecelahay reer sheekhoow, waxaan ku socdaa Burco waan idin dhaafi kari waayey waad mahadsantihiin sida fiican ee aad noo soo dhawayseen...”. Ayuu yidhi Madaxaynahe Axmed Siilaanyo.


Daawo Video Dagaalka Muqdisho= Meydadka Al-Shabaab iyo Amisom



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Online inta akhrisanee

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasow@mareeg.com
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

Halkaan ka dhageyso barnaamij xiiso badan 1995

Khudbad uu Jeneral Caydiid jeediyay markii Cunaqabateynta laga qaaday

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo Dhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynaya dhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badan halkaan ka dhageyso

Iloobi Meeyno taariikhda,Iloobi meeyso taariikhdu

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3