Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Siilaanyo"Bal eeg Wasiir Duurkaan Socodka adhilayaasha leh" Wareeysiga Mashqacgeliye

19 December 2011 Waagacusub.com- Akhristayaal waa Barnaamijkeenii Yool-baadhka Siyaasiga, kaasoo sida aad la wada socoteen-ba ah taxane ku dhisan qaab-maddadaalo ama aan idhaado Jacbur (Entertainment), isla markaana Toddobaadkii-ba hal Maalin aanu ugu talo galnay in aad kaga nasataan arrimaha siyaasadda.

Alaaba waxa uu Barnaamujkan si gaar ah diiridda u saarnaa shaqsiyaad ka mid ah Mas’uuliyiinta sare ee dawladda, Xisbiyadda iyo siyaasiyiinta Magaca ku leh Masraxyada Somaliland. Isagoo u dhacaya qaab-waraysi oo kale ah, Waraysigaasoo sida aad ku soo aragteen qormoyinkii hore uu inoo daadihinayo Weriye caanka ah ee Mashqac-Geliyo.


S: Shariif Axmed sidee ayuu dareenkaagu yahay mar hadii aad ka takhalustay oo dhegta dhiiga u dartay Libaax Beeralay-gii looga waashay xerooyinkii ciidanka qaranka iyo degaanadda galbeedka?
J: Runtii waxa aan dareemayaa farxad aad u badan, go’aankanina waxa uu ahaa mid u baahnaa geesinimo iyo kelyo adeyg, illaaheyna waa i waafajiyay ka dib markii aan saq-dhexe 31 rakcadood tukanay aniga iyo Cukuse. Hadhowto ayay odhan doonaan Shariif Axmed (Ex-siilaanyo) waa fulay aan ku dhac lahayn…bal waa kuwaas eh maxay sheegi doonaan iminka? Waar xitaa hadii uu isku dayo in dalka ku qabsado inqilaab military waxa aan balo xijaab iyo kariirad uga dhigay Jidhif Hadhuudh…inkasta oo aan ka baqaayay in aanu u adkeyn sidii Jidhifta Gudhaca ama Galoolka haddana waxa i deeqday Hanjabaad Gabileydii uu ku dhuftay markii uu xilka la wareegaayay…Xirsi Boodyo Gaab iyo Golaha wasiiradda ayaa maalintiiba bilaabay “Dheg Dheere Dhimayoo Dhulkii iyo ciidankiba waa nabad ee reer Borama soo Dhawaada”…maxaad isaga uun ka sheegaysaa Mashqacow mee ninkii Ilka Cade…raalli iga ahaada Tima Cade ay ka baqeen in ay xidhaan labadii madaxweyne ee iga horeeyay markii uu lacagta beeraleyda iyo gurigii dowladda cunnay sowka xabsiga ka ooyaaya…walee mar denbe ayaanu ka faanin agagaarka shacabka ilaa uu magaca bedelo oo la baxo Ciro Xareed.
S: Axmed Geesi sowkan Libaax Beeralaygii sheegtay in uu abaal kuu galay ee yidhi “Waxba yuu xeerkay i marin xoolana i siine xaashe ee nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaabee”, maxaad ka odhaneysaa abaal sheegashadaasi?
J: Adeer oo Geele Gaabowgani abaalku ii sheeganayaa maxay tahay…weligeedba lama arag nin gaaban oo nin dheer abaal u galay eh…ma waxa uu abaal u yaqaanaa Khiyaamadii uu ku dhuftay madaxweynihii hore ee aaminay…waxa helayba waa nabsigii Oday Rayaale eh meesha ha ka bul yidhaahdo inta aanu kaaro Jiidhin…boobkii doorashada ee uu shurkiga igula ahaana waxa aan Xirsi Budh iyo Toorile ugu dhiibayaa waxoogaa kharash ah oo uu beer kaga fasho Jifooyinka.
S: Axmed Abaal Laawe, marka aad taliyihii ciidanka eriday, xabsigana u taxaabtay La-taliyahaagii Arrimaha Siyaasadda adiga oo la xidhiidhinaaya dilkii Seemaal, miyaan la odhan karin xukuumadaada ayaaba far ku godan tahay oo dalka ka abuureysa nabad-gelyo xumo iyo xasilooni daro?
J: Mashqacow adeer hadii la joojin waayo xantaas iyo beentaasi la isla dhexmaraayo Kufurtu Bilaahi in tan ka dhacda dhegaha iyo sankaba faraha la gelin doono. Duur ayaan wasaaraddii daakhiliga u dhiibay, Baaruudna ciidanka boliiska ayaan keenayaa; Gaas, Olol, Holac, Qiiq iyo Kabriid-na ciidanka qaranka ayaan u soo bedelayaa dalkuba ha gubta eh…waxa la arki doonaa hadii la igu kalifo idinka oo ku qaadaya #Hareeraha Somaliland Dabaa Ka Holcaaya, Beelaa isku heysta Habeen iyo Maalin#...welibana Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin inkasta oo ay China u tageen in la soo duugo ‘massage’, haddana waxa aan ku idhi meelahaasi inooga soo eega hub iyo sariiro indho yartu iska bedeleyso, Keligii Saxane Xaashi Cilmina lacagta ka qaada isaga ayaa iminka u heelan in uu lacag ku bixiyo alaabooyinka moodka ama duuga ah.
S: Axmed Holcinaayow, balaayo ama fidno hurada lama toosiyo, qax iyo burbur aanu ilaahay ina badina ha u gacan haadinin. Bal hadii ay tallo faro ka haado, illaahay inaguma keeno eh, xagee ayaad ka helaysaa ciidan ku difaaca ilow waadigii ciidanka hafaray ee inta aad ku tidhi mushaharkii ayaan 100% idiin kordhiyay, haddana raashinkii la siin jiray ka jaray iyada oo ay weliba meecashad iyo sixir barar dalka ka jiro?
J: Shaxdaan degayma maydin garan waanay idin ka shisheysaa Mashqacow…adeer hadii ciidanka la dhergiyo oo nolol fiican ay ku noolaadaan sida kuwa dalalka Carabaha tadhahay ee dhergay waxa ay noqonayaan dhimasho iyo geeri diid miidhan…taasina waata keentay in ciidanka Yahuuda oo aad iyo aad uga tiro yar kuwa dowladaha Carabtu ay ka adkaadeen…ma waxa aad dooneysaan in ciidankeenu dhergo oo nolosha jeclaado, dabadeedna SSC, ONLF, iyo Yamyam iyo Qadaad Weyn miidhani ka adkaadaan…adeer talladda dalka anniga ayaa la i doortay eh ii daaya…ii daaya bilaa calayg…ii daaya…oo anniga iyo Xawaalad Inaabtigeed nagu daaya…qeydhin iyo biseyl waxa u dhexeeyaa waa yacyacood…gaajo iyo dheregna waxa u dhexeeyaa waa KULMIYE. Kulmiyahaas ayaan ciidanka Somaliland ku heynayaa waxa aanan balan qaadayaa hadii aan illaahay iyo Keli Saxane ka helo in aan ciidanka ka ilaaliyo SILICA, GAAJADDA, IYO DARXUMADDA DARAJADDA KOWAAD.
S: Axmed Shaxeeye, ciidanka la garay oo Heerka Kulmiyenimo ayaad ku heynaysaaye ee bal waxa aad ka warantaa waxa ay noqoneyso xaaladda shacabkan aad nafarkii bariiska ku soo rogteen cashuurta ee qaaliga ku noqday sida ay u awoodayaan in ay nafar bariis ah iibsadaan?
J: Adeer dadkii waxa ka guuray caqligii, cilmigii, cibaadadii, garashadii, aqoontii waxa aan ka ahayn xukumadayda cimrigeed ha jiro eh. Cashuurta waxa lagu soo rogay waa nafarka bariiska ah ee kuma jiraan nafarada baastada, wadaninga, rootida, maraqa, wasladda hilibka ah, iyo wixii kale oo dhan. Markaas dee hala iska daayo bariiska cunistiisa waxaaba badatay ku saxashadiisiiye sida uu ii sheegay ninka indhaha buurbuuran leh ee xafiiskayga dhex warwareega had iyo jeer isaga oo sita feylka. Sheekh Shariif ayaana telefoon kula hadlay maalin dhaweyd oo waxa aan weydiistay in uu ii soo diro ilaa 1150 qof oo khabiir ku ah dubista moofada. Insha allaahu tacaalaa dhawaan waxa ay ka soo degayaan madaarka Rayaale ee caasimadda dalka…Mashqac… Cigaal ayaad ka wadaa…haa adeer waa wax iska caadi ah in nin madaxweyne ahi uu ku margado magacyada…dadku waxa ay dhawaan heli doonaan moofo iyo maraq aad u jaban…bal hadhow uun yaan nala dacaayadeynin oo aan la odhanin KULMIYE MOOFO KEEN markaad dheregtaan…adeer raali iga ahow Burco ayaan ku soconaa oo ciyaarihii goboladda ayaa maanta soo xidhmaaye eh…Wasiir Duur ayaa halkaas iiga gacan haadinaaye eh…adeer Mashqacow waxa aan ku weydiiyay afkeenu waa isku amaane…ninkii Wasiir Daakhili ka noqdaa Somaliland muxuu ugu dhacaa cudur Kursi Madaxweyne doon…bal waxa aad eegtaa Saleebaan Gaal, Muuse Biixi, Ismaaciil Yare, Dr. Gaboose, C/llaahi Ciro…bal eeg Duurkan socodka adhiilayaasha leh ee isaga oo dhowr biloodba meesha joogin qurbajoogtii beeshiisa ku yidhi Madaxweyne ayaan rabaa hadii aan hawsha daakhiliga ka dabaasho…oo miyuu ka fiicnaan karaa ayay kula talahay Dr Gaboosihii dowlad maalka ahaa…weligiiba ha dugufleeyo…Xirsi Boodyo gaab tolow ma habarwadaag baa way is-shabahaane…


Daawo Video Dagaalka Muqdisho= Meydadka Al-Shabaab iyo Amisom



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Online inta akhrisanee

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasow@mareeg.com
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

Halkaan ka dhageyso barnaamij xiiso badan 1995

Khudbad uu Jeneral Caydiid jeediyay markii Cunaqabateynta laga qaaday

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo Dhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynaya dhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badan halkaan ka dhageyso

Iloobi Meeyno taariikhda,Iloobi meeyso taariikhdu

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3