Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Daawo nolosha hogaamiyaha Alqaeda ee Somalia oo Al-Shabaab ku hanjabtay inay khaarijineyso.


20 Janaury 2013 Waagacusub.com- Cumar Xamaami oo ah muwaadin u dhashay dalka Mareykanka sanadihii dambana ka mid ahaa Saraakiisha Alshabaab ayaa loogu hanjabay in qoorta laga jarayo,waxaana hanjabaadan u soo jeediyay kooxda argagixisada Alshabaab.


Cumar Xamaami oo Alshabaab ay u yaqaanaa Abuu Mansour Al Amriiki aya barta uu ku leeyahay Internet-ka ee Twitter ku baahiyay in Al Shabaab ugu hanjabtay dil ,qoor goyn , hadii Maanta oo sabti ah isu dhiibi waayo.

Al Amriiki oo si weyn ay u baadi goobeyso Hey’ada Sirdoonka Mareykanka ee FBI-da ayaa ka cabsanayaa in Alshabaab ay qoorta ka jaraan.
Qoraalkan la soo dhigay Barta uu Twitter-ka ku leeyahay Cumar Xamaami ayaa sidoo kale waxaa ku jirtay in Alshabaab ay 4 tii Bishan u qabteen Xamaami inuu isku soo dhiibo, waxaana ay siiyeen mudo 15 Bari ah.taas oo ku ekeyd 19 Bishaan Janaury.
AlShabaAb Waxay Xamaami ku amreen inuu ku wareejiyo Hub farabadan oo marki hore gacanta u galiyeen..
Hadii Alshabaab ay dilaan Cumar Xamaami waxay dadka siyaasada lafa gura saadaaliyeen inay yaraaneyso dagaalyahada Ajaaniibta ah ee Alshabaab u dagaalameyso, iyagoo sheegay inaysan aamini doonin Alshabaab iyo qadiyada ay u dagaalamayaan.
Cumar Xamaami oo Alshabaab ay u yaqaanaa Abuu Mansuur Al Amriiki ayaa dhowr jeer oo hore soo diray cajalad muuqaal ah, taasoo uu ku sheegayo in Alshabaab ay dilayaan, wuxuuna cajaladaasi kula hadlayay islaamiyiinta Caalamka.
Waxaa Internetka lagu faafiyay sawir cajiib leh kaas oo ah Cumar Hamaami oo hor fadhiya Guriga uu ka degan yahay Somalia.
Sarkaalka Alqaeda oo dhinacyadiisa ay fadhiyaan Xaaskiisa iyo Gabar uu dhalay wuxuu ka sameeysan yahay guriga uu ku nool yahay Xarshaan taas oo ka marqaati kacday inuu yahay nin ku nool meelaha barakacayaasha degaan.
Abu-Mansour al-Amriki (Cumar al-Hamaami) oo u dhashey dalka Maraykanka isla markaana tan iyo sanadkii 2007 ka dagaalamayey gudaha Somalia, kana mid noqdey Madaxda sare iyo tababarayaasha Al-Shabaab ayaa muddooyinkan ka welwelsanaa noloshiisa, waxaana uu sheegay in uu khatar ugu jiro in ay dilaan Al-Shabaab,
Hamaami ayaa soo saarey todobaadkan Video muuqaala oo uu ugu magacdarey Dalbashadii gargaarka ee ugu danbeysey.
Abuu Mansour Al Amriki horey wuxuu u soo saarey laba Video oo uga hadlaayo khilaafka ajaanibta ka dagaalameysa Somalia iyo Soomaalida Al-Shabaabka.
Argagixisada Al-Shabaab ayaa iyaguna War ay soo saareen ku sheegay in ninkaasi aanu metelin iyaga isla markaana ka leexdey wixii la isku ogaa.
Waxaa meelo badan oo Internetka ah lagu faafiyey Sawir cajiibleh kaas oo ah Cumar Hamaami iyo qoyskiisa oo hor-fadhiya guriga uu ka degan yahay Somalia.
Abu Mansour oo Kumanaan Somalia xaqdaro ku dilay hada waxaa la jooga tiro lagu qiyaasay ilaa boqol iyo lixdan ka tirsan Dagaalyahanada ajnabiyiinta Alqaeda,waxayna ku dhuumaaleysanayaan degaanka Gobolka Shabeelada hoose.


Si kastaba ha ahaatee, Dilaaga Alqaeda oo marna aan ka hadal sababta Khilaafkooda wuxuu maalmo ka hor soo diray sawir uu ku qoray Taariikhda sanadka cusub {11 Jan 2013) si uu Caalamka u tuso inuu wali nool yahay.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3