Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

QADIYADA GOONI-ISU-TAAGA SOMALILAND IYO CAQABADAHA DHABTA AH EE HORYAALLA (Qeybtii: 1-aad)

20 May 2013 Waagacusub.com-Soomaaliya Soomaali Baa Leh
Midkii Kala Saar Lahoow
Midkii Kala Sooc wadoow
Midkii Si Xun U Fekeroow
Sareeda Hadeey Ku Waarto
Hadii Silac Iyo Dhib Gaaro
Samaanteed Iyo Xumaanteed
Soomaliya Soomaali Baa leh
HORDHAC/GOGOL-DHIG


Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Aqristaha sharafta badanoow, bal aan ku horeeyo’e, Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya waxaa daga dad walaalo Soomaaliyeed ah, Dhaqan, Diin, Luqad, Dad iyo Dalba aan wadaagno.Waa meelaha ugu nabada roonaa burburkii dalka kadib. In bandan oo Soomali ahna eey u hayaameen, kuna badbaadeen. Waa meelo ugu yaraan madaxdu xukunka isuku wareejineeysey iyadoo aan xabada la isa surin. Waxaa ka jira Maamul mudo soo jirey oo wanaagiisa iyo dhaliishiisaba leh, balse shaqeeya oo umad badani dugsato. Hadaan sookoobo, waxaa ka jira Gobolladaa Waqooyi ee Soomaaliya, in badan oo wanaag ah, oo eey tahay in aan ugu hambalyeeyno walaalahaa, Allaahna uga barino in uu ubarakeeyo, ileyn waa walaalo Soomaaliyeede oo wanaag dhamaan aan la jecelnahaye.

Balse mushkilada ugu weyn ee Gobolladaa ka jirta ayaa ah “Kala Goynta Dalkeena Hooyo”, ama waxa loogu yeero, “Gooni-Isu-Taag”, Cadaalad darro iyo “Sad-Bursi” baahsan oo gobolladaa ka jira. Hadaan toos u galo qormada, aqristoow waxaan ku jirnaa 2013, xaqiiqdiina Gobollada Waqooyi ee Soomaliya isbadal aad u xoog badan ayaa ka dhacay, maadaama iyadoo isbadalkaa xaqiiqiga ah ee aan la inkiri karin uu ka jiro Waqooyi ayaa “18-May” waxaa si gaar ah muhiimad dabaaldageed usiiyey “Qeyb gaar ah” oo ka mid ah walaalaha Reer Waqooyi la isku yiraahdo, ee waqooyiga wada daga gobolladaas, sidaa daraadeed waxaan is iri bal qormadan ka samee, ee Akhirtoow kusoo dhowoow dhuuxa qormadii adigoo mahadsan.


Waxaan rabaa in aan qaab Mandiq/Logic ama caqliyeysan oo cidkastoo caadifad ka fogi eey caqli nadiif ah ku garankarto, ee bal aan su’aalo iga dhex guuxayaahi idinla wadaago aqristayaashoow. Aan ku bilaabo’e, Dhulka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi waxaa wada daga Beelo dhowr ah (Isaaq/Beesha Dhexe, Dhulbahante, Samaroon/Gadabiirsi, Warsangali, Ciise, Gabooyo, iyo Faqashinni) oo Gumeystihii Ingiriisku uu midba si gaar ah/gooni-gooni ah heshiis ula galay, marka laga reebo Beesha Dhulbahante oo iyadu aan heshiis la galin Gumeeystaha. Ma aaney jirin wax isku duuban oo ka maamul ahaan uu Ingiriisku heshiis ula galey. Magaca hada Gobollaa Waqooyi loogu yeerana waa mid uu Ingiriisku iskii ula baxey, micnahuna uu ahaa oo kaliya: “Dhulkii Soomaaliyeed ee Gumeystaha Ingiriisku Gumeysanjirey”, sidaa daraadeed, Hadii Beelihii dhamaan marka laga reebo Hal beel, "Beesha Dhexe", oo iyadu danteeda u gaarka ah darteed Ictiraaf u raadsaneeyso, macquul ma noqoneeysaa iyadoo Beelihii kale ee gobolka la wada daganaa wada diidanyihiin in Aqoonsigaa la helo? Oo waliba waxa diidanna eey yihiin Odayaashii dhaqanka oo dhan, Aqoonyahankii, Siyaasiyiintii ugu caansaneyd iyo dhamaan Indheer-Garadkii Beelaha kale oo mideysan, kaba sii darane gobollada qaarna hadadan la taaganyahay eey xabbadu ka socoto, oo Nabadiiba gobolku ku caanka ahaa aaneyba maanta meesha oolin. Hadiise xaqiiqdu sidaa tahay, soow Xaalka dhabta ah ee “Ictiraaf” noqon maayo mid dhalanteed aan muran ka taagneeyn ah, iyo laablakac iska caadifadeed? Ileyn caalamku wuu garankaraa in “Hal Beeli” aaney dowlad noqon karine, iyadoo Aduunweynuhu uu waliba ka cabsi qabo in Beel kastaahi ee Soomaaliyeed iyana “Gooni-Isu-Taag” ku dhawaaqdo, oo kumanaan dowlado Soomaaliya ka wada dhexjira xaalku isu wada badalo, oo Albaabkii eey ku bilaabanlaheyd mushkiladaana fure u noqoto, taasoo cawaaqib xumadeena aaneey Soomaaliya oo kaliya ku ekaan doonine, u gudbidoonta Qoowmiyadaha faraha badan ee kala duwan ee dhamaan simideeysan ugu wada nool wadamada Deriska la ah Soomaaliya, iyo waliba guud ahaan kuwa geeska Afrika?


Caalamku wuxuu jawaab macquul ah u la’yahay sababta iyo logic-ga “Gooni-Isu-Taagan!” iyo “Ictiraf Raadintan!” Ma waa la ina laayeybaa? Ma cadaalad darro ayaan Soomaalida Koofureed katirsaneynaa baa? Ma kala Diin, Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midab beynu nahay baa? Aan ku horeeye’e caalamku wuu ka dharagsanyahay in aan isku wada Diin, xitaa Mad-had, Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midaba wada nahay, taasoo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee “Gooni-Isu-Taaga”. Hadiise xaalku Maamulbaa ina laayey tahayna, caalamku wuxuu taaganyahay Maamulkii dhibkaa geeystey wuu tagey, waliba waxaa la dagaaley Soomali oo dhan, isla Soomaalida Koofureed ayaa ridey, ee Waqooyi Madaxtooyada Muqdisho ma aaney ugu tagin, iyagaa Koonfureed ayuu laayey, oo cidkastoo maamulkaa mucaarada ayuu la dagaalamayey, waliba dadkii dad ugu dhawaa ayuu laayey, sida Beelihii Jabhadii ugu horeeysey ku aasaasey ee SSDF, iyo kuwii ku xigey sida: USC, SDM iwm. Caalamku wuxuu la yaabanyahay, hadii shalay "Beesha Dhexe" ee walaalaha waqooyi eey laheyd Maamulkii Millatarigii ayaa beel ahaan inoola dagaaley oo ina xasuuqey-Ileeyn waqooyi iyo koofur cidi uma aaney dagaaline-, soow xaqiiqdu ma aha in waxaa ka dhacay gobolladaa waqooyi eey ahaayeen laba Xasuuq: 1-Mid waxaa geeystey Dowladii Milletery-ga, oo eey shacab badan iyo Jabhadii hubeysneyd ee SNM ee “Beesha Dhexe” qeybo ka mid ah eey ku dhinteen, kadib markii dagaalku magaalooyinka noqdey, oo Jabhadu magaalooyinka soo dhex gashey, oo xaalku noqdey in shacabka lagu dhex dagaalo, taasoo sababtey in eey dhacaan qaladaad iyo gafaf badan oo xaqiiqdii dowladaa Millatery-ga ee markaa jirtey eey gashey, gaar ahaan isticmaalkii diyaaradaha IWM. Qofkastoo Muslim ahna Maras dilkood ma ogolaankaro, kaba sii daran walaalo Soomaaliyeed’e. Balse waxaan dadka badanaa aan loo sheegin, in badanna ka qarsoon, da’yartuba ha u badnaatee, in uu jirey xasuuq kale oo isla Gobolladaa Waqooyi ka dhacay, midkan dambe waxaa geeystey Maleeshiyadii Jabhadii SNM, oo xasuuqdey Qaxootigii Galinka 5-aad ee “Ogaadeeniya” kasoo qaxey, oo dowladii Millitery-ga eey dajiyey Gobollada wooyi, maadaama eey aad ugu dhaweyd masaafo ahaan, iyadoo Jabhada SNM eey Gobollda waqooyi ku shaacisey in Dadkan aaney qoxooti aheyne dad dhulkan in eey idinkala wareegaan loo keeney yihiin. Nasiib darada kaloo jirtey ayaa waxeey iyana aheyn in Dowladii Millitery-ga hubeysey qeybo xaqootigaa ka mid ahaa oo dagaalkana galisey. Khubarada qaar waxeey leeyihiin nasiib darro! Qaxootigii dhowrka Boqol oo qoys ahaa wax ka fakadeyba weey yaryihiin, oo qoysas dhan ayaa sidooda u go'ay, oo dhagta dhiiga si wadareed ah loogu darey iyagoo isugu jire Maras/Maato iyo Rag nuuckastaba leh, oo lafaha hey'ada caalamiga loosoo bandhigo inbadan oo ka mid ah waa qaxootigaas ayey leeyihiin, oo waxaa looga faa'ideeystaa, laba arin: A- Kuwii laayey ayaa joogaa oo garanaya meelihii eey ku xasuuqeen Maatidaa, B-lafahaa gaalada la tusayo, isma sheegayaan Reeraha eey u dhasheen, marka waa lagu badsankarayaa, si dareenkooda loo gilgilo, looguna sii xoojiyo qadiyada “Gooni-Isu-Taaga”.
Nasiib darada ugu weynse waa in Maanta iyadoo “Beesha Dhexe” wadata hubkii eey ka heshey Dowladii Millatery-gii Siyaad Barre, hubkii Ethiopia eey siiyey, iyo iyadoo isticmaaleeysa awood dhan ee maamul, hadii eey ku leeyneeyso Shacab isugu jira Caruur, Ciroole iyo guud ahaan Marastaa Biri-Mageeydada ah, kuwaasoo kasoo wadajeeda isla Beelaha Waqooyiga wax ka dagan, sababtuna tahay oo kaliya in eey diideen wax la dhoho “Gooni-Isu-Taag”, iyo in eey Maamul ka ahaadaan Raaciyeyaal oo kaliye, sidaa daraadeedna ku dhawaaqey in eey rabaan Midnimada walaalahooda Soomaaliyeed, iyagoo sida lawada ogyahayna halgan dheer oo taariikhi ah usoo marey u dagaalankii Soomaalinimo ee lagula dagaalamayey Gumeysigii Ingiriiska, rag badana hore ugu waayey, sidaa daraadeedna diidan in eey Taariikhdaa dheer ee Gobanimo-Doon eey maanta ka talaabsadaan, oo “Hal Bacaad lagu lisey” kasoo qaadaan. Xaqiiduse soow noqonmeeyso aqristow, in marka aad “Inaga” abuurto, aad sidoo kale qaab automatic ah u abuurtey, “Iyaga”. Xaqa aad u leedahay in aad cid baan ka go'ay u tiraahdana, soow cidkastaahina xaq uguma laha in eey adigana kaasii go'do?
Wuxuu caalamku sidoo kale leeyahay, hadii shalay cadaalad daro eey "Beesha Dhexe" ee walaalaha Reer Waqooyi ka tirsaneeysey Soomaalida inteeda kale, bal kawaran hadii isla iyadii eey kula dhaqmeysey waqtigii xoriyada Ingiriiska gobollada waqooyi ka qaadan rabeen, ee marka laga reebo sadex waziir maahane Jagooyinkii kaloo dhan “Beesha Dhexe” isku wada qaadatey. Nasiibdarona! Illaa iyo maantana kula dhaqmeeysa Beelaha kalee ladagan Gobollada Waqooyi, cadaalad daradii oo aaney waxba iska bedelin. Video-ga Linkiga hoose waxaad ku arkeeygaa wareysigii Cali Saciid Xasan uu la yeelanayo Saraakiil kasoo wadajeeda Gobollada waqooyi Gaar ahaan Beelaha Samaroon/Gadabuursi, kala ah: Sareeye Guuto Yuusuf Talacle, Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame, G/Sare Maxmad Nuur Faahiye, G/Sare Maxamed oo ahaa Gudoomiyihii Jabhaddii SDA, iyo Eng. Cumar C/llahi Handi, wareeysigaa uu kula yeeshay Farjano 11-kii Bishii Febraayo 1991. Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame Wuxuuna yiri: "1959-kii Ingiriisku markuu Gobollada Waqooyi ka baxayey, wuxuu sameeyey wax la magacbaxey, "Shadow Ministers" oo 9-Bilood jirayey,

Xisbigii Markaa jirey ee SNL ahaa oo "Beesha Dhexe" eey ugu badnaayeen, ayaa maadaama dadka Waqooyi wada xamaasadeeysnaayeen oo xoriyad loo dagaalayey bal loo dhiibey oo qeybiya la yiri, Nasiib darro! Ummadii kale oo dhan ayey ka sadbursadeen. Gobolka Owdal, oo markaa la dhihi jirey District Borama, waxaa laga siiyey Hal waziir, laascaanood waxaa laga siyey ma garanayo Hal mise Laba waziir, intii kaloo dhanna waxaa qaatey "Beesha Dhexe". Nasiirdarro! Siyaasi weyn oo kasoo jeedey isla Beeshaa, Waqooyigana caan ka ahaa, lana wada garanayo ayaa yiri, "Ma jilibkeeyga oo aan waziir helin ayaa reer Awdal waziir helikaraan, sidii ayaa kiina looga qaadey Reer Awdal", Markaa ayey beelihii kaloo dhan ugu wada dhibicdey in cadaalad daro iyo Sad-Bursi xaalku aanu ka baxeeynin, waliba markaa SNL oo beeshaa u badneyd, Ingiriiskuna uu aad u taageerayey, waxeey doonayaan "Federation", ama in “Dowlad Gaar” ah la noqdo, oo iskubiirid marna ma aaneey rabin. Markaa Beelihii kale oo ka dharagsanaa in waxa kaliya ee xaqooda eey ku helikaraan eey tahay in la raadiyo Jamhuuriyad Soomaliweyn, si qeybtooda eey u helaan, oo waqooyiga aan loogu Dominate-gareyn, ayaa waxa eey Beelihii kale bilaabeen in eey sameeystaan Xirbigii Siyaasiga ahaa ee la dhihi jirey, "USP-United Somali Party" ula jeedadiisuna aheyd in aan waqooyi gooni isu taagin, ama Federalism aanan lagu maquunin beelaha kale, balse walaalaha Koonfur iyo Waqooyi la isku daro. Doorashadii markii la galey, “Absolute Majority” weey heliweeysey "Beesha Dhexe" oo markaa wadatey urukii SNL, waxaana lagu qasbanaadey in Soomaaliweyn lagu darsoomo oo la raaco, maadaama aan inagu sidaa u ololeeyneeyney, Cigaalna rajo uu ka qabey in uu Ra’isulwazaare helayo haduu Madaxweyne waayo. Taas aad ayeey uga xumaadeen ururkii SNL, waxaana markaa la isku heeystey nin diidan in la yaso, oo hala ilatashado si cadaalad ahna aan waxkasta u qeeybsanno taagnaa iyo nin diidanaa. Hadadan oo 1991-kii aan joognana waxaa la ina leeyahay laba Xaaji Qamsiin ayaa ku filan oo lasoo saarayaa dhamaantood"
Akhiristoow, soow maantana isla tii uun waxa taagan ma aha, ileyn waxa keeney in eey Beelaha kale waqooyi wax kadaga in eey sameeystaan, maamul Goboleedyada kala ah: Awdal State of Somalia, Khaatuma State of Somalia, iyo Maakhir State of Somalia, kadib markii sidii horeba caadadu aheyn, “Beesha Dhexe” is laheysiiyey Jagooyinkii ugu sareeyey maamulka oo dhan, sida: Madaxweynihii, Hogaamiyeyaashii dhamaan Sadexda Urur ee ugu waaweyn ee Mucaaradka, (ileyn sadexdaa urur ee waaweyn hogaankooda ayaa uun fursad Madaxweynenimo heli kara’e) iyo xitaa dhamaan ururada kee jiraba, Bal u fiirso Deegaanada maamulka Gobollda Waqooyi waxaa 28/11/2012 laga qabtay doorashooyinka golayaasha deegaanka. Waxaana ku tartamaya doorashada labo xisbi iyo Shan urur siyaasadeed oo marka la isu geeyo noqonaya 7-urur siyaasadeed. Haddaba waxaa muhim ah in la fahmo toddobada urur ee doorashadaa ka dhacday ka qeybgalay iyo hogaamiyaashooda Beelaha eey kasoo jeedaan oo iska leh, taageerana: 1- KULMIYE: Hogaanka xisbigan iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Sacad Muuse/ Habar Awal. 2- UCID: Hogaanka UCID iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Cidagale/Garxajis. 3- WADANI: Waxay hogaankiisa iyo taageerayaashiisuba ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Habar Yoonis/Garxajis. 4- XAQSOOR: Hogaanka ururka Xaqsoor waxaa uu ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Carab. 5- UMMADDA: Hogaankiisa iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Habar Yoonis/Garxajis. 6- DALSAN: Dadka hogaamiya iyo taageerayaashiisuba waxay isugu biyo shubanayaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Sacad Muuse/ Habar Awal. 7- RAYS: Dadka dhisay iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Habar-Jeclo. Waxaa intaa kuusii dheer, Waziirkii Arimaha Dibada iyo inta badan Waziirada, Hogaamiyaasha Ciidamada- Si beelaha kale isugu baqaan, “Intimidation”, looguna isticmaalo markii dani bido, sida gobollada qaar hadda ka socota- Maxkamadii Sare, Madaxdii Golayaasha Maamulka, Wakiilada iyo Guurtidaba ….IWM. Waa dhamaan awoodii dhabta aheyd ee Maamulka, iyadoo nasiib darro! Waxa kaliya ee Beelaha kalee Waqooyi waxkadaga loo ogolyahayba eey yihiin "Ku Xigeeno” in eey Maamulka ka ahaadaan. Dadbaa ku dooda in Mudane Riyaale Kaahin Madaxweyne mar ka noqdey Maamulka, isaga oo aanan u dhalan “Beesha Dhexe”, balse xaqiiqda dhabta ah ee dadkaasi iska indhatirayaan ayaa waxeey tahay in Riyaale ahaa “Ku xigeen”, fursada uu ku heleyna aheyd oo kaliya Geeridii ku timid (Allaha u naxariistee) Marxuum: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Makula tahay in Beelo dhan oo Cuqaal iyo Indheer-Garadba leh, in eey maamul waxa kaliya eey ka noqonkaraan eey tahay raaciyeyaal magac lagu badsado, iyagoo dad iyo deegaanba Ilaaheey siiyey, walibana muhiim u ah hadii “Ictiraaf” la raadinayo iyo hadii kalee la hor istaagayaba? Soow marka xaalku noqonmaayo, “Dulmi Diide, Dulmi Doona ah beeynu aragney”? Mase kula tahay in sidaa cadaaladu tahay, keeneysana wada jirka Beelaha maamulka wada dhistey, iyo in sidaa “Ictiraaf” lagu helayo, sidii la rabo “18-May” haloogu dabaal daga'e?
Hadiise Maanta eey Beelihii kale ee wax ka wada daganaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ee awal waxa kaliya oo eey ku heshiiyeen aheyd in Maamul lawada dhisto si nabad loo kala helo iyo in eey ka badbaadaan “Beesha Dhexe” oo hubkii oo dhan gacanta u galey, maamulkana hormuud u aheyd, beelaha qaar ee Waqooyina wax ka tirsaneysey, balse waligood aanan ku heshiin wax la dhoho “Gooni-Isu-Taag”, eey maantana si cad u wada taaganyihiin waxaan ka mid nahay inta u taagan midnimada Ummada Soomaaliyeed, oo eey gobolladooda uga kala dhawaaqeen, dowlad goboleedyada kala ah: Maakhir State of Somalia, Awdal State of Somalia, iyo Khaatumo State of Somalia, kuwaasoo dhamaantood wada ayidsan Midnimada Ummada Soomaaliyeed. Makula tahay arintii “Gooni-Isu-Taaga” In eey si xaqiiqo ah u dhimatey, oo eey meeshaa uga baxdey gabi ahaanteedba? Ileyn “Hal Beel” oo kaliya cidi ictiraaf siinmeeyso’e, iyadoo gobolladii Ingiriisku wada gumeeysan jireyna aaney u dhameeyne, waliba hadii Beelaha kale siyaabo siyaasadeed lagu qancinkari lahaa, qaar ayaa meeshii wada hadal nabadeed lagu qancin lahaa, xabbada la surey, oo Maatadoodii dhagta Dhiiga loodaray, waana xaqiiq jirta marka wiil aad Aabihii goowracdo, in aad iska sii fogeeysay, kana sii daran hadii wiilkaasi ku dhaganyahay, halgan hore oo dadkiisu magac iyo maamuus mujtamaca Soomaaliyeed uga dhexleeyihiin.


Ugu Dambeyn, hadii Dowladii Soomaaliya “Kumeel-Gaarkii” ka baxdey, oo Maanta Ummada Soomaaliyeed dowlad Rasmi ah eey heshey, taasoo January 17, 2013-kii uu Mareykankuna si rasmi ah u aqoonsadey, IMF-ta, hey’adihii kalee caalamiga ahaa, iyo dowladihii kalana ku wada xigsaden, iyadoo Madaxweynaheedana uu meelkasta ka leeyhay: “Waxaan ku dhaartey MIDNIMADA DALKA”-Waloow aan aad uga xumaado marka aan maqlo isagoo dhahaya cadaadis Diplomaasiyadeed isticmaali meyno, iyadoo kooxda dalka hala jaridiisa ku howlanina waxkastaahi isticmaalayaan-, Nabadiina eey si tartiib-tartiib ah usoo noqoneeyso, caalamkiina uu Safaaradihiisii caasimadii dalka maalinba mid kasii furanayo, kuwaasoo uu ugu horeeyo Ingiriiskii Ictiraafkaba laga raadinayey in uu hormuud u noqdo, iyadoo dhamaan caalamku wada muujiyey in Dalka Soomaaliya uu hal hogaan leeyahay, inta kalena Dowlad Goboleedyo yihiin, caalamkuna sidaa u tixgaliyey, soow taasi Arimihii Ictiraafka ugu dambeyn rajo beel ma aaneey kusoo gabagabeeynin?
GABAGABO, GUNAANAD IYO AFEEF
Marka aan leeyahay “Beesha Dhexe”, waxaan ka sariiganayaa in aan si toos ah afka magaca ugu dhufto, waxaana ula jeedadeeydu tahay “Qeyb ka mid ahe” qaarbaa midnimada taageersan. Hadiise aan dhaliil soo jeedino micnaheedu ma aha, in aan necebnahay walaalo Soomaaliyeed, oo ah qeyb ka mid ah dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Ma aha in aan cadow kunahay. Mana aha in aan xumaan la dooneeyno. Waxa aan dooneeyno oo kaliya, waa in wixii khalad ah la soxo, si wax inoogu wada wanaagsanaadaan, dalkana aan marna lakala jarin. Waxaase intaa fahmikaraya inta dareensan in qofku xor u yahay ra’yigiisa, xaq buuxana u leeyahay in uu cabiro aragtidiisa, eeyna tahay in la isku xushmeeyo kala aragti duwanaashaha. Ugu dambeyn fadlan wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaaji e-mailka hoose adigoo mahadsan.
Wabillaahi Towfiiq.



W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3