Dowladda
Ingiriiska oo laga yaabo inay Xabsi dheer u dirto Madaxweynaha
Galmudug+Cadeeyn
20 November 2011Waagacusub.com-Dowladda Ingiriiska
ayaa la sheegay in loo gudbiyay dacwad ka dhana Madaxweynaha
Galmudug Mohamed Ahmed Caalin oo ah Somali British.
Madaxweyne Caalin oo laga yaabo in lagu xukumo 12 sano
oo xariga isagoo dalka Ingiriiska ka maqan waxaa lagu
heystaa inuu amray dil lagu qisaasay Mohamed Dahir Mohamed
oo ahaa gacan ku dhiigle dilay Mohamed Abdi Habeeb 20
Febaury 2011.Halkaan
ka daawo wiilka oo la dilaa,hadii aad awoodo
Qareenadda Dacwada ku oogay Madaxweyne Caalin ayaa soo
bandhigay Cadeeymo muujinayo in Mohamed Ahmed Caalin
amray in la dilo Mohamed Dahir Mohamed oo lagu toogtay
Magaaladda Galkacyo 21 March 2011,Halkaan
kala deg Dukumiinti uu saxiixay Caalin.
Sharciga Midowga Yurub u degsan gaar ahaan kan Ingiriiska
wuxuu laalayaa in qofkii qof dilo loo dilo.
Hadii qof heysta dhalashada Ingiriiska ama Yurub amro
in qof la qisaaso ama la dilo wuxuu mudanayaa xabsi
dhan 12 sano.
Madaxweyne Caalin oo Maxkamad la horgeyn doono marka
uu ku laabto Ingiriiska waxaa laga hor shidi doonaa
Video muujinaya habkii loo dilay Mohamed Dahir Mohamed
iyo sidoo kale Cadeeymo la aruurshay oo ka marag kacaa
inuu Caalin bixiyay amarka qisaastaas.
Hay'adaha u dooda xaquuqul insaanka oo muda baarayay
kiiska qisaastii ka dhacday Galkacyo ayaa dacwada abaabulay,waxaana
Maxkamadda hor tegi doono qoyska Mohamed Dahir Mohamed.
Waa arrin adag in qofka heysto dhalashada Europe amro
dil (Qisaas)
Madaxweyne Caalin wuxuu amray gabood fal ka baxsan
bini-aadamnimada,waxaana ka argagaxay kumanaan kun habka
loo dilay Marxuum Mohamed Dahir Mohamed.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download