Wargeyska
afka dheer ee Yool oo Warar iyo faalooyin xiiso badan
qoray
20 November 2011Waagacusub.com-Wargeyska afka dheer
ee Yool oo Warar iyo faalooyin xiiso badan ku qoray
cadadkiisii maanta,halkaan hoose ka akhri
WASIIR XIRSI oo Luqad Diblomaaasiyada ka Baxsan
Kula Hadlay Safiirka Itoobiya u Jooga Hargeysa
Hargeysa(Yool)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.
Xirsi X Cali, ayaa kulan uu danjiraha dawlada Itoobiya
u fadhiya Somaliland kula yeeshay xafiiskiisa, waxa
uu kaga dalbaday in dowlada Itoobiya martiqaad rasmi
ah u fidiso Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland
Md. Maxamuud Xaashi iyo arimo kale oo aad u xaasaasi
ah, kuna saabsan muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku
xidh-xidhan dalka Itoobiya.
Ma jiro war faahfaahin cad ka bixinaya ujeedada dhabta
ah ee kulanka iyo natiijadii uu ku dhammaaday toona
oo ka soo baxay qasriga Madaxtooyada.
Haseyeeshee, sida Wargeyska “Yool” ay u sheegeen ilo-wareedyo
ku dhowdhow Madaxtooyada Somaliland, waxa Wasiir Xirsi
intii kulanku socday uu kala hadlay Safiirka dawlada
Itoobiya u fadhiya Somaliland arimo dhawr ah oo ay ka
mid yihiin in Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland
Md. Maxamuud Xaashi dawlada Itoobiya siiso martiqaad
uu ku tago dalkooda, inkastoo aanay ilahaasi tibaaxin
ujeedada martiqaadka Wasiirku ug dalbaday Itoobiya inay
u fidiso Wasiirka Duulista Somaliland.
Sidoo kale waxa Wasiirka Madaxtooyadu si weyn ugala
hadlay Safiirka Itoobiya muwaadiniin reer Somaliland
ah oo sida ilahaasi xuseen la sheegay inay ku xidh-xidhan
yihiin meelo ka mid ah gudaha dalka Itoobiya, kuwaasoo
uu iyagana safiirka ku adkeeyey inay si degdeg ah usoo
daayaan, isagoo dhinaca kalena, u sheegay inay dowlada
Somaliland mar danbe ogollaan doonin falal noocaasi
oo kale ah. Waxa kaloo, wararku intaa ku darayaan in
Wasiir Xirsi intii kulanku socday uu carabka ku dhiftay
arinta ku saabsan Ciidamo Itoobiyaan ah oo mararka qaarkood
si sharci darro ah ku soo gala deegaano ka tirsan gudaha
dalka Somaliland.
Arintaasoo Wasiirku u sheegay safiirka in Somaliland
aqbali karin inay dhacdo mar danbe.Ugu danbayntiina
waxa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland uu ku dheeraaday
xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeyay safaarada
iyo Xukuumada Somaliland, kaasoo Wasiirku ku tilmaamay
inuu yahay mid aan gaadhsiisnay heerkii looga baahnaa,
sidaa darteed-na waxa uu safiirka ku wargeliyay inuu
la yimaado wada-shaqayn heerkeedu sareeyso.
Haddaba kulankan oo dhacay Arbacadii Toddobaadkan Bishuna
ahayd 16th-ka, ayaa marka dhinaca diblomaasiyada laga
eego waxa uu u muuqdaa inuu ahaa mid aan noociisa oo
kale hore dunida uga dhicin, maadaama danjiruhu yahay
wakiil dal leeyahay, isla markaana marka uu wadanka
imanayo oo oggolaanshaha siiyo Madaxweynaha uu dalkiisa
tegayo ama ka shaqayn doono, sidaa darteed-na haddii
ay dhacdo in Xukuumada uu dalkeeda joogay ka biyo-diido
wada-shaqayntiisa, waxa xaq u leh inuu kala hadlo arimaha
lagu saluugsan yahay iyo kuwa kale ee looga baahan yahay
inuu ku shaqeeyo waa Madaxweynaha uu dalkiisa joogo.
Si kastaba ha ahaatee, waxa isweydiintu tahay sidee
buu Wasiir ugala hadli karaa cilaaqaadka siyaasiga ah
ee u dhexeeya safiir dal kale u jooga wadankiisa, iyadoo
aanay jirin sababo iyo duruufo kale oo ay ka mid tahay
oggolaasho ama inuu Madaxweynuhu u soo wakiisho inuu
hawlaha noocaas ah kala soo hadlo waxa ku kelifay iyo
wax la mid ah, balse waxa jawabta arintaasi tahay mid
u taala Madaxweyne Siilaanyo oo looga baahan yahay inuu
shacbiga iyo wadamada aynu deriska nahayn-ba u cadeeyo
waxa ku kelifay in Wasiirkiisu ku dhaqaaqo arimaha noocaas
ah.
Berbera: Ma ka Mudhay Cali Xoor-xoor
Qaybtii 2aad
Haddii aynu intaa kaga soo gudubno tilmaamaha jiritaanka
mashaariicdaa ku saabsan ee Maareeyuhu siiyey Saxaafadda,
bal aynu wax-yar isdul taagno xogo Wargeyska “Yool”
helay oo ku taxaluqa kharshiyaadka hirgelinta mashaariicdaas
ku baxay iyo jawaabta Madaxweyne Siilaanyo ka bixiyey
war-bixin la xidhiidhey Guud ahaan kharshiyaadka ku
baxay mashaariic laga hirgeliyey Dekedda Berbera iyo
nawaaxigeeda, taasoo Maareeyuhu Madaxweynaha siiyey
mar uu booqasho ku tegay Magaalada Berbera.
Mashaariicda ugu waa weyn ee laga hirgeliyey Dekedda
intii uu madaxda ka ahaa Maareeyaha cusub, waxa ay u
kala baxaan burburinta qaybo ka mid ah dhismaha Dekedda,
dhisme cusub oo dibedda looga sameeyey kooxaha dab-demiska,
iyo dhisme kale oo isagana Booliska looga sameeyey Afaafka
ugu horeeya ee laga galo Dekedda, kaasoo qiyaastii masaafad
dheer u jira goobta la doonayo inuu ammaankeeda sugo,
sidoo kale waxa iyaguna mashaariicda cusub ee dhismeyaasha
u badan ka mid ah kan KAMARADAHA 36-ka xabbo ah ee lagu
rakibay Dekedda iyo goobo kale oo mihiim ah, kuwaasoo
iyaga lafdigoodu aan lahayn Back-up lagula socda dhaqdhaqaaqa
gaadiidka iyo shaqsiyaadka laga shakiyo. Tusaale ahaan
haddii uu Gaadhi dhawr jeer soo galo Dekedda marka System-ku
leeyahay Back-up waxa si dhib ya loo heli karaa gaadhiga
sawirkiisa oo dhinacyo badan lagaga qabtay, waxaan si
toosa looga helayaa macluumaadkaas iyo mid kale oo ka
badanba barnaamujka shaqaynaya.
Haddabaa inkastoo kharshiyaadka ku baxay mashaariicdaas
uu aad u kala badan yahay marka mid mid la isu dul-taago,
hadana sida Maareeyuhu Madaxweyne Siilaanyo u sheegay
mar uu booqasho ku tegay Gobolka Saaxil, waxa uu ku
sheegay kharashka baxay mudadii uu xilka hayey 1,500,000
oo Dollarka Maraykanka ah, kharashkaasoo sida dad goob
joog ahi u sheegeen Wargeyska “Yool” Madaxweyne Siilaayo
aad ula yaabay baaxada kharashaadka ku baxay waxyaabo
fudud ee Dekedda laga qabtay.
Haddii aynu wax yar ka iftiimino bixitaanka kharshiyaadka
lagula baxay hawlahaa aynu kor ku soo sheegnay. Tusaale
ahaan, burburinta iyo dib-u-dhiska qaybo ka mid ah Dekedda,
waxa la xaqiijiyey in khasnada Dekedda laga qaaday intii
hawshu socotay Afar jeer oo min Siddeetan Kun oo Dollar
ah ($. 80,000), kaasoo markan la isu geeyo dhan $. 400,000
oo Dolarka Maraykanka ah. Sidoo kale, hawsha burburinta
iyo dib-u-dhiska waxa lagu fuliyey dhul baaxadiisu gaadhayso
ilaa 254-Mitir una badnaa qaybihii dawlada Ruushku dhiskeeda
hirgelisay ee Dekedda.
Dhinac kale haddii aynu ka eegno fulinta mashaariicdan
waxa xaq loogu leeyehey Maareeyaha Dekedda inuu si xor
oo xalaal ah bulshada ugu soo bandhiggo si muwaadiniita
dalka joogta uga faa’iideystaan hirgelintooda, haseyeeshee
wax cad in Maareeyuhu uu si cad u garab maray ku dhaqanka
shuruucda iyo xeerarka dalka u yaal, isla markaana uu
awoodiisa uga faa’iideystay si khaldan oo sharciga iyo
Distoorka ka baxsan, waxaana taa daliil u ah shaqsiyaadka
la siiyey hirgelinta mashaariicdaas, kuwaasoo isugu
jira xubno ay Maareeyaha aad isugu dhow yihiin marka
laga eego dhinacyo badan. Inksatoo Maareeyuhu dhinaciisa
uu markii hawshaau dhammaatay uu ku sheegay hawl fiican
oo Dekeddu u baahnayd, isla markaana meelihii wax laga
qabtay ay ka qurux badan yihii maanta qaybihii kale
ee Dekedda.
Geesta kale, intaasuun kuma eka waxyaabaha anshaxa
iyo nidaamka dawladnimada ka baxsan ee Maareeyaha Dekedda
Berbera ku kacay aqoon darro iyo awood la’aan midkay
doonto ha ka noqotee, waxyaabaha kale uu ku talaabsaday
mudadii Shan iyo Tobanka Bilood ahayd ee uu xilka hayey,
waxa ka mid ah in habayaraatee aanu shaqaalaha la siin
GUNOOYINKII ay qaadan jireen muddo Kow iyo Toban Bilood
ah, taasoo isku celcelis ahaan bishii noqon jirtay inta
u dhaxaysa 160 ilaa 200 oo Milyan oo shilinka Somaliland
ah, sidoo kale shaqaalaha ka hawlgala Dekedda 70% (Boqolkiiba
Toddobaatan), ayaa waxa la siiyaa mushahaarooyiin ka
hooseeya 300,000 oo Kun oo Sl Shiling ah.
Lacagaha GUNNOOYINKA ah ee ku maqan Mareeyaha Dekedda,
isla markaana aan siin shaqlihii xaqa u lahaa intii
uu xilka hayey, ayaa waxay hadda caga-cagynaysaa Kow
iyo Toban Bilood, taasoo marka Lacga cadaan ah loo bedelo
dhan 1’760’000’000/= Sl Shiling, una dhiganta $. 314’285.7
oo ah Dolarka Maraykanka.
Waxa kaloo intaa dheer isla markaana ka mid ah faddeexadaha
maamul ee uu ku talaabsaday Maareeyaha Dekedda Berebera
Md. Axmed Biyaha la siiyo Maraakiibta iyo weel biyoodka
kale ee Dekedda ku soo xidha, kuwaasoo intii Somaliland
jirtay maamulka iyo iibkooda uu gacanta ku hayey maamulka
Wakaalada Biyaha Berbera, haseyeeshee intii Maareeyaha
cusubi xilka la wareeegay, waxa uu si toos ah ula wareegay
maamulka iyo gacan ku haynta iibika Biyaha la siiyo
gaadiidka Dekedda ku soo xidha, sidoo kalena waxa uu
maamuulkii Biyaha u magacaabay shaqaale cusub oo aan
ka tirsanayn Wakaalada Biyaha Berbera, kuwaasoo iyagu
Lacagta ka qaada Weel-biyoodka Dekedda ku soo xidha
ee Biyaha doonaya.
Xubnaha ama shaqalaaha cusub ee uu hawshaa u xilsaaray
oo ka kooban Saddex xubnood, ayaa sida wararku sheegayaan
waxa ay kor-u-qaadeen qiimaha markii hore lagu iibin
jirey Biyaha, kuwaasoo qiimaha Halka-Mitir-Kuyuub 1M-3
oo markii hore ahaa $. 3 (Saddex Doolar), hadda ka dhigay
$. 6 (Lix Dolar). Lacagtaasoo Saddex Dolar-na loo shub
Wakaalada Biyaha Saddexda kalena ay qaataan Wiilashaa
shaqada loo magacaabay, hawlwadeenadaa idman, ayaa sida
la sheegay waxay qaarkood qaraabo yihiin Madaxtooyada,
halka qaar-na ay keeneen shaqsiyaad ama xubno KAADIRIINTA
KULMIYE ahaa.
Biyaha oo intii ASomaliland jirtay-ba marka loo baahdo
lagu geyn jiray Dekedda Booyo, maadaama aan kalsooni
fiican lagu qabin shaqada Beebka Dekedda ee markii hore
loogu talo galay in Biyaha Dekedda lagu geeyo sababo
farsamo dartood, isla markaana uu xaaladiisa ka dayriyey
Engneer-ka gaarka ah ee Dekedda Berbera, oo isagu sheegay
in aan la isku halayn karin.
La Soco Caddadka Danbe..
Muuse Biixi oo u Safri Doona Gobolada Bari
Iyado Xubno KULMIYE ka Tirsan ka Cudurdaaratay inay
Raacaan
Hargeysa(Yool)-Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee
KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu Maanta
u safro Magaalooyinka Berbera, Oodweyne iyo Burco, halkaasoo
uu ku tegi doono booqasho aan ujeedadeedu cadayn. Ma
jiro war ka soo baxay Xisbiga KULMIYE oo si cada daboolka
uga qaadaya ujeedada dhabta ah ee safarka Guddoomiyahooda.
Haseyeeshee warar Wargeyska “Yool” ka helay ilo-ku-dhow-dhow
Xisbiga KULMIYE, ayaa waxay sheegayaan Guddoomiye Muuse
Biixi uu booqashada safarkiisa ka bilaabi doono Magaalada
Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, halkaasoo uu marka
danbena uga sii gudbi doono dhinaca Gobolka Togdheer
iyo Magaalada Oodweyne ee carunta Gobolka Daad-madheedh.
Sidoo kale, wararka naga soo gaadhay Xisbiga KULMIYE,
waxa ay sheegayaan in Guddoomiye Muuse uu booqashadan
ku wehelin doono Xoghayaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbigu
Md. Xasan Siciid Yuusuf, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan
in booqashada Muuse ayb ka cudurdaarteen dhawr xubnood
oo markii hore qorshaha ugu jiray Guddoomiyaha, kuwaasoo
uu ka mid yahay Xildhibaan Waabeeyo, oo sida ilahaasi
tibaaxeen safar kale ugu bixi doona dhinaca dalka Jabuuti,
halkaasoo uu ka mid yahay wefdi ka kooban dhawr Wasiir
oo socdaal shaqo u tegi doona dalka Jabuuti.
Geesta kale, warar aanu ka helnay xubno ku dhow-dhow
Guddoomiye Muuse, ayaa sheegay in ujeedad socdaalka
Guddoomiyuhu inuu salka ku hayo olol-siyaasadeed oo
Guddoomiyuhu ku damacsan yahay inuu dadka deegaankaa
ku dhaqan inuu iskagaga soo dhaadhiciyo, iyadoo sidoo
kale, uu beryahanba Xisbigab KULMIYE gudihiisa ka socday
loolan siyaasadeed oo u dhexeeyey siyaasiyiinta Xukuumada
qaarkood iyo xubno kale oo iyaguna ku jira Xisbiga KULMIYE
laftiisa.
Si kastaba ha haatee, Toddobaadad soo socda ayaa la
kala ogaan doonaa ujeedada dhabta ah ee safarka Muuse
ku tegay Gobolada Bariga iyo natiijada uu kala soo noqdo,
faa’iido iyo khasaare midka ay noqon doonto.
Nairobi(Yool/Wakaaladaha)-Dowlada Kenya ayaa sheegtay
in 8-Askari ay kaga geeriyoodeen Soomaaliya tan iyo
intii ay ciidamadeedu gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya
bartamihii bishaa lasoo dhaafay ee October.
Col. Cyrus Oguna oo ku hadlayey afka Mileteriga Kenya
ayaa sheegay in howlgalada ciidamada Kenya ay ka wadaan
gudaha Soomaaliya ay galaafteen nolosha 8-askari oo
Kenyan ah.
Wuxuuna intaas ku daray in sadex kamid ah Askartaas
ay dileen kooxo dabley ah oo hubeysan halka 5-ta kalena
ay ku geeriyoodeen shil ay gashay Diyaarad nooca qumaatiga
u kaca ah oo ay ciidamada Kenya lahaayeen 3-kalena uu
dhaawac kasoo gaarey.
Col. Ogunya ayaa dhinaca kale sheegay in 4-jeer uu
dagaal dhex maray ciidamadooda iyo kuwa xarakada Al-shabaab
mudo hal asbuuc ah gudeheed , wuxuuna intaas raaciyey
in ciidamada Soomaaliya ay kuwa Kenya ka caawinayaan
sidii ay ugu hagi lahaayeen fariisimaha xoogaga Al-shabaab.
Waa markii ugu horeysey oo ay dowlada Kenya soo bandhigto
tirada ciidamda kaga geeriyoodey dalka Soomaaliya oo
boqlaal Militeriga Kenya ahi ay mudo bil ka badan ku
jiraan kuwaas iyaga iyo ciidamada DKG ah ee Soomaaliya
ay si wada jir ah u wadaan howlgalo ciidan oo ka dhan
ah Al-shabaab.
AMISOM oo Midowga Afrika ka Dalbaday Ciidamo
Hor Leh in La Keeno Soomaaliya
Muqdisho(Yool/Wakaaladaha)-Ciidamada AMISOM ee ku sugan
dalka Soomaaliya ayaa ka codsaday midowga Afrika inay
soo kordhiyaan ciidamada ku sugan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka AMISOM Paddy Ankunda ayaa waxa uu sheegay
in loo baahan yahay in la kordhiyo ciidamada si magaalada
Muqdisho looga difaaco ciidamada Al-shabaab ee ka baxay
magaalada Muqdisho.
Codsigan uu soo jeediyey Paddy Ankunda ayaa yimid kadib
markii labadii habeen ee la soo dhaafay ay ciidamada
ALshabaab weeraro ku soo qaadeen fariisimada ay ciidamada
dowladda iyo kuwo AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Paddy Ankunda oo ka hadlayay weeraradii labadii habeen
ee ugu dambeysey lagu soo qaaday ayaa waxa uu ku sheegay
in ay ahaayeen kuwo ay ururka Alshabaab ku doonayeen
in ay ku qabsadaan magaalada Muqdisho, waxana uu afhayeenku
sheegay in iskudaygaasi uu fashilmey.
Weerarada ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay waxa
lagu soo qaaday saldhigyada ciidamada ay ku leeyihiin
degmada Kaaraan iyo Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Codsigan uu soo jeediyey afhayeenka ciidamada AMISOM
ayaa waxa uu soo beegmayaa iyadoo ciidamo Itoobiyaan
ah la sheegay in ay soo galeen deegaano ka mid ah gobolka
Galguduud ee dalka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa
waxaa haatan ku sugan ciidamo ka socda wadamada Uganda
iyo Burundi iyadoo la filayo in dhowaan ay soo gaaraan
ciidamo kale oo ka socda dalka Jabuuti.
Sayful Islam Al-qaddafi oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii
hore ee Libya ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay koox ka
tirsan kooxihii kacdoonka ee meesha ka saaray xukuumadii
uu hormuudka u ahaa keligii taliskii la diley ee Mucammar
Al-qaddafi.
Kooxda Sayful Islaam qabatay oo lagu magacaabo Kacdoon
wadayaasha (Zintan) ayaa shir saxaafadeed ay qabteen
ka sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen xilli uu ku dhuumaalaysanayey
meel u dhow deegaanka Owbaari ee ku taala gobolada koonfurta
xuduuda ay Libya la wadaagta dalalka Niger iyo Algeria.
Bashir Al-talib oo ah ninkii hogaaminayey kooxdii ciidamada
ahaa ee Sayful Islam Al-qaddafi qabtay ayaa sheegay
in soo qabashadiisu ay u suurta gashay kadib markii
ay heleen xog rasmi ah oo cadeynaysa in uu ku sugnaa
yahay goobtii ay kasoo qabteen.
Wuxuuna intaas ku daray in xaaladiisa caafimaad ay
aad u wanaagsan tahay lana geeyey magaalada Zintan ilaalo
aad u xooganna laga hayo , wuxuuna dhinaca kale sheegay
in lala qabtay sadex qof oo kale oo la joogtey.
Sayf Al-islam oo xiligii lasoo qabanayey dul jiifey
sariir yar ayaa waxaa gacantiisa ka muuqanayey dhaawac
xoogan waxaan guud ahaan farihiisa gacanta midigta ahi
ay ahaayeen kuwo go’an inkastoo isaga wax wel wel iyo
cabsi ahi aanay ku jirin.
Taariikh nololeedka Sayful Islam oo kooban
Sayful Islam wuxuu ku dhashay 5/6/1972-dii xerada (Baab
Al-caziiziyah) oo ay qoyska reer Qaddafi degenaayeen,
waana ilmihii labaad ee uu Qaddafi ka dhalo xaaskiisii
Safiyah Farkaash oo kaalkaaliso caafimaad ahayd islamarkaana
Qaddafi u dhashay 5-kale oo caruur ah.
Waxbarashadiisa
Sayful Islaam wuxuu waxbarashadiisa inteeda badan ku
qaatay magaalada Tiriboli ee caasimada Libya , Wuxuuna
markii uu dugsiga sare dhamaystay ku biiray Jaamacada
Tiriboli kulliyadeeda injineernimada dhismaha taas oo
uu ka qalin jebiyey sanadkii 1994, intaas kadib wuxuu
waxbarasho jaamacadeed u aaday dibadda isagoo culuumta
dhaqaalaha ka baranayey jaamacad ku taala dalka Austria
oo uu ka qalin jebiyey sanadkii 2000 intaas kadibna
wuxuu shahaadada PHD ka qaatay Machad dhaqaalaha lagu
barto uu ku yaal dalka Britain.
Xilalkii uu soo qabtay.
Saful Islam markii uu waxbarashada jaamacada heerkeeda
1-aad dhamaystay wuxuu xubin ka noqday Xarunta baaritaanada
Wershadaha ee Tiriboli, intaas kadib sanadkii 1996 wuxuu
madax ka noqday xafiis uu la taliye ahaan uga shaqeynayey,
derajo sare ayuu ka gaarey ciidamada isaga oo aan wax
tababar ciidan ah soo qaadan wuxuuna sanadihii ugu danbeeyey
Agaasime u ahaa Hay’adda samafalka iyo horumarinta bulshada
ee Gaddafi oo la asaasay sanadkii 1998.
Galgalkiisa siyaasadeed.
Sayful Islam ina Qaddafi wuxuu ahaa nin mudooyinkii
u danbeeyey kaalin fir fircoon oo muuqata ka ciyaarayey
siyasada gudaha iyo tan dibada ee dalka Libya waxayna
taasi dhacaysey isaga oo aan haba yaraatee wax xil ah
oo rasmi ah ka haynin dowladii uu aabihiis hormuudka
u ahaa.
Wuxuu gacan ka geystey wada xaajooydo badan oo is afagarad
ku dhamaaday oo dowlada Libya ay la gashay dalal badan
oo khilaaf siyaasadeedi uu soo kala dhex galay waxaana
qadiyadihii uu wax ka galay kuna guuleystey ka mid ahaa.
Magdhowgii laga bixiyey qaraxii diyaaradeed ee Lockerbie
Scotland oo sirdoonka Libya lagu soo eedeeyey in ay
ka danbeeyeen 21/Dec/1988 arintaas oo horseeday in uu
dib usoo noolaado xiriirkii siyaasadeed ee ka dhexeeyey
Libya iyo Maraykanka oo xiligaas wixiii ka horeeyey
ahaa mid aan wanaagsaneyn, magdhowgii ay libya qoysaska
dadkii shilkaas ku geeriyoodey siisayna wuxuu ahaa 2.7
Bilyan oo Dollar.
Wuxuu kaalin muuqata ka qaatay tanaasulkii ay dowlada
Libya ka gaartay sanadkii 2004 samaysashada hubka Necluer-ka
ah waxayna talaabadaasi Libya u horseeday in laga hakiyo
cunaqabataymo lala damacsanaa lagana qaado kuwo kale
oo horay loogu soo rogey dalal badan oo horay arintaas
uga biya diidsanaaana ay Libya isu soo dhowaadaan.
Sayful Islam wuxuu sidoo kale dowr muuqda ku lahaa
sii deynta kaal kaalisooyin caafimaad oo u dhashay dalka
Bulgaria iyo dhakhtar Falastiini ah oo lagu xukumay
xabsi daa’im 7/2004 kadib markii lagu helay denbi ah
inay cudurka HIV Aids ku talaaleen in ka badan 400 oo
caruur Libyan ah Isbitaal ku yaal magaalada Bangazi.
Sidoo kale sanadkii 2000 wuxuu isaga oo ku howl gelaya
magaca Ururka samafalka ee Gaddafi gacan ka geystey
sii deynta la haystayaal Jarmal ah oo ay kooxda Abu
sayyaf ee dalka Filibiin ka jirtaa ay qabsadeen kadib
markii uu bixiyey lacag madax furasho ah oo gaareysa
25 Melyan oo Dollar.
Kacdoonkii 17-Feb
Waxaa ayaamihii ay dalka Libya ka bilowdeen kacdoonadii
siyaasadeed ee markii danbe isu bedeley dagaalada uu
dhiiga badani ku daatay meeshana lagaga saaray xukuumadii
uu hormuudka u ahaa Col-kii sida foosha xun loo diley
ee xukun jacaylku madax maray ee Qaddafi Sayful Islam
uu ahaa nin warbaahinta si kulul uga hadli jirey si
cadna u difaaca siyaasada maamulka aabihiis wuxuuna
ku tilmaami jirey kooxaha kacdoonka inay yihiin calooshood
u shaqeystayaal aan dalka wax dan ah usoo wadin.
Bartamihii bishii May/2011 ayaa dacwad oogaha guud
ee Maxkamada Caalamiga ah ee denbiyada dagaalku uu codsaday
in lasoo xiro sharcigana la hor keeno Qaddafi, wiilkiisa
Sayf, iyo Taliyaha ciidamada sirdoonka Libya Cabdallah
Assanusi haseyeeshee waxaa Waarankii sadexdaas qof lagu
xiri lahaa uu si rasmi ah usoo baxay 27/May/2011.
Gunaanad
Si kastaba ha ahaatee Sayful Islam oo dadka Siyaasada
ka faaloodaa ay ku tilmaami jireen in uu ahaa dhaxal
sugaha aabihiisii geeriyoodey ee Qaddafi, mararka qaarna
lagu naanaysi jirey Qaddafiga yar ee mustaqbalka ayaa
xiligan ku jira xabsi ku yaala magaala Zintan oo ay
kooxo badan oo hubeysani ku ilaalinayaan.
Waxaana la filayaa in lagu wareejiyo Maxkamada caalamiga
ah ee denbiyada dagaalka in kastoo ay jiraan warar hordhac
ah oo soo baxaya sheegayana in la wado qorshe Maxkamada
caalamiga ah looga dalbanayo in la meel mariyo qorshe
ku aadan sidii Sayful Islam gudaha dalka Libya loogu
maxkamadeyn lahaa.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download