Caalin
oo dhaqan Mooryaameeyna ka bilaabay Galmudug.
20 December 2011Waagacusub.com- Maleeshiyooyin beeleedyo
kala taabacsan Madaxweynahii hore ee Galmudug Mohamed
Ahmed Caalin iyo Madaxa burcad badeeda gobolka Hobyo
Ahmed Osman Kahiye (Fatxi) ayaa xoog kula wareegay xarunta
golaha baarlamaanka Galmudug oo lagu waday inuu ka dhaco
kala fadhi xilka looga qaadayay Caalin.
Xildhibaanadda Baarlamaanka Galmudug
oo ka biyo diiday inay ku lug yeeshaan isku dhacyo hubeeysan
ayaa kulan ku yeeshay Hotelka Abdullahi Jiis kadibna
waxay halkaas uga dhawaaqeen inay si sharciya xilka
uga qaadeen Mohamed Ahmed Caalin.
Saxaafadda madaxabanaan ee lagu casuumay kala fadhiga
xilka looga qaaday Caalin ayaa 17-ka Xildhibaan ee madasha
fadhisay dhamaantood ka duubay iyagoo ku dhawaaqaa inay
u codeeyeen eryida Caalin hasse yeeshee Maleeshiyo uu
wato nin lagu magacaabo Mustafe Caweeye oo taliyaha
ilaalada Caalin ayaa Wariyeyaashii soo duubay mooshinka
jidka u galay oo qafaashay.
Mustaf Caweeye oo Wariyeyaasha geeyay guriga Caalin
ayaa kaamirayaashii ay wateen kala baxay dhamaan Cajaladihii
ku jiray.
Buuq iyo qeylo fara badan kadib ayuu Mustaf Caweeye
Wariyeyaashii siiyay lacag dhan 800$
isagoo ku amray inay baahiyaan Video ay ka duubeen Caalin
oo markii xilka laga qaaday kadib ku hadaaqayay inuu
kala diray baarlamaankii Galmudug.
Wariyeyaasha ka hoowlgala Koofurta Galkacyo qaarkood
ayaa iska diiday laaluushka halka kuwii la bidayay inay
yihiin xirfadlayaal dhoowrsoon qaateen sandareero.
Inkastoo Caalin xukun jaceeylka uu la galay inuu ku
raadsho hab Mooryaameeyna hadana Gudoomiyaha Maxkamadda
sare ee Galmudug Sheekh Ilka Dahab oo Waagacusub kula
hadlay telefoonka ayaa xaqiijiyay in Caalin si sharciya
looga qaaday xilka Madaxweynenimada taas oo Maxkamada
sare si deg dega ugu dhawaaqi doonto.
Xeeldheerayaasha amaanka iyo siyaasadda waxay rafashada
Caalin ku timaameen “ CADYAHOOW KU CUN AMA KU
CIIDEEY” taas oo loola jeeda inuu ku dhaartay
burburinta Galmudug hadii xilka qaadis lagu sameeyo.
Si kastaba ha ahaatee, Caalin wuxuu la soo baxay wejigii
lagu yaqiin keligii taliyeyaasha Afrika ,wuxuuna ku
qanci la yahay inay xilkii ka xayuubiyeen kuwii shalay
u doortay si dimoqoraadiya.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download