Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Madaxweyne Garguurte oo beelweynta Hawiye ka aqbalay talooyin muhiima.

21 May 2013 Waagacusub.com-Hogaamiyeyaal dhaqameedyo,siyaasiyiin,aqoonyahano iyo culumaa'udiin u dhashay beelweynta Hawiye ayaa Madaxweyne Hassan Mohamud Ulusow ku qasbay inuu ka laabto heshiiskii uu Magaalada ANKARA kula saxiixday Maamulka Somaliland.


Madaxweyne Hassan ayaa maalmo badan ka caga jiidayay inuu aqbalo Cadaadiska Qeybaha bulshada Hawiye ku saarayeen inuu xiriirka Somaliland uga dambeeyo dhaqanka Hawiye ,si meesha looga saaro tabashooyinka beelaha darafyada Somaliland tirsanayaan.

Madaxweyne Hassan Garguurte waxay Waxgalka beeshiisa Hawiye ku yiraahdeen "KURSIGA WAXAAD KU FADHISAA SAAMI HAWIYE SIDAAS DARTEED LAMA AQBALI KARO INAAD BEELO SOOMAALIYEED KU DHIBAATEEYSID,SIYAASIYIINTA BEESHA ISAAQ EE MAAMULKA SOMALILAND MUCAARAD IYO MUXAAFID WAXAY CAAYNAYAAN REER KOOFUR,ANAGA SI GAARA AYEY MAALIN WALBA NOO CAAYAAN,SIDAAS DARTEED ODAYAASHA DHAQANKA UGA DAMBEE QADIYADAAS,HADAAD NAGA DIIDANA DAMU JADIID KU TASHO,HAWIYE HAKU TASHAN"
Madaxweyne Hassan wuxuu weydiiyay waxgalka Hawiye sideed wax u rabtaan ? waxayna ugu jawaabeen " Beesha Isaaq waxaan leenahay wixii aad ku dagaalanteen ka daaya beelaha idinla degan ,hana ku qasbina rabitaankiina,maxaa yeelay tan Maamulka Siilaanyo kula kacayaan Dhulbahante,Gadabuursi,Ciise,Warsengeli,Faqashini ,Madhibaan iyo beelaha la dega ,waa tan uu Ahmed Madoobe ku xaqirayo Hawiyaha uga tirada badan Jubooyinka,anaguna maanta nagama ahan suurtagal inaan Cadaalad daro taageerno"
Dood dheer ayaa dhexmartay Waxgalka Hawiye iyo Madaxweyne Garguurte waxayna ku dhamaatay inaan afkiisa laga maqli karin Somaliland iyo wada hadal u gaara.
Madaxweyne Hassan wuxuu tira ka sedex jeer ku dooday qadiyad Irirnimo laakiin taasi waxaa looga jawaabay "Gadabuursi iyo Faqashini ayey ka muuqan laheed Irirnimada"
Faqashiniga dega Somaliland gaar ahaan Sool iyo Togdheer tan iyo markii la dhisay Somaliland hal Wasiir lama siin,waana qabiil dhan oo Hawiye u dhashay,kana sii ah Habargidir - Ceyr.
Hassan Garguurte wuxuu dooda ku deray in Khaatuma Kabiirkeedu yahay Cali Khaliif Galeydh isaguna la safan yahay Faroole iyo Ahmed Madoobe.
Waxgalka Hawiye waxay ku qanciyeen in qaladka iyo qabyaalada Xildhibaan Galeydh loo dhibaateeyn karin beelaha Waqooyi gaar ahaan Dhulbahante.
"Galeydh isagaa gudcur guraya,isageeyna ku ceeb tahay inuu Faroole ku daba feeylay" ayaa kiiskiisa lagu xiray.
Waxgalka Hawiye iyo Madaxweyne Hassan waxay istuseen in Isaaq markii uu danleeyahay ku awr kacsado qadiyada irir laakiin xilliyada ay dantooda gaaraan beelweynta HAWIYE ugu yeeraan Wanlaweyn.
Waxgalka Hawiye waxay sidoo kale Madaxweynaha ku wargeliyeen inay beel ahaan Gaashaanbuur la sameeysanayaan Mareexaan maadama Ogaadeen jibiyay heshiiskii dheeraa ee kala dhaxeyay Hawiye.
Waxgalka Hawiye waxay kulankooda ku go-aamiyeen in la iska dhiciyo Madaxweynaha Puntland iyo inaan duulaan lagu qaadin dhulka beesha Ogaadeen.ama la duudsiin xaqooda.
Gudoomiyaha Golaha guurtida Hawiye oo kulanka xiray wuxuu yiri "Anaga iyo Habarjeclo waligeen xiriir nama dhexmarin,reerkaan isnaqaanay ee Garxajis maalinteey talada qabtaan ayaan iska wareeysan doonaa ,wixii ka horeeyana waan u joognaa hadii ay noo baahdaan laakiin hadalkii Faysal Cali Waraabe war weyn baa nooga baxay ,mar haduu yiri Hawiye weligiiba ma talin,intaas baa nagu filan"

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3