Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews :-Gudoomiyahii Ururkii Gurmad ee Somaliland oo Safiir laga dhigay Nur Cadde oo la eryay iyo Safiiro cusub.

21 June 2013 Waagacusub.com-Guddoomiyihii urur-siyaasadeedkii GURMAD ee ka mid ahaa ururradii isu-diiwaangeliyey inay ka qayb-qaataan doorashadii Goleyaasha Deegaanka Somaliland, balse ku hadhay qiimayntii Guddida Diiwaangelinta Mr Nuur Faarax Xirsi, ayaa dawladda Soomaaliya u magacowday xil Safiirnimo.


Reysal-Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Shirdoon oo Golaha Baarlamanka horgeeyey xubno ka mida Wasiirradii uu magacaabay si loo ansixiyo, ayaa golaha hortiisa kaga dhawaaqay Shan Safiir oo Cusub oo dalkaasi Soomaaliya u fadhiisan doona Waddamada Itoobiya, Talyaaniga, Belgium, Midowga Yurub, Malaysia iyo Tanzania.

Nuur Faarax Xirsi oo markii ururkiisu ku hadhay Qiimayntii Guddida Diiwaangelinta ururrada Siyaasadda socdaal dudmo ah ku tagay Muqdisho, ayaa loo magacaabay inuu noqdo Danjiraha Soomaaliya ee Waddanka Malaysia.
Danjirayaasha la ansixiyay ayaa waxay kala yihiin Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga, Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, Cali Siciid Faqi oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Belgium iyo Midowga Yurub, Nuur Farah Xirsi oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Malaysia iyo Siciid Nuur Yuusuf oo horay u ahaa Safiirkii Soomaaliya ee Itoobiya oo loo wareejiyay dalka Tansaaniya.
Guddoomiyihii urur-siyaasadeedkii Gurmad Nuur Faarax Xirsi, ayaa noqonaya shakhsigii labaad ee isla markii urur-siyaasadeedyadoodu ku hadheen qiimaynta guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyaga oo caddaalad-darro tirsanaya mansab u doontay dawladda Soomaaliya, waxaana ka horeeyey guddoomiyihii urur siyaasadeedkii NDP Fowsiya Yuusuf X. Aadan oo dhammaadkii Bishii October ee sannadkii 2012kii ka degtay magaalada Muqdisho, wakhtigaas oo dalka Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Cusub, iyada oo haatan ku magacaaban Reysal-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Debedda ee dalka Soomaaliya.
Bishii December ee sannadkii 2011 oo ku beegnayd wakhtiyadii ay samaysmeen urur-siyaasadeedyadii isu-diiwangelinayay ka qayb-qaadashada doorashadii deegaanka, ayaa magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay Ururka Gurmad, waxaana guddoomiye loogu doortay Nuur Faarax Xirsi.
Mudadii lagu gudo jiro ololaha iyo Taageero-raadinta ururrada, hawl-gallada ururka Gurmad, ayaa ku koobnaa ama ku badnaa gobollada Bari ee dalka, Gaar ahaan magaalada Burco oo uu taageerayaal badan ku haystay, haseyeeshee waxa ka xoog-roonaaday siyaasiyiin ruug-caddaa oo ay isku beel ka soo jeedaan, kuwaas oo kala hoggaaminayey Ururradii Waddani iyo Umadda, taas oo u saamixi weyday in Ururkiisu ka soo gudbo Qiimeyntii Kala reebista ururrada Siyaasadda.

Warbaahinta Waagacusub waxay Hambalyo u direeysaa Safiirada la magacaabay guud ahaan gaar ahaan,Safiirka Midowga Yurub,Talyaniga,Maleysia iyo Ethiopia.

Ahmed Abdisalan iyo Ali Saciid Faqi waa hoowlkar,lagu xasuusto halgan Somalinimo.

Xigasho Hadhwanaagnews

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3