Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Wararka Wargeyska Yool"Dhaarta Ceerigaabo maxaa dhinac yaal"

21 November 2011 Waagacusub.com-Wargeyska afka dheer ee YOOL oo ka soo baxa Magaaladda Hargeysa ayaa maanta warar xiiso badan ka qoray Caalamka.halkaan hoose ka akhri dhamaantood


Xisbiga Talada haya oo Xaruntiisa Berbera ka Waayey Makarafoono uu Codkiisa Dadka ku Gaadhsiiyo

Berbera(Yool)-Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wedigii uu hoggaaaminayey, ayaa shalay gelinkii hore gaadhay Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxiil, halkaasoo dadweyne aan sidaas u badnayni ku soo dhoweeyeen iyo gebi ahaan-ba masuuliyiinta sare ee Maamulka Gobolka Saaxiil.

Wediga Guddoomiyaha oo ay xubno ka yihiin masuuliyiin kooban oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ayaa markii ay gaadheen Magaalada Berbera waxa ay dadweynaha khudbad uga jeediyeen Xafiiska Gobolka ee Xisbiga KULMIYE, halkaasoo ay isgu yimaadeen dadweyne u badan dumar iyo Caruur, kuwaasoo qaarkood Madax ku duubteen Calanka Xisbiga, halka qaar kalena ay lulayeen calanka Xisbiga.

Geesta kale wararka naga soo gaadhaya Gobolka Saaxil, ayaa sheegay in masuuliyiinta Gobolka iyo madaxda Xisbiga KULMIYE ay ku fashilmeen inay Guddoomiyaha ka hagaajiyaan Migirifoonada uu dadka kula hadlayo muadadii uu ku sugnaa Xafiiska Xisbiga, halkaasoo uu kala kulmay mingirifoon la¡¯aan.

Guddoomiyaha iyo weftigiisu intii aanay gaadhin Magaalada Berbera, waxa duleedka Magaalada kaga horyimi masuulliyiin ka tirsan xisbigaas, hadda se xilal kala duwan ka haya Gobolka Saaxil, kuwaasoo ay ka mid yihiin Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera, Maareeyaha Haamaha oo hore u ahaa Guddoomiyihii KULMIYE ee Saaxil, Xoghayaha Dawladda Hoose, Badhasaab ku-xigeenka Gobolka, boqollaal ka mid ah dadweynaha reer Berbera iyo gaadiid tiro badan oo taxnaa kadinka laga soo Berbera illaa laga gaadhayo gudaha Magaalada.

Weftiga KULMIYE iyo boqollaal gaadiid ah oo ay ka babanayaan calanka KULMIYE waxay dhexmareen qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Berbera dhexmara, waxaannu Guddoomiyaha KUMIYE war kooban oo uu Saxaafadda siiyay ku sheegay in safarkoodu salka ku hayo mid ay ugu diyaargaroobayaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee la filayo inay horaanka sanadka 2012 ka dhacaan dalka iyo dib u habayn ay ku sammayn doonaan xafiisyada xisga iyo hawlwadeennadiisa Gobollada,

aga hadlay ujeedada socdaalkiisa, waxaannu yidhi, ¡°..Waxaann ka mahadcelinayaa sida wacan ee Gobolka Saaxil noo soo dhaweeyeen, laga soo bilaabo xadka Saaxil illaa intaanu Berbera ka soo gaadhaynay, habeen danbe waxaynu ka wada hadli doonaa fagaaraha Khayriyadda. Si kooban haddaan uga hadlo safarkayagu wuxuu yahay kormeer aanu gobollada ku marayno iyo isu diyaarin doorashada soo socota iyo inaanu is xogwaraysano...¡± Ayuu si kooban u yidhi Guddoomiye Muuse oo farxad kala kulmay soo dhawayntii ugu ballaadhnayd ee uu Saaxil kala kulmay.

Sidoo kale, ka hor intii Guddoomiyaha iyo wefdigiisu aanay gaadhin Magaalada Berbera, waxa ay ku sii hakadeen dhawr Magaalo oo ay ka mid yihiin Dacar-budhuq, Mandheera iyo meelo kale oo badan, iyadoo intii ay Magaalloyinkan joogeen dadweynaha ku dhaqan deegaankaa kala hadleen goobo kala duwan, halka qaar kalena ay ka urteen Xafiisyo cusub.

Guddoomiyaha KULMIYE oo la hadlayay dadweynaha reer Dacarbudhucq, ayaa uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa, ¡°Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga KUMIYE oo ay igu weheliyaan hoggaankii xisbiga ee Guddiga fulinta, mudanayaasha baarlammaanka xisbiga, garabka haweenka iyo masuulliyiin kale, waxaan aad iyi aad idiinka mahadnaqayaa niyad-samida iyo shucuurta aad nagu soo dhawayseen.¡±

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu hoosta ka xaqriiqay muhiimmada Degmada Laasgeel u leedahay Somaliland, waxaannu yidhi, ¡°Degmada Laasgeel muhiimad u gaara bay ka leedahay gobollada Somaliland oo dhan, waa meesha qudha ee adduunka oo dhami ka yaqaano ee soo eegayo aataarta aab qiimaha innoogu fadhiyin ee Laasgeel.¡±

Ugu danbaytiina waxa Guddoomiye Muuse waxa uu intaa raaciyay, ¡°..Waxa kale oo gaar ahaan aan doonayaa inaan anigu halkan uga duceeyo maanta haday nooshahayna aan uga mahad naqi lahaa Sahra Cali Gaydh oo maqaaxi dergad ah oo ku taalay laamiga hareertiisa ku haysatay Ilaahay naxariistii janno ka ha waraabiyee, gabadhaasi waayaha qaarkood way noogu suntanayd Dacarbudhuq, saacad kasta oo aanu nimaadno Sahra waxay na siin jirtay Caano, laxoox amma neef adhiyay noo qali jirtay, adduun namay weydiin jirin, waanay nagu leedahay xaqeedii. Dacarbudhuq hablaheedaa taariikdaa leh, odayaasheedana maxaad u malaysay?...¡±

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka jawaabay cabasho oday dhaqammeedku kaga cawdeen wershadaha hoodhinta hargaha oo ay sheegeen inay dhibaatooyin caafimaad daro ka dhaxleen, waxa uu yidhi. ¡°Arrinta wershashada ee cabashada laga muujiyay horta waxa ku shaqo leh waraadaha caafimaadka, deegaanka iyo qorshaynta, arrintani maah cabasho, laakiin waa mid halis ah, mar haday caafimaadkii samamysayna waannu ka hawlgelaynaa ku bushaaraysta.

Dhaarta Ceerigaabo Maxaa Dhinac Yaal..!

Ceerigaabo(Yool)-Munmaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Fagaaraha Santarka Oktoobbar ee Magaalada Ceerigaabo ayaa ahayd mid lagu soo afjaray wejigii kowaad ee nabadaynta beelaha shaqaaqadu dhowaan ku dhexmartay Magaalada Ceerigaabo taasoo in muddo ahba ay halkaas ka wadeen wefti heer-qaran uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Somasliland Maxamed Nuur Carraale (Duur). Waxana munaasibaddan oo nabadda loo dhaariyey 100 oday oo kasoo kala jeeda beelaha badhtamaha iyo koonfurta Sanaag ee shaqaaqadu dhexmartay goob joog ka ahaa Madaxda maammulka heer gobol iyo degmoba ee Ceerigaabo Wefti golaha guurtida kasocda oo iyaguna maalmahanba Ceerigaabo kusugnaa Madax-dhaqameedyo iyo guurti wehelisa oo iyaguna nabadaynta beelaha Ceerigaabo ugasoo kicitimay gobollada Togdheer iyo Sool Ururrada bulshada rayadka ah Madaxda ciidammada kala duwan ee qaranka Madax-dhaqameedyada iyo guurtida beelaha arrintan dhexdhexaadka ka ah ee reer sanaag iyo dadweyne tiro badan oo isugu jira qaybaha bulshadu ka kooban tahay iyo weliba labada beelood ee shaqaaqadu dhexmartay oo fagaarahan si weyn usoo buuxiyey ayana ka muuqato sida ay ugu soo diyaar garoobeen ku-dhaarashada nabadda iyo inay wada hadal walaaltinnimo oggolyihiin una gole joogaan.

Waxana ugu horrayn fagaarahaa hadallo kooban oo hoga-tusaalayn iyo waano iyo taloba isugu jira ka jeediyey Maayorkadegmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre kuwaas oo labadan beelood ee shaqaaqadu dexmartay ku boorriyey in nabadgelyada laga midaysnaado laysuna tanaasulo wixii kalena wada hadal iyo degganaan iyo isu tanaasul lagu dhammeeyo.

Waxa iyaguna munaasibaddan ka hadlay Boqor-Maxamed Boqor-Axmed Cali (Beesha badhtamaha Sanaag) iyo Garaad-C/laahi Maxamed Guuleed (Beesha koonfurta Sanaag kuwaas oo mid kastaaba dhiniciisa isagoo beeshiisa wakiil ka ah sheegay in beeshiisu qaadatay nabadgelyo buuxda oo aan shuruud ku xidhnayn diyaarna u yihiin wixii tabasho labada beelood ah in wada hadal lagu dhammeeyo una qoor-keeneen oo fagaarahan u yimaaddeen nabadda inay ku dhaartaan.

Waxana halkaas ka bilawday dhaarinta 100 oday oo labadan beelood kasoo kala jeeda kuwaas oo kitaabka qur¡¯aanka kariimka ah gacanta ku saaray inay nabadgelyada daacad ka yihiin naftooda iyo ehelkoodana ku dhaqi doonaan wada-hadalna diyaar u yihiin.

Waxa dhaartaas kaddib iyaguna fagaarahan ka hadlay xubno kasoo jeeda beelaha arrintan dhexdhexaadka ka ah ee reer-Sanaaag Chief-caaqil-Maxamed Cawed Faarax (Beesha galbeedka Sanaag) Siciid Maxamud Ismaaciil (Beesha bariga Sanaag) iyo Chief-Caaqil-Cali Xaaji Nuux (Beesha Gahayle) kuwaas oo labadan beelood ee walaalahood ah ku hanbalyeeyey nabadda ay ku dhaarteen iyaguna dhinacooda sheegay maaddaama ay yihiin beelaha dhexdhexaadka ah inay kula shaqayn doonaan. Sidoo kalena weftiga xukuumadda ayay ku ammaaneen sida ilaa waqtigan hawsha nabadaynta Ceerigaabo ay u wadaan kana codsadeen weftiga wasiirka daakhiligu in aanay qabyo kaga tegin hawshani Ilaa intay kasoo af-jarmayso.

Sidoo kalena wufuudda ka kala socda golaha guurtida Somaliland iyo bulshooyinka ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Sool ee halkaas ku sugnaa ayay uga mahadceliyeen sida xilkasnimada leh ee ay ugasoo qayb galeen soo afjaridda shaqaaqadan nabadgelyo xumada abuurtay ee dhexmartay beelahan Ceerigaabo.

Ugu danbayn xubno weftiga heer-qaran oo uu kamid yahay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Alhaan Maxamed Jaamac Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi (Xaabsade) oo hadallo kooban fagaarahan ka jeediyey waxa Wasiirka Arrimaha udaha Maxamed Nuur Carraale hadal kooban oo munaasibaddan uu kusoo gebagebeeyey ka mid ahaa

¡°Waxan fogaynayaa inaynu afar beelood ama ka badan ama beelo kala fog nahay waxanna u qabaa in Ceerigaabo hal beel aad tihiin¡±. ¡°Waxan u mahadnaqayaa intii usoo gurmatey nabadda iyo intii garwaaqsatay ee wanaagga nabadda keentay¡±. ¡°Waxan u arkaa inta Ifka la joogo guuldarro nabadgelyo xumo ka weyn garan mayo Aakhirona guuldarro cadaab ka weyn garan maayo idinkuna wacdiyi maayoo maanta nabad baa la gdoonsadey oo golahan lagu qaatay oo weliba dhaar iyo ballan lagu adkeeyey markaa nabad baynoo guddoon ah waana guul gobolka taalla oo dadka dhex taallee taasuun aynu adkaysanno¡±. ¡°Annaga waxad naga codsateen in aannaan tegin ilaa hawshu dhammaanayso waannuna idinka aqbalnee ogaada intaannu joogno idinkaa na hayn doonee¡±.

Sikastaba ha ahaatee marxaladdan maanta ay marayso hawsha nabadaynta beelaha Ceerigaabo ayaa u muuqata mid loo gudbey wejigii labaad ee dhexdhexaadinta iyo wada hadalka beelahan oo loo saari doono guddi dhexe oo lagu wada kalsoon yahay islamarkaasna beelahan walaalaha ah ayaa dhinacyadooda laga filayaa wax badan inay isu tanaasuli doonaanuna wada hadli doonaan si hufan iyadoo xukuumadduna dhinaceeda dusha kala socon doonta ilaa inta hawlahani kasoo afjarmayaan oo heshiis dhammaystiran laga gaadhayo khilaafkan beelaha soo kala dhex galay.

Ku-simaha Madaxwaynaha oo Madaxtooyadda ku Qaabilay Qaybsanaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Bani-aadaminimo

Hargeysa(Yool)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxwaynaha Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wefti uu hogaaminayey u qaybsanayaha qaramada midoobay ee arimaha bani-aadamino Mr Mark Bowden.

Weftigan uu hogaaminayey u qaybsanaha qaramada midoobay ee arimaha bani-aadamino Mark Bowden ayaa oo maanta socdaal hal maalin ah ku yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa ay ka wada hadleen arimo la xidhiidha sidii qaramada midoobay Somaliland uga taageeri lahayd dhinaca hawlaha bani-aadamino, madaama oo Somaliland ay ka mid tahay dalalka ay saamaysay abaartii ka dhacday gobolada fog-fog ee dalka Soomaliya.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu weftiga u soo bandhigay sida Somaliland diyaarka ugu tahay inay soo dhawayso taageerada bani-aadamino ee qaramada midoobay ugu tallo-gashay umadda reer Somaliland.

Mr Mark Bowden, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay sida loogu soo dhaweeyay Magaaladda Hargeysa, waxaanu balan-qaaday in qaramada midoobay diyaar u tahay sidii ay Somaliland uga taageeri lahayd arimaha bani-aadamino ee ka jira dalka.

U qaybsanaha qaramada midoobay ee arimaha bani-aadaminimo Mr Mark Bowden iyo weftigiisa ayaa isla maanta dib uga duulay dalka.

Safiirkii ugu Cuslaa Somaliland oo Nayroobi ku Geeriyooday iyo Tacsiyaha Madaxda Qaranka

Hargeysa(Yool)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiramaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro) isla marknaan ah Gudoomiyaha Urur siyaasaeedka WADANI ayaa waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Alle ha u naxariistee Sariirkii Somaliland ee wadanka Kiiniya Amapasator Maxmed Ahmed Nuur (Idho-buur) ayaa maanta ku geeriyooday Magaalda Niarobi.

Md. Ciro ayaa dhamaan Umada reer Somaliland iyo eheladii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Amapasator Maxmed Ahmed Nuur (Idho-buur), ugu tacsiyadaynayaa Geeridaasi naxdinta lahayd, waxay ILAHAY marxuunka ugu baryanaan inoo Naxriistii jano ka waraabiyo.

Geesta kale, Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic) waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somalilandba isaga oo ka tacsiyadaynaayo Geerida naxdinta leh ee ku timid Safiirkii Somaliland u fadhiyey Wadanka Kiiniya MARXUUM MAXAMED NUUR AXMED INDHO-BUUR oo maanta ku geeriyooday Nairobi Kiiniya.

Madaxwayne ku xigeenku waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacabka reer Somaliland-na ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Dadka Cadaanka ah ee Wadanka Brasilia oo Markii ugu Horaysay Taariikhda Hoos u Dhacday

Rio de janeiro(Yool/Wakaaladaha)-Daraasad laga soo saaray dalka Brazil ayaa muujisay in markii ugu horeysay uu hoos u dhacay kororka dadka cadaanka ah ee ugu badan dalkaasi, iyadoo dadka jinsiga isku dhafka ah uu batay.

Warbixin uu 10-kii sanaba mar laga soo saaro Machadka Juqraafiga iyo Tirakoobka Brazil ee 'Brazilian Institute of Geography and Statistics' (IBGE) ayaa lagu sheegay in tirakoobkii laga sameeyey sanadki 2010 aysan wax horumar ah ka sameyn dadka cadaanka ahi

Dadka Brazil oo tiradoodu lagu sheego 191 milyan oo ruux ayaa waxa ugu badan cadaanka oo ah 9, waxaana ku xiga dadka jinsigoodu isku qasanyahay ee cadaanka iyo madowga iska dhaleen oo gaadhaya 82 milyan, waxana ugu yar madowga oo ah 15m.

Warbixinti sanadki 2000 lagu faah faahiyey tirakoobka dadka Brazil ayaa muujisay in cadaanka uu markaasi ahaa 53.7%, laakiin sanadkii hore waxa ay noqdeen 47.7%.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay korodhay wax soo saarka iyo dhaqaalaha dalka, hase yeeshee wali ay aad dalka ugu jirto dhibaatada xaga faqriga ah.

Waa marki ugu horeysay oo dadka cadaanka Brazil ay hoos uga dhacaan 50%, halka dadka madowga ah ayaa kor uga sii kacayaan 6.2% to 7.6%, sidoo kale dadka midabkoodu isugu jiro cadaanka iyo madoowga ay kordheen oo ay haatan gaadhayaan 43.1%.

Dadka ugu yar Brazil ee loo yaqaano dadka laga tirada badan yahy 'minority' ayaa ah dadka wadanka iska leh ee asalka ah waxaana tiradooda lagu sheegaa 817,000, waxana ka badan dadka kasoo jeedo Qaarada Asia oo ah 2 milyan oo ruux.

Brazil ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka kala isirka duwan, sidaasi oo ay tahay waxaa lagu tirayaa dalka ay aadka ugu yar yihiin takoorka xaga jinsiga iyo midabka ee caalamka.

waxa la sheegaa in dadka Africanka ah ee wadankaasi loo geeyey adoonsiga qarnigii 15-aad kuwaas oo Boqrtuqiisku u qaaday wadankaas in ay ahaayeen kuwa ugu faqrisan bulshada waxana ay taasi ilaa maanta ku leedahay saamayn wayn iyada oo ka xanibtay in ay ka muuqdaan meelaha ugu sareeya ee siyaasada iyo ilaha dhaqaalaha ee dalkaasi.

Al-shabaab oo Dhoolatus Janjabaad ah u Muujiyey Ciidamada Ethiopia ee soo Galay Soomaaliya

Muqdisho(Yool/Wakaaladaha)-Kooxda xagjirka ah ee hubeysan ee ka dagaalanta koonfurta dalka Soomaaliya ee Al-shabaab ayaa digniin culus u jeedisey dalka Ethiopia oo ay boqolaal ciidamadiisa ahi shalay kasoo gudbeen xuduudka ay Soomaaliya iyo Ethiopia wadaagaan.

Sheekh Yuusuf Cali Ugaas oo ah Sarkaalka ugu sareeyo maamulka xarakada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan oo la hadlayey mid kamid ah warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in ciidamada Ethiopianka ah ee Soomaaliya gudaha usoo galay ay jab xoogan la kulmi doonaan wuxuuna isaga oo arintaas ka hadlay yiri.

¡°.. Ciidamda cadowga gumeysataha ah ee madow ee Ethiopia waxay gudaha usoo galeen dalkeena haseyeeshee taasi ma ahan mid na cabsi gelin doonta..¡±

Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata raaciyey ¡± Waanu jabin doonaa codwoga, ciidamadeenuna waxay diyaar u yihiin in ay sameeyaan wax walba hadii kuwa Ethiopia ay isku dayaan in ay weerar kusoo qaadaan¡±

Hanjabaada Al-shabaab ayaa timid kadib markii ciidamo badan oo Ethiopian ahi ay dalka Soomaaliya gudaha u soo galee waxaan deegaanada lagu arkay kamid ah Beergadiid iyo Diracle oo u dhexeeya deegaanka Kalabeyr iyo degmada Matabaan.

Wararka dadka deegaanka laga helayaana waxay sheegayaan in ay arkeen tiradii ugu badnayd oo ciidmao Ethiopian ah ee abid dalka Soomaaliya soo gala kuwaas oo watey baabuur kolonya ah oo isugu jira kuwa ciidamada qaada, kuwa gaashaan iyo dabaabadaha cul culus ee ay gaadiidku jiidaan.

Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee xiliganna waxaa la rumeysan yahay in ay qayb ka tahay is afgarad ay dalalka Soomaaliya deriska la ahi ku gaareen in layska kaashado meelna looga soo wada jeesto sidii loo wiiqi lahaa awooda kooxda Al-shabaab oo dalalka gobolku ay u arkaan mid ammaankooda khatar ku ah.

Al Shabab oo Doonyo Dheereeya ku Weeraray Maraakiib Dagaal oo Laga Leeyahay Kiiniya

Nayroobi(Yool/Wakaaladaha)-Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabab ayaa sheegtay in ay doonyaha dheereeya ku weerareen laba markab dagaal oo ay leedahay dowlada Kenya kuwaasi oo ku sugnaa xeebta deegaanka Kudhaa.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay halka lagu magacaabo Madhawa oo ka tirsan Kudhaa gobolka Jubada Hoose, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasho codka Al Shabab.

Doonyaha ay wateen Shabaabka ayaa waxa saarnaa dagaalyahano ku hubeesnaa garneelada garbaha laga tuuro iyo hubka lidka diyaaradaha, waxaana sida wararku sheegayaan ay weerareen laba markab oo ah kuwa dagaalka.

Shabaabku waxay sheegteen in uu dhexmaray dagaalyahanada Al Shabab iyo maraakiibta dagaalka Kenya dagaal socday daqiiqado kadibna ay dib uga soo laabteen halki ay ka baxeen oo aysan shaacin. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada bada dalka Kenya oo ku saabsan weerarka ay Shabaabku sheegteen oo dhacay xalay fiidkii.

Al Shabab ayaa bishi hore kusoo bandhigay xeebta magaalada Marka doonyo dheereeya oo ay ku sheegeen in ay ugu tala galeen weerarada dhinaca bada. Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in qaar ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ay ku suganyihiin xeebaha gobolka Jubada Hoose.

Israa¡¯iil oo Dagaalka Somaliya Ku Meteshay Midka Gaza ee u Dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Yahuudda

Kenya(Yool/Wakaaladaha)-Masuul sare oo u hadlay Israaiil ayaa shaaca ka qaaday kuna tilmamay dagaalada ka socda Somaliya ee u dhaxeeya Xarakada Al-Shabaab iyo Xoogagga Isbahaysiga inuu la mid yahay midka ka socda Jiidda Qaza ee u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Yahuudda.

Masuulkan oo magaciisa la yidha Gil Haskel ahna safiirka Israaiil u fadhiya Kenya ayaa arrintan daboolka ka qaaday, waxaanu intaasi raaciyey in dagaalkani uu la mid yahay, dagaaladii ay Yahuuddu 1967-kii ku qabsadeen dhulalkii Falastiin iyo Labnan.

Safiirkani waxa uu hadlkiisan ku daray oo uu xaqiijiyey in dawladda Israaiil ay hadda diyaar u tahay sidii ay Hiil iyo Hooba u siin lahyd dawladda Kenya oo dhawaan gashay dagaalna ka wada gudaha Somaliya, halkaasi oo ay sheegtay inay kula dagaalamayso Xarakada Al-Shabaab.

Hadalkan ka soo yeedhay Safiirka Yahuudda ayaa iftiiminaya waxyabo badan oo salka ku haya xaqiiqda dagaalada ka socda Somaliya. Waxaanu dhawaqani yimi dhawr casho ka dib markii Afhayeenka Xarkada Al-Shabaab Sheekh Cali-dheere uu ka digay duullaanka lagu hayo Somaliya, isagoo sheegaya danaha laga leeyahayna uu yidhi “ Sida Yahuuddu Falastiiniyiinta u guumaysato ayaa la rabaa inay noo gumaystaan Kenya.


Daawo Video Dagaalka Muqdisho= Meydadka Al-Shabaab iyo Amisom



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Online inta akhrisanee

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasow@mareeg.com
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

Halkaan ka dhageyso barnaamij xiiso badan 1995

Khudbad uu Jeneral Caydiid jeediyay markii Cunaqabateynta laga qaaday

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo Dhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynaya dhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badan halkaan ka dhageyso

Iloobi Meeyno taariikhda,Iloobi meeyso taariikhdu

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3