Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews Akhristoow ha dheyelsan:-Gumaad ka dhacay Muqdisho+Warbixin Yusuf Garaad

22 March 2013 Waagacusub.com-Ciidamadda Nabadsugida Dowladda Federalka ayaa Xabsiga kala baxay Sagaal ka tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab kadibna inteey dileen ayey meeydkooda ku tuureen degaanka Gubta iyagoo isku xir xiran .
Sagaalka nin ee Al-Shabaabka ayaa qaarkood hoowlgalo lagu soo qabtay halka kuwa kalena Dowladda isu dhiibeen.


Dhalinyarada la gumaaday sedex waxay u dhasheen qabiilka Abgaal,laba waxay u dhasheen Ceyr Habargidir,hal wuxuu u dhashay Saleebaan Habargidir,mid kalena waa reer Xamar,labada kalena waa Murudade.

Falkaan foosha xun wuxuu meel uga dhacay xaquuqda Aadanaha iyo Hanaanka Dowladnimadu maxaa yeelay waxay ahayd in dimbiilayaashaas Maxkamad la horgeeyo oo kadibna la xukumo si loo toogto laakiin waa arrin aan la dhayalsan karin in habeen madoow lagala baxo Xabsiyada kadibna inta la isku xiro la xasuuqo iyadoo aysan jirin Maxkamad dil ku xukuntay.
Falka dhacay wuxuu sawir ka bixinayaa Sida Madaxda Dowladda Federalka ugu xadgudbeen Cadaaladda iyo sharciga ku qoran Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Somalia.
Waa arrin lagu farxo in dhamaan toogasho lagu wada xakumo argagixisada laakiin maaha arrin la qaadan karo in Maxaabiista la gumaado si naxariis daran.
Wariyaha u xuubsiibtay Siyaasiga ee weyn Yusuf Garaad Cumar ayaa Bogiisa Facebook wuxuu ku qoray qorma uu ugu magacdaray AKHRISTOOW HA DHEYELSAN :-
AKHRISTOW HA DHEYELSAN!
Waxaa i soo gaaraya tafaasiisha warar laga arga-gaxo oo ku saabsan dhallinyaro Xabsiga Muqdisho ku xirnaa oo meydkooda laga helay xaafado Muqdisho ku yaalla. Dhallinyaradaas waxaa looga shakiyay ayaa la leeyahay in ay al Shabaab ka tirsanaayeen. Laakiin laguma caddeyn mana jirto Maxkamad xukuntay, dagaalna kuma dhiman oo Gacanta dowladda ayay ku jireen. Inkasta oo qaraxyo iyo dil ay socdaan haddana dowladdu kuma dayan karto dadka falalkaas sameynaya. Arrinku sidaa ma u dhacday? Dhab ma tahay dhallinyaro ay dowladdu soo xirtay in meydkooda dariiqa laga helay? Ma ahan wax laga aammusi karo! Dowladdu waa in ay caddeysaa sida arrintaasi ku dhacday. Waana in aan lala daahin in run lagu qanci karo bannaanka la soo dhigaa. Haddii saraakiisha ama sarkaal dowladda ahi uu lug ku yeeshana waa in sharciga la mariyaa. Qoysaskii dhallinyarada laga laayayna waa in ay helaan magdhow iyo weliba raalli gelin ay Madaxda dowladda ugu darreysaa ay bixiso. Waa iga talo inta ay goori goor tahay!

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3