Topnews:-
Xawaaladaha Somalida ee Europe
oo halis ku jira iyo Dukumiinti sira.
22 December 2011Waagacusub.com- Ila wareedyo muhiima
ayaa xaqiijiyay in Dowladaha Midowga Yurub bankiyadda
ka hoowlgala dalalkooda cadaadis ku saarayaan inay xiraan
Accounts –yada uga furan sedex ka mida Xawaaladaha Somalida
oo lagu helay raad raac la xiriira inay lacago sharci
daraa u xawileen shaqsiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Sedexda Xawaaladood ee la sheegay inuu yahay bartilmaameedka
Midowga Europe waxay ka mid yihiin Xawaalado lacago
sharci daraa ka xawilay dalka Mareykanka kuwaas oo FBI-da
soo bandhigtay dukumiinti cadeeynaya inay qaab qarsoodiya
lacago ugu xawileen labo haween Somalia oo ka tirsan
Al-Shabaab.
Ila wareedyada u dhuun duleelo arrimahaan waxay tibaaxeen
in Wardoonka Dowladaha reer Yurub dabagal dheer ku sameeynayeen
Xawaaladaha mudo ka badan halsano taas oo lagu helay
cadeeymo halis gelin karo sedex Xawaaladood.
Xawaaladaha laga yaabo in wejiga hore laga jaro Accounts-ka
bangiyada Yurub ku leeyihiin oo aan ka gaabsanay inaan
xusno magacyadooda waxay qaarkood ku eedeeysan yihiin
inay ku lug leeyihiin hoowlo ka baxsan ganacsigooda
sida inay maalgelin siiyaan maamulo iyo shaqsiyadeed
ku kacay falal ka baxsan xaquuqul insaanka, inay gudaha
Somalia ku leeyihiin xarumo lagu dhaqo lacagaha madoow
ee Dollarka iyo Euro iyo inay ku dhiiradeen tilaabooyin
lagu caburiyay Madaxbanaanida Saxaafadda iyo xoriyatul
qoowlka.
Warbixinta lagu heysto sedexda Xawaaladood oo laga yaabo
inay soo baxda biloowga sanadka cusub waxaa ku jira
Wareeysiyo lala yeeshay qaar ka mida hoowlwadeenada
Xawaaladaha oo qaarkood la shaqeeya hada iyo kuwa shaqada
uga tegay muran ka dhashay ku milankooda siyaasada iyo
ku lug lahaanshahooda diris lacago suuq madoow ah.
Inkastoo Somalida rumeeysan tahay inay Lacago suuq madoow
ah diri karaan hadana Wardoonka reer Galbeedka waxay
awood u leeyihiin inay la socdaan had iyo jeer waxyaabaha
dhexmara Internetka sida Database accountiga Xawaaladaha
leeyihiin.
Sirdoonka Mareykanka Dukumiinti laga helay ayaa muujinaya
in mudo dheer la daba joogay laba haweena oo si sharci
daraa lacago ugu dirsan jiray Xawaaladaha Somalida.
Labada Haweenka oo lagu kala magacaabo Amina Farah Ali
iyo Hawo Mohamed Hassan waxaa Warbixinta dabagalkooda
lagu soo bandhigay telefoonadii ay ku hadleen,magacyadda
dadkii ay lacagaha u xawileen,taariikhihii ay xawileen
iyo Shirkadahii ay ka xawileen,iyadoo waliba lagu lifaaqay
database codes-kii lacag dirista.
Si aad u rumeeysato sababaha Bangiyada Mareykanka u
xirayaan Accounts-ka Xawaaladaha Somalida waxaad akhrisaa
11-ka bog ee Warbixinta FBI-da Mareykanka ,tan oo ka
mida Dukumiintiyo Warbaahinta Waagacusub heshay.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download