Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:Liiska Wasiiro seefta xilka qaadista dulsaaran tahay iyo Khilaafkii madaxda ?

23 Febraury 2013 Waagacusub.com- Ra'isulwasaraha Xukumadda Federalka Abdi Farah Shirdoon ayaa la xaqiijiyay inuu damacsan yahay xilka qaadis uu ku sameeyo Wasiiro ka tirsan Xulufadda Dam Jadiid kuwaas oo la saftay Madaxweyne Hassan Garguurte .


Wasiirada diiday amarka Ra''isulwasaraha oo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ugu weyn yahay waxay kala yihiin:-

1- Wasiirka Arrimaha gudaha & Amniga Qaranka Abdi Kariim Hussien Guled = Dam Jadiid
2- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Farah Abdulkadir = Dam Jadiid
3-Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Abdullahi Ebyan Nuur = Dam Jadiid
4-Wasiir ku xigeenka hoowlaha guud Mohamud Macalim Yahye = Dam Jadiid
5- Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda Mohamed Nuur Gacal =Dam Jadiid
6-Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Jamaal Ahmed Barrow = Dam Jadiid
7-Wasiir ku xigeenka Cadaalada iyo Garsoorka Hassan Mohamed Jimcale = Dam Jadiid
8-Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Abdirahman Kulmiye Hersi= Dam Jadiid

Inkastoo aan la ogeyn goorta xil ka qaadis lagu sameeyn doono hadana shalay {22 Febraury 2013} ayuu si rasmiya u soo shaac baxay khilaafka Madaxweyne Hassan iyo Ra''isulwasare Saacid kadib markii ay si kala gooniya u qaabileen Wafdigii uu horkacayay madaxa Hay'ada USAID Dr. Rajiv Shah ee Muqdisho tegay.
Madaxweyne Hassan Garguurte iyo Madaxa USAID Dr. Rajiv Shah ayaa ku kulmay Villa Somalia laakiin Ra''isulwasare Saacid ayaa shir doceed gooniya Dr. Rajiv Shah kula yeeshay Xarunta Xalane ee Taliska Amisom.
Labada Masuul ayaa shir Jaraa''idyo kala duwan qabtay halkii Dowladnimadu ahayd inuu qof kaliya u hadlo.
Sheekada tilmaamida mudan waxay tahay in In Kulankii Hassan Mohamud Alasow iyo Dr. Rajiv Shah uu wehliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Farah Topaz .
Ra'isulwasare Saacid ayey la yaab ku noqotay kadib markii uu telefoon kula hadlay Wasiirkiisa Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka kaas oo ku yiri " Ra''isulwasare waxaan ka qeybgalayaa Aaskii Sheekh Cabdulqadir Gacameey waxaana joogaa Garowe oo Madaxweynaha ayaa igu dhahay tag"
Abdi Farah Shirdoon wuxuu xaqiiqsaday in Wasiirka Arrimaha gudaha ku shaqeeyo amarka Madaxweyne Hassan ,iyadoo la yaab ku noqotay in Wasiirkiisa amniga ku wargelin safarkiisa Garowe xitaa iska daa inuu la tashi kala sameeyo.
Xulufadda Dam Jadiid ee Xisbiga Madaxweynaha waxay xusul duub ugu jiraan inay xilka qaadis deg dega ku sameeyaan Ra''isulwasare Saacid halka uu isagana go-aansaday inuu ka taqaluso Wasiirada la saftay Madaxweynaha ee Dam Jadiid.
Khilaafka dibada u soo baxay ee Madaxweynaha iyo Ra''isulwasaraha wuxuu niyad jibin karaa beesha Caalamka oo Somalia la garab taagan hiil iyo hoo si dalka dib loogu dhiso,loona yagleelo Dowlad dhaxalgala.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3