Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Top:-Safiiradda uu Madaxweyne Garguurte ka gudoomay aqoonsiga waa xage Fadhigooda?

23 April 2013 Waagacusub.com-Dawladda Soomaaliya ee Fadhigeedu yahay Caasimada Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay waxay waraaqo ka gudoomeysay Safiiro ka socda Caalamka, Safiirada warqada laga gudoomayo ayaa subaxnimada hore maalinta ay warqada u dhiibayaan Madaxweynaha ka yimaada Magaalada Nairobi, Halka marka Madaxweynuhu ka gudoomo waraaqda aqbalaada ay isla maalintaa Galabtii ay dib ugu laabtaan Nairobi.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqday mid uun ku faraxsan in wadamada Caalamku usoo magacaabaan safiiro Dalka Soomaaliya Safiiradaas oo aan inta badan joogin Magaalada Muqdisho, degena Magaalada Nairobi.
Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay Caalamka ee safiiro loo soo magacaawdo, safiiradaas oo aan joogin dalka loo magacaabayo.
Dawladda Soomaaliya ayaan weydiinin safiirada ay warqada ka gudoomayso inay noqdaan safiiro jooga caasimada Dalka, ee aysan noqonin safiiro magac u yaal ah.

Safaaradaha kaliya ee ilaa hadda sida saxda ah uga furan gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ka mid Yihiin Dalalka Turkiga, Jabuuti, Itoobiya, Yemen, Suudaan iyo Liibiya iyadoo la sheegayo Safiirada uu Madaxweynaha Soomaaliya ka gudoomey waraaqaha aqoonsiga ay kor u dhaafayaan ilaa 20 dawladood.
Dawlada Soomaaliya oo aad moodo inay sii qab dhacayso ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu arkayey iyadoo ugu imaanaysa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Saraakiil ka socota Hay’ado Caalami ah.
Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen soo dhoweyn Balaaran, iyaga oo lagu tuhmayey inay xooga ka daacadsan yihiin madaxdii dawladii KMG ahayd ee ka horeysay, balse qab yarida, Gacan ku heyn la’aanta Gobolada la xoreeyey sida Jubooyinka, kusoo koobida Maamulka dalka kooxo yar sida DAMU JADIID, Wax ka qabasho la’aanta amniga Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku xeeran, Magacaabdia xilalka muhiimka ah ee dalka oo ku socota nin jecleysi, qabiil iyo garoon kuqaabilida saraakiil ka socota hayado caalami ah ama wadamo ay ugu imaanayaan garoonka madaxda dalka iyo aqoonsi ka qabashada safiiro Garoonka diyaarada Muqdisho ay utaalo Diyaarad ayaa muujinaysa inay madaxda Soomaalidu hoos uga sii sibxanayaan halkii laga filayey.
Inkastoo Madaxda Soomaalida ee haatan joogta ay yihiin madaxdii ugu wanaagsanayd ee soo Marta Dalka Soomaaliya ayna tahay in shacabka Soomaaliyeed uu garab istaago haddana ceebta ay leeyihiin ayaa ah iyaga oo garguuranaya, hawshii laga rabay inay bil ku qabtaana ay ku qaadanayso sanado iyo Gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya Sida Jubadda Hoose ee laga xoreeyay Shabaab ayna gacanta ku hayaan AMISOM inay kasii baxayso gacanta Dawladda Soomaaliya, iyada oo looga amar qaadanayo wadan ciidankiisu ku joogo Soomaaliya magaca AMISOM.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3