Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:- Prof Galeydh oo cadaawad u dhiteeyay Shacabka Khaatuma -Xog muhiima sababta?

23 May 2013 Waagacusub.com-Prof Galeydh wuxuu ka mid ahaa raggii u ololeeyn jiray Hassan Garguurte xilligii doorashada .
Beesha Dhulbahante waxaa doorashada uga qeybgalay Hal Musharax kaas oo ah wiil uu dhalay Mohamed Abdi Hashi,lana dhaho Dr Abdirahman Mohamed Abdi Hashi.


Dr Abdirahman Mohamed Hashi hal cod kama helin doorashadii dhacday.
8 Xildhibaan ee beesha Dhulbahante waxaa badankood xuurto siyaasadeed ku afduubtay Xildhibaan Galeydh,waana u diiday inay Abdirahman Mohamed Hashi siiyaan cod.
Xildhibaanadii Dhulbahante oo dhami waxay cod siiyeen Hassan Garguurte.

Falka Prof Galeydh wuxuu qalbi xumaan ku beeray beesha Qayaad ee Dr Abdirahman ka dhashay hasse yeeshee waa la aamuseen.
Hassan Mohamud Ulusow markii uu guuleeystay kadib wuxuu liifada u gaabiyay Prof Galeydh,wuxuuna Kanada uga yeeray Amb Ahmed Abdi Hasharo oo u dhashay Dhulbahante lagana dhigay La taliyaha Arrimaha dibadda ee Madaxweyne Hassan.
Prof Galeydh markii Hasharo la fariisiyay Villa Somalia ayuu bilaabay colaada Hassan Garguurte.

Hada,Qeybaha bulshada beelaha Hawiye iyo Mareexaan ayaa sida fiinta uga qeyliyay qadiyad Xildhibaan Cali Khaliif ku taageeray hogaamiye diimeedka Ahmed Madoobe oo shalay ahaa Al-Shabaab ku shaqeeya maskax Alqaeda maantana ka dhigan madiidin ku mashquulsan fulinta danta Kenya.
Guuxa ugu badan Muqdisho ilaa Caabudwaaq wuxuu yahay waxa isku siyaasad ka dhigay Galeydh iyo Faroole?
Jawaabta ugu fudud ee qof walba ku tiraabaya waxay tahay inay ka aheyn Kablalaxnimo balse ay ka tahay inuu taageero wado kasta oo lagu fashilin kara Dowladda Federalka Somalia. laakiin waxay beesha Caabudwaaq la tahay inay bulshada Khaatuma iyo Cali Khaliif ku abaal dhacayaan hiilkii beesha Mareexaan siisay xilligii dagaaladii Kalshaale iyo Maygaagle.
Xilligii Shacabka Khaatuma dagaalka qaraar kula jireen Maamulka Siilaanyo ilaa maanta waxaa Masuuliyiinta iyo shacabka beesha Dhulbahante u furnaa albaabada Garoonka Caabudwaaq laakiin halkii ay abaalkaas gudi lahaayeen,waxay maanta u muuqataa inay si aan ka fiirsi laheyn godob uga gelayaan Mareexaan iyo beelaha Soomaaliyeed ee sidooda kale uga dhiidhiyay dulmiga Jubaland.
Hadii Prof Galeydh la tahay in Kablalax jecel dhulbahante jiro maxay maalin qura uga hadli waayeen hooyooyinka iyo dhalaanka uu Maamulka Siilaanyo taangiyada ku xasuuqay ,walina uu xooga ku dul degan yahay.
Madaxweyne Hassan Garguurte markii uu la fariistay siyaasiyiintii Somaliland metelayay ee Dhulbahantaha ku jireen waxaa ka dhiidhiyay Somaliweyn gaar ahaan beelweynta Hawiye ,waxayna ku qasbeen inuu ka laabto heshiiskii ANKARA sidaas darteed siyaasada indhaha la'' ee Prof Galeydh ku taageeray Ahmed Madoobe iyo Ogaadeenka la safan waxaa hubaala inuu waxba ugu kordhin karin laakiin wuxuu naceeyb u dhiteeynayaa beesha Dhulbahante kuwooda wanaagsan ee Khaatumeeysan.
Dadka Khaatuma waxay u dagaalamayaan xoriyad,waxay ka dagaalamayaan Cadaalad daro,waxaana la mida kuwa Jubooyinka ee la rabo in xoog lagu hogaamiyo.
Wiilka ku dhashay Kismayo iyo kan Jilib ku nool miyaa laga xukumi karaa Bu''aale ? mase hogaamin karaa ninkii shalay ku dilay shaar diimeed.
Ahmed Madoobe miyaanu aheyn Al-Shabaab shaarka bedeshay?
Hawiyaha,Garaha,Dirta,Mareexaanka,Raxanweynta degan Jubooyinka iyo Gedo ma waxaa lagu qasbi karaa in Bu''aale laga xukumo,hadiise uu sidaas ogol yahay Prof Galeydh muxuu ku diidayaa in Laascaano laga xukumo Hargeysa?
Anigoo ka mida shaqsiyaadka muda dheer u sacbinayay Prof Galeydh ,waxaan nafteeyda weydiinayaa MIYUU GABOOBAY OO SIYAASADII AYAA KA WALAQANTAY? MA HEER KULKA QABYAALADA AYAA KU QASABTAY INUU FAROOLE KU DABA FEEYLO AMA RABITAANKAAS FULIYO MISE WUXUU DOONAYAA INUU BURBURIYO MAAMULKII UU DHISAY EE KHAATUMA? Mise waxaa runa inuu yahay DANEEYSTE danta guud ka jecel dantiisa shaqsi?.
Jawaabta ma heli karo laakiin waxay taladu tahay inuu Prof Galeydh isbaraxo oo magaca Khaatuma wasaqeeyn.
Hadii uu doonayo inuu shaati Kablalax qaato waa inuu ku hadlin magaca bulshada Khaatuma laakiin hadii uu doonayo inuu dadkiisa waxtara,waa inuu xooga saaro sidii Khaatuma State loo jirsiin lahaa.
Tan waxaan kala jeedaa,Jiho dagaal ayaa ku furan Khaatuma State,waana aqoondaro in jiho kale looga furo bulshada taageersan ee jadbeeysan sida aniga.
Prof Galeydh taariikhdiisa kuma qorna inuu yahay tacbane shisheeye,inuu gumeeysi kalkaal yahay,wuxuuna ahaa ninkii qadiyada fog ka istaagay gumeeystaha Ethiopia?halka beesha uu ka dhashay ee Dhulbahante aysan waligood gumeeyste taageerin balse taariikhda loogu qoray inay yihiin beesha kaliya ee Gumeystahii Ingiriiska la dagaashay,laguna garaacay diyaarado.
Si kasyaba ha ahaatee,Akhristayaasha waxaan weydiinayaa Su-aal?
waxaan Telefishin ka daawaday Madaxweynaha Kililka shanaad oo leh ,Jubooyinka waxaan u hureeynaa nafteena ,waana lama taabtaan maamulka loo dhisay,waxaa ii yimid rag ka mida Jabhada ONLF oo taabacsan Ahmed Madoobe,waxaan isweydiiyay ONLF iyo Dabaqoodhi Ileey goormee isku qadiyad noqdeen? maxaa qasbay inay Ahmed Madoobe taageeraan?
Waxaan arkay Faroole iyo Galeydh oo si isku mida u taageeraya Ahmed Madoobe,waxaan isweydiiyay maxaa isu geeyay ,isku qadiyad ka dhigay labadaan nin?
Akhristoow bal isweydii adiga ,iskuna ay inaad iga siiso Jawaab?
Hadii aan intaas ku soo kooba qormada,waxaan ku lifaaqayaa kaliya in Prof Galeydh madaxiisa Saado Ali Warsame iyo Xaglatoosiye uga tageen Khaatuma ,anigana aan Saaxiibadeey kula dooday in la kala saaro Shacabka Khaatuma iyo shaqsiyada Galeydh.
Waxaan xasuustaa In Suleymaan Xaglatoosiye telefoon igula soo hadlay tira ka lix jeer intii uu Siilaanyo u gelin,wuxuuna mar walba igu lahaa “Garaad Jamac la hadal oo Cali Khaliif ha iga qabto”?
Maanta oo Shacabkii Khaatuma israaceen dal iyo dibad,maanta oo Somaliweyn u sacab tuntay,in halgankii naf iyo maal lagu waayay laga dhigo tacab khasaaray lagama yeeli karo Prof Galeydh waana inuu bulshadaas magacooda iyo Maamulkooda ilaaliyo,uuna ka fogaado wixii cadaawad u dhiteeyn kara.
Bulshada Dhuloosna waxaan kula dardaarmi lahaa qabyaalad iyo Cadaalad daro waa taad ka dagaalanteen ee waligiin ha noqona DULMI DIIDE ,DULMI DOONE.
GUUL IYO GOBANIMO.
By Dahir Alasow
dahiralasow@yahoo.com

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3