Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:- Cabdirisaq Xaaji Xuseen oo yiri"Hawiye waxay laayeen -boobeen Daarood sidaas darteed Muqdisho Caasimad ma noqon karto"

23 June 2013 Waagacusub.com-Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen oo Somalia ka soo noqday Ra''isulwasare ayaa markii ugu horeeysay ku biiray dagaal oogayaasha beesha Majeerteen ee gulufka uga jiro dhul boobka iyo xukun maroorsiga.

Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen wuxuu xasuuqa iyo boobkii Somalia ka soo qaaday 1991 laakiin marnaba sooma hadal qaadin xasuuqyadii ka horeeyay ee lagu dilay Jeneral Gabeyre,lagu duqeeyay Hargeysa 1988.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu aamusnaan dheer kadib hadaaqay erayo qabyaalad iyo eex ka buuxdo maxaa yeelay marnaba sheekadiisa kuma derin xasuuqii ka dhacay Raage Ceele,Biyo Cadde,Ceelbaraf,Gumareey 1989-kii.

Sanadka aan xusay ee 23 May 1989 waxaan noqday wiilka kaliya ee ka badbaaday 28 qof oo Culumo iyo Caruur iskugu jira,laguna dilay meel qura duleedka Raage Ceele,kadib markii tuulada oo dhan ay deb qabadsiiyeen Ciidamo beeleedkii uu Jeneral Morgan watay ee shaarka dowladnimo xirnaa,kana soo duulay Xerada Qoroloow.

Dadka la dilay waxaa ugu caansanaa Sheekh Xaamud oo u dhashay beesha Waceeysle,Hawiye ,walina Caruurtiisa ay ku nool yihiin Raage Ceele.

Anagoo ka cararnay tuulada oo Morgan soo weeraray ayey Ciidankiisa noogu yimaadeen keeymaha ,kadibna dhamaanteen ayey iskeen dul tubeen ,oo rasaas nagu fureen,waxaana saacad kadib madaxa kor u soo qaaday anigoo nool iyo 27 ila joogay oo meeyda,sheekh Xaamud oo Kitaabkii uu akhrisanayay beerka u saaran yahay lana dilay,Caruurtii iyo Ciroolahii oo isdul tuban,ma jiray xasuuq kaas ka xun oo laga sheekeeyo.

Sedex maalin kadib markii aan Raage Ceele ku laabtayna ,walaahi inaan lagu arag xitaa hal guri,waxay tuuladu aheyd Uuro iyo dambas,maxaa yeelay waxay qabadsiiyeen deb iyada dhan.

Tuulooyinkii aan tagnay ee Biyo Cadde ilaa Ceelbaraf iyagana sidaas ayaa loo gubay .

Xasuuqaas foosha xuna wuxuu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday beelweynta Hawiye ,Ragga sidaasi falayana waxaa horkacayay Ibrahim Juruxoow oo hada ku nool Garowe,ahna Gaalgalo xilligaas gashanaa shaar Majeerteen.

Qisadaan inkastoo Boqolaal kun ogtahay hadana weligeey kama hadal ,waxaanse maanta u soo qaatay ,in Somali isdishay laakiin qabiil gaara la dilin,waana tan uu Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi yiri " Tan iyo markii aan wax gartay waa leeys dilaayay,waana la qaxaayay ee qolaba maalinbeey qaxday"

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Wuxuu falkii lagu riday Kacaankii Mohamed Siyaad Barre iyo dilalkii dhacay 1991 dusha ka saaray Hawiye laakiin marnaba xisaabta kuma darsan in Jabhadii SSDF ee Majeerteen ahaayeen kuwa laayay Mareexaan ee jidka 15 May ilaa Garoonka Muqdisho dadka qaxaya ku xasuuqay,iyadoo dhafoor qiiqdu qof walba laheyd YAA TAHAY.hadii qaarkiin sheekadaan moodayaan been waxaan dhawaan faafin doonaa xasuuqaas dhacay iyo muuqaalo laga duubay.

Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen wuxuu iska indha tiray in ninkii amarada xasuuqa bixinayay inuu ahaa Mohamed Abshir Haabaan,sidoo kale marna isma weydiin kumuu ahaa Korneyl Ahmed Omar Jees.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Dhiiga Hawiye iyo Kan Isaaq raqiis la yahay waxaa mudan in la weydiiyo MA WAXAA JIRA XASUUQ KA DARAN KII CABDULLAHI YUSUF MUQDISHO KA GEYSTAY 2007-2009.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa muhiima in la weydiiyo dadka Majeerteen looga dilay Muqdisho ama hantida looga boobay maadama la ogyahay inay safka hore uga jireen Mucaaradka,xoolana Xamar u ool.

Inkastoo Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen title-kiisu yahay JUST AN OTHER MAJEERTEEN OLD WARLORD .

Wareysi uu siiyey xarunta Taxliiliinta Siyaasadda iyo Cilmi Baarista ee CfPAR (Center for Policy Analysis and Research, oo ah hay'ad Somali-American waxaa soo turjumay Tifaftiraha Caasimada.com Ahmed Ali Sheekh,waxayna u dhaceeysaa sidaan:-

Ra'iisul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Rizaaq Xaaji Xuseen, ayaa sheegay in Somalia aysan u baahneyn, islamarkaana aanu xal u ahayn nidaamka federaalka ee iminka ay qaadatay.

Wareysi uu siiyey xarunta Taxliiliinta Siyaasadda iyo Cilmi Baarista ee CfPAR (Center for Policy Analysis and Research, oo ah hay'ad Somali-American ah, ayuu Cabdirizaaq ku sheegay in horey uu u sheegay, islamarkaana uu ku celinayo in Federaal aanu ku habooneyn Somalia.

"Hab maamulka ku habboon Somalia waa kan France iyo Italy oo kale. Waxaa jira dowlad dhexe, balse gobolladu waxa ay lee yihiin maamul goboleedyo u gaar ah, guddoomiyayaasha gobolladana waa la magacaabaa. Dhinaca kalena, Mareykanka waxaa jira hab federaal ah, dadka madaxda ka ah maamul goboleedyadana ma ahan madaxweynayaal ee waa guddoomiyeyaal gobol" ayuu yiri Ra'iisul wasaariii hore ee Somalia.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, ayaa sheegay in sababta iminka loo raadinayo federaal ay tahay laba arrin dartood.

"Tan koowaad, Dad wata dano qabiil oo doonaya inay hir geliyaan. Waxa doonayaan inay dhisaan maamul u gaar ah oo qabiilkooda un ku xiran, tan labaadna waxa ay tahay qaar ka mid ah dadka doonaya federaalka, waa kuwo maskaxda ay ugu jirto inay yihiin dhibaneyaal, gaar ahaan waxa ay tani ka imaneysaa beelaha Daarood" ayuu yiri.

cabdirisaaqWaa uu sii watay hadalkiisa waxaana uu intaas ku daray "Tani waxa ay ku laabaneysaa calool xumada wixii Muqdisho ka dhacay 1991-kii. Waxa ay ahayd musiibo weyn oo aysan weligod hilmaami doonin Daarood. Daarood waxaa laga soo ceyriyey magaaladii ay maal gashteen, hantidoodii waa la bililiqeystay, naf badan ayaana luntay, natiijadii tani ka dhalatay waxa ay noqotay in Muqdisho isku rogtay magaalo u gaar ah hal beel, waana taas sababta aynu iminka u maqleyno erayo ay ka mid yihiin Jubbaland iyo Puntland".

Ra'iisul wasaarihii hore ee Somalia, ayaa dhinaca kalena hadallo eedeyn iyo canaan u eg u diray dadka ku abtirsada beesha Hawiye.

Waxa uu yiri "Dinaca kale, walaalaheyga reer Muqdisho, ma garwaaqsana qaladaadkii dhacay...illaa maanta aan kula hadlayana ma maqal weli qof ayaga ka mid ah oo raali gelin buuxda ka bixinaya wixii dhacay 1991-kii. Haddii aynu u baahanahy inaynu Soomaali dib isugu keenno waa in arrintan aynu ahmiyad siinnaa".

Cabdi Rizaaq Xaaji, ayaa sidoo kale ka hadlay caasimad ahaanshaha Muqdisho, oo uu ka dhiibtay fikir la mid ah kan ay qabaan dadka dhammaan sidiisa oo kale kasoo jeeda Puntland iyo beelaha Daarood.

Waxaa Ra'iisul wasaare Cabdirizaaq uu yiri "Haddii la doonaya in Muqdisho caasimad ay sii ahaato waa in dastuurka uu caddeeyaa inay tahay sida Washington DC oo kale; magaalo federaal ah oo xuduudaheedu ay cad yihiin; magaalo federaal ah oo leh amni fedraal; iyo tan ugu muhiimsan magaalo federaal ah oo qof kasta oo Soomaali ah uu wax ka lee yahay. Taasi waa habka kaliya ee Muqdisho ay kusii ahaan karto caasimada Somalia, waa inaynu runta isku sheegnaa haddii aynu dooneyno inaynu xal dhab ah gaarno".

Isaga oo dib ugu soo noqday arrimaha federaalka ayuu sheegay in dhammaan maamul goboleedyada ay yeeshaan guddoomiye gobol, oo aanay madaxdooda la wada bixin madaxweynayaal.

"Dalka waa inuu lee yahay hal madaxweyne, madaxweynayaal badan oo hal wada dal ah waa fowdo" ayuu yiri.

Wareysii Cadbirsaaq Xaaji Xuseen ee CfPAR, oo dheeraa waxaan idin kaga soo qaadnay qeybtaas muhimka, haddii aynu nahay Caasimada Online. Waxaynu isku dayeynaa inaynu dib ugu noqonno oo qoraalo kale aan kasoo qorno insha allah, haddii aynu u aragno inay muhim yihiin.

Wareysigan waxaa soo koobay Axmed Cali Sheikh, Tifaftiraha Caasimada

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3