Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Top:-Heshiiskii Ankara oo baarlamanka ruxay -Xildhibaanadii DIR oo ka booday-Daarood oo hanjabay +Hawiye

24 April 2013 Waagacusub.com-Xildhibaanada beesha Isaaq ee ku jira baarlamaanka Federalka Somalia ayaa ka biyo diiday mooshin ka dhana heshiiskii Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federalka Somalia ku dhexmaray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga 13 April 2013 ...


Xildhibaanada Isaaq ayaa ku guuleeystay inay kasbadaan Xildhibaanada beesha DIR oo dhan kadibna waxay Gudoomiyaha Baarlamaamka Mr Jawaari weydiisteen inuu baajiyo mooshinka looga sooo horjeeday heshiiskii Ankara.
Xildhibaano u dhashay Beelaha Daarood,Hawiye,Raxanweyn iyo beesha Shanaad ayaa ku hanjabay in Gudoomiye Jawaari xilkiisa waayi doono hadii uu maanta aqbalin in mooshinka qabsoomo.

Gudoomiye Jawaari oo xaqiiqsaday inay dhab noqon karta hanjabaada Xildhibaanada tirada badan ayaa maanta furay Kulanka Baarlamaanka lamana oga waxa ka soo bixi doona.
Xildhibaanada saxiixay Mooshinka looga soo horjeedo heshiiskii Ankara waxay dhan yihiin 32 Mudane hasse yeeshee kuwa taageersan waxay tiradoodu gaareeysaa 212 Xildhibaan.
Golaha Baarlamaanka Somalia ayaa maanta laga dareemayaa xiisad ka duwan sidii hore waxaana dhici karta in gacanta la isla galo.
Xildhibaanada Beelweynta Daarood waxay u muuqdaan inaysan u kala harin taageerida Mooshinka laakiin kuwa Hawiye waa ku kala qeybsan yihiin sida Digil iyo Mirifle u kala qeybsan yihiin.
Xildhibaanada beesha DIR waxay ka boodeen Mooshinka ,waxayna ka dhex arkaan Siyaasiyiin u dhashay beesha Daarood oo Prof Galeydh ka mid yahay.
Prof Galeydh maaha nin dhib yar oo la yareeysan karo,wuxuuna wax walba u maray wado sharciya,iyadoo taasi uu madax xanuun ka qaaday Gudoomiye Jawaari oo labadiisa ku xigeen ay taageersan yihiin in codka diidmada lagu fashiliyo heshiiskii ANKARA.
Xildhibaanada uu Prof Galeydh hor boodayo hadii ay ku guuleeystaan in heshiiskii ANKARA loogu codeeyo inuu yahay qiyaamo QARAN waxay si sahlan u dalban karaan mooshin xilka qaadis qiyaamo Qaran loogu magac daro kaas oo Madaxweyne Hassan Garguurte looga xayuubin karo xilka Madaxtooyadda.
Qodobka sharciyan looga guuleeysan karo xulufada Madaxweyne Garguurte wuxuu yahay heshiiska oo lagu qeexay inuu yahay mid dhexmaray laba DOWLADOOD.
Xildhibaanada Careeysan waxay qiyaano QARAN u arkaan in maqaam Dowladeed heshiis lagula saxiixdo Somaliland.
Wafdiga Somaliland waxay wateen sharciyaqaano Caalamiya halka Wafdiga Dowladda ahaayeen kuwa iska socday ,waana sababta wax walba looga saxiixay.
Si kastaba ha ahaatee, Go-aanka ugu dambeeya waxaa iska leh golaha Baarlamaanka Somalia ,waana arrin qasaba in cod loo qaado heshiiska.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3