Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Gabay ku socda Xersi Toorilaha Madaxtooyada Somaliland ee Gabay dheega tiriyay

24 April 2013 Waagacusub.com-Xersi Xaaji Cali oo ku magacaaban Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ayaa xaflad ka dhacday London ka tiriyay Gabay dheeg uu nin u dhashay beesha Habaryoonis u qoray,hadaba Jawaabta Gabaygaas waa tan ee akhris wanaagsan.


Gabay Xersiyoow
---------------------
Xersiyoow dabuubtaada Gabay
Deexsigiyo Faanka
Deelqaafka Caaydaad duntiyo
Dacar hingoodkaada
Deeleeyda Gabay dheega iyo
Dixin dixoodkaada,

Dacdaad qooshtay iyo
Soo dalmarintaada
Umad derajo kaa badan
Xersoow Caay ku daban deebka
Dabcigiina weeyaan
Waxaad diri laheeydeene
Dun xumaanta aad leedihiin
Dihashadii hooyo iyo Durida kiinaa
Hadaad dhab u dareemeeysoo
Weligaaba duul kale
Afxumo kulama diideene
Dibna been ku weeynaaday baan
Run u dalaabeeyne,
Haku dubato,
adaa soo dalboo
Soo durbaan tumaye.
Arabkaad u digatee,ku tiri weeydin dilayaana
Dagaalyahana weeyaan ,dadnimo loogu doowgalaye,
Dullanyahoow,Dalaalyahoow
Waxyahoow boqolka diimood leh.
Duray yahoow,duqaan yahoow la mida
Duuma Cudurkeeda,

Daba keenka waa lagu yaqaan
Dumar hajuumkaase.

Dowladnimada intaad heeysay ee
Dararta nuugeeysay
Dambarkeeda kaligaa
Markaad daratay weelkaada
Dalamsigaagii la yaab
Damac xumaantaaye.
Dudun dheer hadaad fuusha oo
Duubab soo xirato.
Ama aad daruuraha tagtiyo
Dayaxa guudkiisa,
Ama aad is kala daadisood
Derin is laablaabto
Dib inaad u aragtaan
Ha sugin,
Dalawa naaskeede
Dub Islaam inaadan laheyn
Diina ku adeegan,
Oo dufasha Eeygiyo
Sidii haraga doofarka,
Eeydaan u daahirin
Walee Dirir kastoo hooro.
Daba joognimada Odayga iyo
Dirin la jiifkaaga,
Yaa u noqon daliil muuqda oo
Loox ku daabacane,
Duqana adigoow lahaa diifta uu qaba e,
Sharaftiisi adigaa dunshoo dhigay daleeshaase,
Afartaa dubihi aan la dhacay
Daama yicisleey dheh,
Dabakeenki soo faantamee,
Caaydi daban deebay
Ma dul dhigay
Gantaal duuban iyo danab hilaacaaya.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3