Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews :-Marwada Qadaafi ka geeriyootay oo sirtiisii shaacisay "Wuxuu taageeri jiray Al-Shabaab"

24 June 2013 Waagacusub.com-Xaaskii uu ka geeriyooday Hogaamiyihii Dalka Liibiya Moamar Qadaafi, Safiya Farkaashi oo Warbaahinta Dalka Urdun sii say Wareysi, ayaa waxa ay Fashishay dhammaan Sirtii u qarsaneyd Marxuum Moamar Al-qadaafi.


Safiya Farkaashi, waxa ay sheegtay in Dowladda Maraykanka ay Xilligaasi ka dalbatay in Magaallada Triopli laga furo 5-Shan saldhig oo ay Dowladda Marakanka ku dooneysay inay ka xakunto Dowladaha dariska la’ah Libya iyo dhaqdhaqaaqyada Siyaasiyiinta Dalka Libya.

Safiya Farkaashi, waxa ay sheegtay in Moamar Al-qadaafi uu ka biya diiday in Saldhigyo Maraykan ah laga furo Magaallada Tripoli, waxa ayna sheegtay in Isfahan waagaasi uu ahaa halka uu ka soo bilowday Khilaafka u dhexeeyay Dowladda Maraykanka iyo Libya, iyadoona Tilmaantay in Dowladda Maraykanka dhaqaale iyo Siyaasadba ku bixiso Mucaaradka, Asal ahaan kasoo jeeda Libya kana soo daad gureysay Caalamka kuna kicisay Dowladda Moamar Al-qadaafi.

Safiya Farkaashi, waxa ay sidoo kale sheegtay in Moamar Al-qadafi lagu helay Kiisas la xiriiray fangareynta ama dhaqaale siinta Kooxaha Mucaaradka ee Dowladaha Africa gaar ahaan Kooxda Alshabaab iyo Boka Haram ee ka dagaalama dalka Nageria, taasoo ay ku sheegtay inuu ahaa mid sahlay in Caalamka laga xir-xiro Dowladda Qadaafi iyo Siyaasiintaba.

Sidoo kale, Waxa ay Tilmaantay in Dowladda Maraykanka ay Moamar Al-qadaafi ku amartay in la joojiyo dhaqaalaha ay Libya ku bixineyso Kooxaha Mucaaradka balse uu Arrintaasi Qadaafi laaday kana biya diiday in Dowladiisu ay joojiso Hawlahaasi.

Safiya Farkaashi, Waxa ay Xustay in Moamar Al-qadaafi uu Shaqaalaha iyo Ilaalada Safaaradii Maraykanka ee Tripoli Asbuuciiba Saddax mar la kulmi jiray si uu u helo Xog dhab ah oo ku saleysan dhaqdhaqaaqyada Diplomaasiyiinta Safaaradda Maraykanka, iyadoona daboolka ka qaaday in Xiligaasi uu Saraakiisha Ciiddamadda Ammaan ku amri jiray in la qalqal galiyo Ammaanka Diplomaasiyiinta Maraykanka balse Waxa ay farta ku goday in Dowladda Maraykanka kawar qabtay Arrintaasi.

Waxa ay sheegtay in Qadaafi uu ka dambeeyay Dilka Saddax Sarkaal oo Maraykan ah oo la qaarijiyay xilli ay aheyd Fiidnimo iyaguna ay Hawlo shaqo u joogen Xeebta Libya balse dilkaasi aan laga shaacin Warbaahinta lana qariyay inta la qarinkaro hayeeshee ay Dowladda Maraykanka ka warqabtay, sida ay sheegtay.

Safiya Farkaashi, kama aysan ganban faafinta sirta Zeygeydii geeriyooday Moamar Al-qadaafi, waxa ayna sheegtey waxyaabo badan oo aan ku habooneyn in la sheege oo ku aadan dhanka Aqlaaqda taasoo aan noo saamaxayn inaanu halkan ku soo bandhigno balse waxa ay inta badan sheegtay Siyaasado badan oo ka dhexeeyay Libya iyo Maraykanka.

Waxay Xustay in Dhowr mar Dowladda Maraykanka damacday inay disho Moamar Al-qadaafi balse Xog ay Sirdoonka Libya xiligaasi heshay suura galisay in la fashiliyo dilalkaasi loo qorsheeyay Qadaafi.

Ugu dambeyntii, Safiya Farkaashi, waxa ay sheegtay in dilka Qadaafi ay fududeeyeen Saraakiisha Ammaanka oo ay ku sheegtay in dhaqaale la siiyay loona balan qaaday inaan la gaarsiin doonin waxyeelo.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3