Topnews:-
Madaxweyne Siilaanyo oo arrimo
la yaableh lagu arkay
24 November 2011Waagacusub.com-Madaxweynaha Somaliland
Ahmed Mohamed Siilaanyo ayaa la xaqiijiyay inuu la ildaran
yahay Cudurka Maskaxda ku dhaca ee afka Somaliga loogu
yeero SARQOOWGA ama isku dhexyaaca Maskaxda.
Arrimaha la yaabka leh ee qoyska Ahmed Siilaanyo laga
soo xigtay waxaa ugu yaab badan isagoo aan cuntada laga
Karin inuu ka joogsado ilaa uu hunqaaco ama laga qabto.
“ Madaxweyne Siilaanyo cuntada lagama karo ilaa uu ka
hunqaaco ama laga hoos qaado,hadii uu khadeeyo,wuxuu
daqiiqado kadib leeyahay maxaa ku dhacay khadadii ii
keena,hadii loo sheego inuu khadeeyayna wuxuu leeyahay,waa
maxay waxaas bilaa caleeykum,ii keena Cunto” ayey ku
xog warantay gabadh ka tirsan qoyska Siilaanyo.
Inkastoo dhaqtarkiisa uu Siilaanyo kula taliyay inuu
nasiino badan sameeyo hadana waxyaabaha lagula yaabay
waxaa ka mida isagoo aan kala aqoon Caruurtiisa iyo
Madaxda la shaqeeysa.
Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Mohamed Bajaaj ayuu aqoon
waayay Siilaanyo wuxuuna yiri “ War odaygaan madaxa
xiiran ma Ina Xaaji Afqaloocbaa” markaas ayaa lagu yiri
maya waa Wasiirka Arrimaha Dibadda!!
Siilaanyo oo yaaban baa yiri “ War meeshaan Barafka
badan naga kaxeeya waa kaa durba Wasiirkeeygii ku gaboobay
oo garan waayee”
Siilaanyo oo Wasiir ka noqday Xukumadii Kacaanka ee
21-ka sano hadana wuxuu markii dambe noqday Gudoomiyaha
Jabhadii Isaaq ee SNM.
Caafimaadka liita ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa lala
xiriirshay da’diisa gaboowga .
Siilaanyo inuu yahay qof xanuunsanaya waxay reer Somaliland
ogaadeen markii uu shir Jaraa’id Madaxtooyada ku qabtay
habeen saq bara,kadibna uu nuxurka hadalkiisa ka dhigay
AKHAS,UF IWM.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download