Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Gabay :- Axmed Madoobe Salal kii ku Dhacay Seexan Kari waaye - Sanan Weyntu Waa Baxahayaan Subax an Dheerayne- SURKA waxad ku sii Raran kartaan Sahay u sii Qaata.

25 May 2013 Waagacusub.com-Waa Gabay dabaaldega,waa gabay digashaa,waa gabay dardaarana,waa gabay dulucdiisa dirac garan karo ,doqona yeelkadii,


Gabaygaani wuxuu Jawaab gaara u yahay shaqsiyaad gabay jacbur been abuura ku metelay codka Madaxweynaha Somalia kuna aflagaadeeyay beelaha Hawiye iyo Mareexaan -sidaas darteed maanta oo xulufadaas tacsi u taal naga gudooma gabaygaan.

1-Sal dhigyada Kismaanyood Dad baa Sax u Lahaayeene

2-Sinjigeeda Soomaali baa ku Sunta naayeene

3-Sal Balaarsigii laga tag iyo Waa an Saanyadaye

4-IGAD baa Warbixintii Sugeen Saaka Waaberiye

5-Rag Sharciga Saxiixaa jiroon Sadarna Dhaafayne

Siyaasaadka Dunidaan Rag baa Saani loo Baraye

6- XASSAN SHIIKH haddaad Sahashateen Saacid Hadalkiisi

7-Waa loo Sacbiyey Dowladdii Saafiga ahayde

7-Raggii Samaha Diidahayayow Waydin Sidataaye!

8-Kenyadaad Subkayseena waa laga Sareeyaaye!

9-Axmed Madoobe Salal kii ku Dhacay Seexan Kari waaye

10-Sanan Weyntu Waa Baxahayaan Subax an Dheerayne

11-Soohdimaha Nimankii ka Yimid Surinka Boosaaso

Sad-Bursiga Raggii Sugahayaa Soon ku Waajibaye!

12-Sinjigiinu Meeshuu ka yimid waan la Soconaaye

13-Adinkaa Sibraarada u siday Saan Cadaalaha e

14-OO QARANKI Soomaaliyeed SOORYO Dhaafsadaye

15-Markaad Silicdo baad ku Sahwidaan SARACA Daaroode

16-Sade iyo Mareexaana waa Idinka Soofeene

17-Safka Leelkasana waa horuu Seeri kaa Dagaye

18-Dhulbahantana adaa Seedda jaray Saban Horaadkiiye

19-Warsan Galina waa kaa Socdeen Siday ahaayeene

20-OGAADEEN sax buu kuu Ogyahay Waxad Samayseene!

20-Waa taad TIKREEGA U SAFTEEN Suuqa Xoolaha e!

20-OOD Culumadii Siisateen Saami Lacageede!

20-Nin ay Soori Qaadiyo Mid aad Sabato Mooyaane

21-Saaxiib in ay kaa Dhigtaan Saarka Haw Tumane!

22-Sal-Muggiis ninkii an u Fadhiyin Seedahaa Go'a e

23-SUNTII aad Walaaqdeen ayaad Saab ku Shubateene

24-Soomaaliduna waa wada Barteen Suuraddaad Tahaye

25-Ninba Sabadi uu Dagi jiruu Sama ku Joogaaye

Waxaa Sacabka loo Tumahayaa SIDIGTA Maandeeqe!

26-SAXAARIHI Garoowiyo halkaad YICIBKA Saafaysay

27-Koley GOBOLKI SIIGADA badnaa baad ku Socotaane!

28- Safar dheer ayaa idin Hor yaal oo Sagootinehe

29- Sad la Cuno Waxaad Quudataan Saadka Quulaha e

30-SURKA waxad ku sii Raran kartaan Sahay u sii Qaata!

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3