Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews :-IGAD oo rajo tirtay riyo maalmeedkii Faroole iyo Ahmed Madoobe.

25 May 2013 Waagacusub.com-Taageerayaasha Ahmed Madoobe iyo Abdirahman Faroole ayey niyad xumo wajahday kadib markii urur goboleedka IGAD go-aamiyeen in Dowladda Federalka abaabusho shirweyne maamul goboleed KMG loogu dhidbo Jubaland.


Go''aanka IGAD ka soo baxay ma aheyn mid sahal ku dhashay hasse yeeshee wuxuu ka marqaati kacay in xaalada Somalia ka gudubtay xilligii ay biyo ka hoos ka maamuli jireen Dowladaha Ethiopia iyo Kenya.

Dowladaha Ingiriiska iyo Turkiga ayaa ka shaqeeyay shirka IGAD ,waxaana lagula taliyay inay arrimaha Maamul goboleedya Somalia faraha kala baxaan,una daayaan Dowladda Federalka Somalia.
Xulufadda Ahmed Madoobe iyo Faroole ayaa jid walba la istaagay inay taageero xoogan ka heystaan Ethiopia iyo Kenya laakiin ugu dambeyn waxay xaqiiqsadeen in laga gudbay xilliyadii lagu faani jiray Ethiopia ama Kenya ayaa i wadata.
Warqad Wasaarada Arrimaha dibadda Somalia u qortay Dowladda Ethiopia ayaa lagu weydiiyay inay faahfaahin dheeriya ka bixiyaan sababta Madaxweynaha Killilka Somalida Mr Abdi Ileey u yiri "Dhiigeena ayaan u daadineynaa Jubaland"
Wasaarad Khaarijiga Ethiopia ayaa dhambaalkaas uga soo jawaabtay in deg deg loo Maxkamadeyn doono Madaxweynaha Kililka shanaad si loo weydiiyo sababta uu Dhiiga askarta Ethiopia inuu daadin doono ugu hanjabay.
Wasaaradda Arrimaha gudaha Ethiopia war ka soo baxay ayaa Madaxweynaha Kililka 5-aad lagu amray inuu kaba hadli karin arrimaha Somalia.
Wasaaradu waxay sheegtay in arrimaha Somalia looga dambeeya Wasaaradda Arrimaha dibadda Ethiopia oo qura.
Ethiopia lafteeda waxaa saaaran Cadaadis Caalamiya maxaa yeelay Maamul goboleedyadeeda waxaa soo magacaabay Wasaarada Daakhiliga.
Si kastaba ha ahaatee,Go''aanka urur goboleedka IGAD waa guuldarada Tacbane shisheeye,waana guusha Toosanaha Soomaaliyeed.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3