Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:- Madaxweynaha Siilaanyo oo Wasiiradiisii Waxmatarayaasha eryay- laakiin kuwa beeshiisa ku dhici waayay

25 June 2013 Waagacusub.com-Madaxweynaha Somaliland Mr Ahmed Siilaanyo ayaa eryay qaar ka mida Wasiiradiisii astaanta u noqday been iyo waxmatarenimada hasse yeeshee wuxuu ku dhici waayay inuu xilka qaadis ku sameeyo kuwa u dhashay beeshiisa Habar jeclo.
Wasiirkii Arrimaha dibadda Mohamed Bajaaj oo ka tirsanaa Wasiirada waxmatarayaasha Somaliland una dhashay beesha Habar awal gaar ahaan Sacad Muuse ayuu xilkii ka xayuubiyay wuxuuna ka dhigay Wasiirka Ganacsiga.

Wasiirkii Arrimaha gudaha Mohamed Duurjaan oo safka hore uga jiray Wasiiradda astaanta u noqday beenta,faanka ,laaluush ku shaqeeynta iyo aqoondarada una dhashay beesha Garxajis gaar ahaan Habaryoonis Muuse Cabdalle, ayuu eryay Madaxweyne Siilaanyo.
Mohamed Duur oo Wasaaradda Arrimaha gudaha ka dhigay Wasaarad laga hayaamay wuxuu Somaliland dhex wareegeysan doonaa isagoo xambaarsan dakanooyin qabiil iyo mid shaqsi.

Wasiirkii hoowlaha guud iyo guryeeynta Ahmed Abdi Xaabsade oo u dhashay beesha Dhulbahante balse la deeyriyay ayey seefta qaaday.
Ahmed Abdi Xaabsade oo ka mida Siyaasiyiinta ugu caansan Somalia wuxuu yax yax iyo karaama daro kula noolaan doonaa Hargeysa isagoo ku magacaaban La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta.
Wasiirkii Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Abiib Timacade oo xilkaas loo magacaabay markii laga qaaday rug cadaaga weyn ee Boobe Yusuf,oo ay isku yihiin beesha Sacad Muuse ayaa xilkii laga eryay,waxaana loo magacaabay Wasaarad Maqaarsaara ,oo aan shaqeeyn.
Abiib Timacadde oo la rumeeysan yahay inuu ka dambeeyay dilkii Macalimiintii beesha Samaroon ee lagu khaarijiyay intii u dhaxeysay Dila iyo Gabiley,lama oga inuu aqbali doono xilkaas lagu sabaaliyay hasse yeeshee wuxuu safka hore uga jiray Wasiirada maamulayay Wasaarada ay aqoon u laheyn.
Madaxweyne Somaliland wuxuu ku dhici waayay inuu eryo Wasiiradii astaanta u noqday Musuqmaasuqa,Cadaalad darada,waxtar xumada iyo qabyaalada ee beeshiisa Habar jeclo kuwaas oo ay ka mid yihiin Hersi Haji Ali iyo Mohamud Hashi, Hasse yeeshee wuxuu magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda.
Digreetada xilka qaadista iyo magacaabista ee Madaxweyne Siilaanyo soo saaray ayaa u qorneed sidaan:-
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu caawa soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay.
Sidaa waxa uu lagu sheegay Qoraal caawa laga soo saarey Madaxtooyada Somaliland,
waxaanu u dhignaa sidan:
War-saxaafadeed25/06/2013
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu caawa soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartoodad, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.
S/No. Title-ka Magaca
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis
2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade
3. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri X. Ismaaciil Baandare
4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed)
5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal
6. Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin
7. Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aaden Axmed Warsame
8. Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Maxamed Cabdille
9. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees
10. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari ee JSL Cali Maxamuud Axmed (Sandule)
11. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye
12. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Xasan Daahir Dhinbiil
13. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar
14. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil
15. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
16. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Daahir Camuud
17. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir
18. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)
19. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN UNA MAGACAABAY XILALKAN:-

S/No. Title-ka Magaca
1. Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib-u-dejinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka ) Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye)
2. Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga waxa loo bedelay) Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed
3. Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda waxa loo bedelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga) Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar
4. Wasiir ku xigeenkii hore ee W/faafinta waxa loo magacaabay (Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta) Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
5. Wasiirkii hore ee W/faafinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha) Abiib Diiriye Nuur (Timacade)
6. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
7. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)
8. Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

wasaaradaha cusub ee iyagu ku soo biiray xukuumada waxa kamid ah

Waxaa Ku Soo Biiray Wasaarado Cusub.
1.Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Maxamed Cabdille.
2. Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aaden Axmed Warsame.

SIDOO KALE WAXA MADAXWEYNUHU UU XILALKII AY HAYEEN UU KA NASIYEY WASIIRADAN HOOS KU QORAN:-
S/No. Title-ka Magaca
1. Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur)
2. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warshadaha Cabdirisaaq Cali Cismaan
3. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
4. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle
5. Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga Aaden Diiriye Cigaal
6. Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3