Qaraxyo
hareeyay Nairobi iyo Amniyaadka Al-Shabaab oo gudaha
Kenya galay.
25 Oct 2011Waagacusub.com-Sedex
qof ayaa ku geeriyootay ,toban kalena waa ku dhaawacmeen
qarax ka dhacay busteejo laga raaco basaska loo yaqaan
Mataatuga ee gudaha Magaaladda Nairobi.
Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa dadkii qaraxa ku dhaawacmay
u daabulay Isbitaaladda sida uu Saxaafadda u sheegeen
goobjoogayaal.
Taliyaha Boliiska Nairobi Njoroge Ndirangu ayaa Saxaafadda
madaxa banaan u sheegay inay baarayaan qaraxa labaad,wuxuuna
yiri “ Hada ma dhihi karno Al-Shabaab ayaa ka dambeeyay
qaraxa,waxaanu wadnaa baaris lagu xaqiijinaa qaraxa
iyo cidii fulisay”
Peter Ndungu Kiarie oo ah 35 Jir ku dhex jiray gaarigiisa
markii uu qaraxa dhacayay ayaa tibaaxay isagoo naxsan”
Waxay indhaheeygu arkayeen dad dhiig ka da’ayo oo lugaha
ka liita,anigu waxaan ku dhex jiray gaarigeeyga,kamana
bixin naxdin darteed”
Qaraxaan labaad ayaa dhacay xilli qof aan la aqoon uu
bam gacmeed ku weeraray Night Club ku yaal faras Magaalaha
Nairobi ,iyadoo qaraxa bam gacmeedkaasna ay ku geeriyoodeen
toban qof tiro ka badana ku dhaawacmeen.
Ciidamadda Amniyaadka Al-Shabaab ee dilalka iyo qaraxyada
fuliya ayaa buux dhaafiyay gudaha dalka Kenya ,waxaana
la sheegay inay gacan ka helayaan Saraakiisha amaanka
dalka Kenya.
Kenya oo todobaad ka hor gudaha u gashay Somalia waxaa
laga cabsi qabaa inay noqoto Somalia2 maadama uu ku
badan yahay musuqmaasuqa.
Saraakiisha amaanka Kenya ayaa la rumeeysan yahay inay
qaarkood abaabulayaan qaraxyada si ay u xalaaleestaan
hantida Ganacsatadda Somalida ee dalka Kenya gaar ahaan
Xaafadda Somalida ku badan tahay ee Islii.
Xiriirka Dowladaha Somalia iyo Kenya wuxuu marayaa meeshii
ugu xumeed taariikhda,wuxuuna Madaxweyne Shariif si
cad u qaadacay hoowlgalka Ciidamadda Kenya ka wadaan
gudaha Somalia.
Afhayeenka Al-Shabaab garabka Ahmed Godane ninka lagu
magacaabo Cali Dheere ayaa hore ugu hanjabay inay dhulka
dhigi doonaan daaraha dhaadheer ee Magaaladda Nairobi.
Dagaalyahano u dhashay Kenya ayaa ka tirsan Al-Shabaab,waxaana
la rumeeysan yahay inay yihiin kuwa qaraxyada ka fulinaya
gudaha Magaalada Nairobi.
Ila wareedyo xog ogaala ayaa hore u sheegay inay Al-Shabaab
bartilmaameedsanayaan Garoonka weyn ee Jomma Kenyatta,Safaaradaha
reer galbeedka ee Nairobi,talisyada Ciidamadda Kenya
qaar iyo goobaha ay ku badan yihiin Muwaadiniinta reer
Galbeedka.
Safaaradda Mareykanka ee Dalka Kenya ayaa War ay Jimcihii
soo saartay ku muujisay suurtagalnimada in Al-Shabaab
qaraxyo ka geeystaan gudaha dalka Kenya.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download