25 Oct 2011Waagacusub.com-Bahalka
dilaaga ah ee lagu magacaabo dhurwaaga ama waraabaha,
waa xayawaan aad iyo aad u naxariis daran oo aan sida
libaaxa xarrago wax u cunine xoolaha safmar ku laaya oo
weliba si iimaan la’aan ah u xasuuqa, haddii aanay meesha
ka muuqan cid ka ceshata oo xoolahaasi ilaashaneysa!.
Dabcan deris baa la yahay, haddana dabka la ma kala
shito, dun wadaag baa la yahay dugaashina inaga ma dhaxeeyo,
sababtoo ah wixii ka danbeeyay qeybsigii kulankii berlin
1884 derisnimadu god bey ku dhacday
dhurwaayaduna miciya lisid bey billaabeen damiir waddaniyadeed
baase waran adag la hor taaganaa oo intaa yur yureynayay!.
Qaran jabkii Soomaaliya ku dhacay ka dib, dhurwaayadu,
waxey iska dhaadhiciyeen iney dhex xuluulan karaan xuduudaha
ay soomaaliya iyaga la leedahay dhinac kastaana wey
ka soo weerareen, iyaga oo gabbaad ka helayay kas gaab
rabtay iney dhurwaayada rabbeeyaan, laakin waxey moogaayeen
inuusan dhurwaagu rabbaayad noqon karin.
Sheekada aan daaha ka qaadee, kol hore ayey aheyd markuu
madaxweynihii hore ee Keenya, Danial Arab moye,
uu sheegay “ ineysan keenya iyo Itoobiya aanay raalli
ka noqoneynin qarannimo awood leh iney Soomaaliya ka
dhalato” taasoo aheyd sirtii u qarsooneyd dhurwaayada
oo uu shaaca ka qaaday.
Soomaaliya waa qaran buuxa oo umadaha midoobay ka diiwaan
gashan kursi iyo calanna ku leh, haddana waxaa loogu
soo xad gudbaa sidii waddan aanan dunidaba ka tirsaneyn
oo kale dowladaha ay xeer wadaagta la tahayna kama hadlaan
khaladaadka laga galo waddan sharci ahaan jamciyadda
quruumaha ka dhaxeysa.
Aan is weydiinnee muxuu yahay dagaalka iyo damaca lagu
hagar daameynayo umadda soomaaliyeed, muxuuse u dan
leeyahay deriska dhibaateynta ku haya dalka iyo dadka
soomaaliyeed?, maxeyse u dareen la’yihiin soomaalida
u dhalatay dalka hooyo.
Ethiopia damaceedu waa inaan laga hadlin dhulka iyo
dadka soomaaliyeed ee ay heysato iyo iney hesho dekedo
ay wax kala soo degto iyo weliba amaan sugan, sidaa
darteed bey dowladda KMG ah u taageertaa haddana doc
faruur kama deyso oo ahlu sunna ayey gaar u la hadashaa
iyada oo aan u soo marin waddada dowladnimo, taasina
waa tuugmo turuq oo uu micnaheedu yahay ( qof ku baryaya
haddana cunaha kugu dheggan ).
Keenya damaceedu waa inaan laga hadlin dhulka iyo dadka
NFD ee ay mar hore xalaashatay iyo iney dhul badeedka
soomaliya qeyb xaggeeda marsato, si ay ugu suura gasho
shidaal halkaasi lagu sheegay, kaasoo ay gadaal ka soo
riixeyso shirkad laga leeyahay dalka Norway, sababtaa
darteed baana ku qasbeysa faragelinta jubbyinka iyada
oo mar marsiinyo ka dhiganeysa shabaab beynu ceyrsaneynaa.
Keenya iyo itoobiya taageerada ay sheegayaan ay u hayaan
DKMG haddeey dhab ka tahay maxey xuduudadaha u soo jabsanayaan,
maxeyse dowlad ay leeyihiin waan taageersanahay ay jabhadaha
iyo ciidamo aan ka amar qaada uga dhinac furayaan, taasi
waxey caddeyneysaa iney lugi u laaban tahay, waxaasi
Dowladda KMG looga baahan yahay dibinnada ay dhigayaan
dhurwaayadu iney fahamto oo ay garasho u yeelato.
Adiga oo dhashay 1960 waa aflagaaddo
wiilkii dhashay 1963 ee aad seddex
sano ka weyn tahay inuu kugu yiraahdo waa “ilmaheygii”,
inaad ka hadli weydana waa ceeb ku saaran, ogowna waraabe
waa un waraabe marna kuma cafinayo ee waxaad ku tiraahdaa:
Waddanka anaa iska leh
Wadaaynimo kaama rabo
Aan kala weydaarannee
Waraaboow maalin wacan.
Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download