Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Top:-Rag Madaxtoyada Somaliland u dirtay inay dilaan Gudoomiyaha Wargeyska Hubaal oo la qabtay! Fadeexad weyn iyo faahfaahin

26 April 2013 Waagacusub.com-Guddoomiyahii wergeyska madaxa banaan ee HUBAAL ayaa la gaadhsiiyey dhaawac waxaana xaruntii wergeyskaasi lala dhacay rasaas ka dib markii laba nin oo wejiga u duubtay sida Al-Shabaab oo ku hubaysan baaskoolado iyo hubka fudud ay abaaro 21:00 habeenimo (Xalay) weerar ku soo qaadeen xarunta wergeyska oo ku taalla agagaarka hotelka Togdheer una dhaw laagta Goljano ee caasimadda Hargeysa.


Labada nin ee doonayay inay dilaan Gudoomiyaha Wargeyska Hubaal Mohamed Calooleey ayaa nin ka mida gacanta lagu dhigay hasse yeeshee ma rumeeysan kartaa in ninkaasi laga soo diray Madaxtooyadda Somaliland uuna la dhashay Madaxa Gaadiidka Madaxtooyadda.

Ninka la qabtay oo loo gacan geliyay ayaa la dhashay Madaxa Gaadiidka Madaxtooyadda Somaliland ,nin lagu magacaabo Abshir Hassan oo u dhashay beesha ARAB ahaana Darawalkii Marwo Huda Barkhad.
Ninkaan oo xilligii Dahir Reyale Kaahin u basaasi jiray Xisbiga Kulmiye ayaa lagu xasuustaa inuu qoray Warbixinadii ugu darnaa ee lagu caayi jiray HUDA BARKHAD ilaa uu ka sheekeeyay keeyshaligeeda.
Ninka la qabtay wuxuu boliiska u sheegay in weerarka Mohamed Calooleey la xiriiro hadal warbixin uu ka qoray Wiil uu sodog u yahay Madaxweyne Siilaanyo kaas oo lagu magacaabo Baashe Cawil kuna tagri falay gaadiid Hayáda nabadsugida loogu deeqay.
Labada nin oo mid baxsaday waxaa gacanta ku dhigay dhalinyarada Xaafadda Goljano,wuxuuna ujeedkoodu ahaa inay khaarijiyaan Mohamed Calooleey oo ka tirsanaan jiray Ciidamadda Sirdoonka Somaliland xilligii Dahir Reyale Kaahin.
Mohamed Calooleey waa nin Wargala oo Wargeyskiisa aad looga qeeyliyay warbixinada uu faafiyo darteed.
“Waxaan maqlaayey rasaas iyo qaylo ka dhacday xarunta wergeyska, inyar ka dibna waxaanu aragnay laba nin oo ka soo baxaya kolna ku noqonaya afaafka hore ee xarunta wergeyska, dabadeedna haddana waxaa si daran doori ah loo riday rasaas nool markaasan gartay in weerar lagu soo qaaday wergeyska” ayuu u sheegay Halbeegnews nin dhalinyara ah oo degen xaafadda Goljano ee caasimada Hargeysa.
markii weerarku dhacay ayaa labada nin ee weerarka soo qaaday oo aad u jahawareersani waxay isku dayeen inay baxsadaan balse mid ka mid ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay dhalinyarada xaafadda Goljano oo ka qaaday baskooladdii uu watay isla markaana ku wareejiyey ciidamadda Booliiska.
Guddoomiyaha wergeyska HUBAAL Maxamed Cabdi Jaamac Caloolay ayaa muddaba waxaa ay henjabaado kaga imanayeen xubno ka tirsan xukuumadda Siilaanyo oo nidar ku maray inay dilayaan.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3