Mashqac
geliye iyo Madaxweyne Siilaanyo maxaa kala qabsaday
26 December 2011Waagacusub.com- Su’aal: Mudane
Ex-Siilaanyo, maalintii dhawayd ee aad koobka kubadda
cagta siineysay gobolka Maroodi Jeex ee ku guuleystay
tartanka ciyaaraha goboladda ee dhawaan lagu soo gabo-gabeeyay
xarunta magaalada madaxda gobolka togdheer ee Burco
waxa kaa muuqatay niyad iyo weji xumo aad u weyn, taas
oo dadweynaha intii goob jooga ahayd iyo intii kaa daawaday
shaashadahubu ay u arkeen in aad malaha la jeclayd in
uu gobolka togdheer noqdo horyaalka kubadda cagta ee
goboladda dalka. Maxaa ka jira ayaad isleedahay tuhunkaasi
iyo eedahaasi?
Jawaab: Horta
marka hore waxa aan ku leeyahay Mashqac-geliyow
Merry Christmas maadaama ay maanta tahay maalintii
ciida dadka masiixiyiinta ah ee aad ka mid tahay.
Mashqac…Shariif Axmed waxbaa kaa qaldan
ee anigu ma ihi masiixi…Shariif Axmed miyaanad ahayn
Mashqacgeliye Mike Mahiga…Mashqac maya…maya
ee waxa aan ahay Mashqacgeliye Mudac Mindi…Jesus
Chris!...waar hadaa raali iga ahow waxbaan
isku qalday eh…Cukuse ayaa i waalay adeer ee raalli
iga ahow. Jawaabta su’aashaada hadii aan u soo noqdo
waxa aan ka xumaaday cadaalad xumadda wasaaradda iyo
guddida ciyaaraha…guddida komishanka doorashooyinka
qarankana ku dhahoo weligay ma arag guddi ka cadaalada
xun…ma waxaad aragtay ciyaartowgii gobolka Maroodi Jeex
oo seddex gobol isku feeraariyay …waa Hawd, Gabilay
iyo M/Jeex oo haddana laga aamusay…Ma Burco oo loogu
heesi jiray#Burcadii Bilneydey…geesiyaal aan Baqan iyo
Baraakaha lahaydey yaan lagaa Badin…hey…hey yaan lagaa
Badin#ayaa gobolka Hawd afar gool ku dhalin lahaa…cimrigaaga
oo dheeraaday geel dhalaayana waa ku tusaa Mashqacow!!!.
Cago Damdamle Duur Xaar Ku Joogsaday ayaan ku sigtay
in aan mar ku idhaahdo seddexdaas gobol iyo gudidaba
waxa aad ku soo xidhaa buurtii Calaacule ka denbeysay
ee aad Jikaarkii Suldaanka isku cumaamaday ku soo xidhay…hadana
waan is ladqabeeyay oo waxa aan is idhi Koobkii Tartanka
Madaxweyninimada ee dalka ayaa gobolku seddex jeer ku
guuleystay ee koobka ciyaaraha waa lacib saqiir eh iska
hanee waa kan.koobkii doorashada madaxweyninmada (2015)
idinku soo dhaw yahay eh. S: Shariif Axmedow arrinku wuu ‘Jesus
Christ’ dhaaftay!!!waa markii ugu horeysay
ee taariikhda gobolka togdheer soo marto in ciyaartowgii
gobolka u kala qeybsameen beelo iyo reero…taas oo gaadhay
in si gaar gaar ah oo gooni gooni ay kooxdii u qaataan
tababarkii la siinaayay…foolxumadaasi abid soo marta
gobolka waxa loo nisbeynayaa xukuumadaada oo meel kasta
gelisay qabyaalad iyo cunfi …Ceebtaas iyo taariikhdaas
madow oo gobolka ku dhacday ayaa Wasiirkaagii Daakhiliguna
ku khudbadeeyay waa markii ugu horeysay ee ciyaaraha
goboladdu sidaasi u quruxda badan u dhacaan. Haddaba,
miyaan la odhan karin qaybyaaladaas lagu dhex tuuray
gobolka ee gayeysiiyay guul daradda waxa ka mas’uul
ka ah xukuumadaada?
J:Adeer Mashqacow eed jeclidaa…waxa gobolka ku dhacay
waxa loo heystaa Faarax Xadhigle, Maxamed Xuseen, Xildhibaan
Cali Dajuuma, Xildhibaan Saado, Xildhibaan Xiiqsane
Nacnac oo isagu ahaa ninkii gobolka u sixray Hawd si
ay uga badiyaan. Waxa aan u magacaabay guddi arrintaasi
soo baadha oo warbixin ka keenta inta ka horeysa ciyaaraha
goboladda ee soo socda. Wasiir Duurna waxa ku dhacay
cudurkii ahaa WAA MARKII UGU HOREYSAY oo waxa qaadsiiyay
Wasiirka Khaarajiga, inkasta oo Duur uu yahay Xil-ku-
Somaliland oo aanu markii horeba aaminsanayn wax la
yidhaahdo Somaliland…laakiin waxa aan ku heystaa Waa
Wadaad Nabadsugid ah oo si fiican reerka xanta uga keena
iyo wasiirada Beeshiisa…ahahaa…ahaa…arrintaasi cid ha
u sheegin…lakiin waa iska macruuf oo Ina Rayaaleba wax
sheeg sheega ayuu ku nacay oo albaabka uga xidhay ayaa
la yidhi…inkasta oo hungurina jiray.
S: Axmed Guddi waxa la isla dhexmarayaa in aad xisbigii
Kulmiye uga digo rogatay xisbiga Udub. Taas waxa loo
daliilshanayaa mas’uuliyiinta xukuumadii Udub ee hore
oo aad xilalkii ku soo celisay qaarkood adiga oo weliba
sida la sheegay ku talo jiro in aad mas’uuliyiin badan
oo kale oo Udub ah aad u soo magacaabi doonto xilal
mustaqbalka dhow. Ma laga yaabaa in aad marka denbe
aad xilkaaga ugu yeedho madaxweynii hore ee Daahir Rayaale
? J: Adeer isku bax…waxaagu waa habaar
eh…maxaan u yeedhaa ma aniga ayaa weli guday deyntii
doorashadda…dadkii ii ololeeyayna weli dhergay…ilaa
aan maqlo iyada oo gobolada qaar laga qaadaayo #Badhbadhaadhnay
haraadkii naga bax…badhbadhaadhnay gaajadi na deysay#
markaas ayaan ka degi doonaa ama cid ugu yeedhi doonaa…mas’uuliyiinta
xilkooda gudan waayay ayaan Udub ku bedalay eh annigu
xilkaygii waan ka soo baxay…wixii aan qabtay oo faah-faahsana
kala xidhiidha Marwadda Koobaad ama ka doonta HCTV wareysigii
ay ku qaadeen Marwada, illaahay iyo malaa’iigtuba raali
ka noqdeene, markii aanu joognay London…waa markii ugu
horeysay ee adduunka ay marwada kowaad ka hadasho waxqabadka
xukuumadda…eesh calaa wareysi ayuu ahaa.
S: Axmed Eesh Calaa, waxa aad ka warantaa golahaagii
wasiiradu ma waxa uu noqday golaha bileydheyska. Adiga
oo goob joog ahaa ayaa haddana shirkii khamiista waxa
isu tiriyay Wasiirkii Qabyaalad Soo Dhacday (Macdanta)
iyo Keligii Saxane Xaashi Cilmi oo islahaa kanlay…keerlay…tuuga…iwm.
Taasi waxa ay keentay in wasiirkii ugu cuslaa Golahaaga
Bileydheyska iyo Tarisaada mudane Xoolo aan Xero ugu
jirin Xisaabsade uu yidhaahdo waan is-casilayaa. Maxaa
kaaga meel yaala in foolxumadii Khamiistii dhaweyd dhacday
aanay mar kale ka dhicin golahaaga?
J: Adeer horta golahayga wasiiradda waxa aan ku aqaanay
qaarkood in tarisaan, isku tarisaan, kala tarisaan,
wada tarisaan…waxa aan ogahay in qaarkood marka ay hawlaha
qaranka u baxaan ee ay tagaan dalalka jaarka ah in ay
hadh iyo habeen ku qaadaan #Shafka Kaalay igu Qabo…Hablaha
Waa lala Qoslaa Miyaa Lugu Qeyliyaa…Heer Tumasho iyo
Raaxo# oo ay hawlihii qaranka ee loo diray ay halkaasi
ku daayacaan…waxaas oo dhan waan ugu dul qaadan jiray
oo waxa aan isku qancinay aniga iyo Cukuse in madaxi
tahay kuwii Tunta ee Balwad leh…balse bileydheys dumarkan
marnaba kama filaynin…mana u dul qaadanaayo Kufurtu
Bilaahay oo Ciida Burco Midh Midh loo Qaadaa…arrinka
khamiistii dhacayna gari allay taqaanaaye waxa denbiga
iska lahaa Maansoor Walaalkii oo illaahay dadkii oo
dhan uga wada dhigay ama ay ula eekoonaadeen Cawil Cali
Ducaale ka dibna uu dagaal ku bilaabayo...wax badan
ayuu dad tuug ku sheegay eh walee isaga ayay iminka
fartu ku godan tahay…waxa aan ka baqayaa in loo bixiyo
‘Sariiro Cunno’…Is-casilaada la sheegaayana isaga ayaa
Suuqa Gashaday si uu ciiro ugu qariyo waxa uu sameeyay…markii
aan isidhi warqad u qor Duco Qabadii Rayaale oo kale
ahna Dumar ayaa ku Guntaday oo ku ‘Rag Furay’ bal in
aan maanta uun daayo.
S: Shariif Tarisaad Fasaxe, maxaa ka jira xanta suuqa
ku jirta ee ah in adiga iyo xukuumadaadii aad u tafo
xeydan tihiin sidii Ururka Ummad ee Dr Gaboose aanu
u soo bixi lahayn. Waxa suuqa ku jirta in Ururkii habeen
hore laga dhawaaqay Kaah ee Badbaado iyo kii shalay
laga dhawaaqay Ambassador ee Horyaal ay labadaba ka
denbeyso xukuumadaadu si dhabarka looga jabiyo Dr Gaboose.
Maxaa uu galabsaday ee sidaas loogu gelayaa Dr Gaboosihii
Aabbo…aabo…hadh iyo habeen ku lahaa?
J: Waxa aan kuu sheegayaa Mashqacow in Dr. Gaboose isaga
waxaas suuqa gashaday markii uu cidba waayay. Waxa markhaati
kuugu filan in dad la’aani heyso…bal eeg Mashqacow dadka
uu wato ee kala ah…Bur-yare, Ganbo-yare, Cunto-yare,
Caqli-yare, Ciidan-yare, Calool-yare, Waxtar-yare…waa
wada ilma yare oo dhan dadka uu wataa…Ninkii reer Boorame
ee ururkana magaciisa lahaa doorshadii 2002 waxa la
odhan jiray ‘Ummad Nin Kalyaale’…ururka Gaboosena waxa
la odhan doonaa ‘Ummad Dadyare’...Magaceygu waa Axmed
Abaal-laawe, isagu berigii waxa uu ii balan qaaday in
uu kursiga igu fadhiisin doono…anna waxa aan u balanqaadayaa
in aan ururkiisa rido…ka dibna Somalilandba uu ka haajiro…anna
aan gabey dhiig sameeyo aan ka bilaabaayo “Ka Huleel
Somaliland Gaboosihii Hoboleyn Jirey eh".
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download