Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Wafdigii Siilaanyo oo Wasiirka Madaxtooyadda Somalia kula kulmay Dubai-

27 March 2013 Waagacusub.com-Wasiirka Madaxtooyadda Dowladda Federalka Somalia Farah Abdulkadir oo safar deg dega shalay(Talaado 26-03-2013) uga dhoofay Muqdisho ayaa Magaaladda Dubai kula xasaasiya kula yeeshay Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Somaliland Ahmed Siilaanyo..


Wafdiga Siilaanyo ayaa Wasiir Farah Topaz u dhiibay Dukumiintiyo qoraala oo ku socday Madaxweynaha Somalia Hassan Mohamud Alasow sida Waagacusub ogaatay hasse yeeshee lama ogga waxa ku qoran Dukumiintiyadaas iyo waxyaabahii ay ka wada hadleen Masuuliyiinta Somaliland iyo Wasiirka Madaxtooyadda.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka qeybgalka Shirka London sharuud uga dhigay qodobo ay ugu horeeysay in xilka qaadis lagu sameeyo Fawsiya Yusuf Haji Adam oo ah Ra''isulwasare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Federalka Somalia.
Madaxweyne Garguurte ayaa saaxiibadiisa u sheegay in mar walba oo Siilaanyo wada hadlaan uu kala hadlo in la eryo Wasiirad Fawsiya.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wafdiga uu horkacaya ayaa saakay lagu wadaa inay ka dhoofaan Dubai kuna laabtaan Hargeysa halka wafdiga Madaxweynaha Somalia ee jooga Qatar ku wajahan yihiin Dubai si ay ula kulmaan Madaxda Emirate-ka Carabta .
Wasiirka Madaxtooyadda Farah Topaz oo laba bilood ku mashquulsanaa mashruuca hergleinta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ee Koofurta Somalia ayaa la filayaa inuu Dubai kula kulmi doona Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Abdirashiid Dhiigshiil si ay uga wada hadlaan habacsanaanta hoowlaha Shirkadda Somtel maadama uu gaabiyay ninkii loo wakiishay Maamulka Shirkadda oo lagu magacaabo Ahmed Galool.
Wasiir Farah Topaz intii uu ka dhoofin Muqdisho waxay shaatiyada isu siibteen Kamaal Dahir Gutale oo ka tirsan hoowlwadeenada Xafiiska Madaxweyne Hassan Mohamud .
Kamaal Gutale oo wata Boorsooyinkiisa ayaa iska xaadiriyay Garoonka si uu Wasiir Farah Abdulkadir ugu wehliyo safarkiisa Dubai hasse yeeshee wuxuu Kamaal dib ugu laabtay Madaxtooyadda kadib markii Wasiir Topaz u sheegay inuu arrimo gaara ugu socda Dubai.
Shaqaalaha Madaarka Muqdisho iyo Ciidamadda Amaanka ayaa kala dhexgalay Farah Topaz iyo Kamaal Dahir kadib markii uu Kamaal ku dooday inuu raacayo Diyaaradda maadama uu Madaxweyne Hassan sidaas hore ugu balameen.
Madaxweyne Hassan Garguurte ayaa intuu ka dhoofin Muqdisho wuxuu Kamaal Dahir Gutale u sheegay in isaga Farah isu raacayaan safarka Emirate-ka Carabta si ay Dubai ugu kulmaan.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3