Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Top:-Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab oo Baay ka socda- Lix loogu Aaray Al-Amriki

27 April 2013 Waagacusub.com-Lix ka tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab ayaa ku dhintay dagaal u dhaxeeyay garabyo kala taabacsan Amiirka Kooxdaas Ahmed Abdi Godane iyo ku xigeenkiisa Mukhtaar Roobow Cali.


Dagaalka labada garab oo ka dhacay degaanka Raama-Caddey ee gobolka Baay ayaa dhashay kadib markii Maleeshiyo taabacsan Ahmed Godane dhaawaceen nin ka mida Saraakiisaha Alqaeda ,laguna magacaabo Abuu Mansuur Al-Amriiki.
Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka wuxuu ku faafiyay sawiro muujinaya isagoo dhaawaca,wuxuuna ku sheegay in sedex xabadood looga dhiftay dhabarka asagoo fadhiya meel shaaha laga cabo.
Abuu Mansuur Al-Amriki wuxuu la saaxiib yahay Hogaamiyaha 2-aad ee Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Cali.

Xaalada deegaanka Raama-Caddey ayaa aad u kacsan , isgaarsiintuna way go’an tahay.
Deegaanka Raama-Caddey wuxuu hoos tagaa degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, waxaana la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin horjoogayaal sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Omar Hammami oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Alabama ee dalka Mareykanka wuxuu ka mid yahay maleeshiyaadka ajnabiga ah ee ka barbar dagaallama Al-Shabaab.wuxuuna isticmaalaa magaca Abuu Mansuur Al-Amriki.
Weerarka Al-Amrika ayaa daba jooga khilaaf mudo dheer u dhaxeeyay isaga iyo Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane.
Todobaad ka hor waxaa Website-ka Sunatimes.com lagu faafiyay Warbixin dheer oo Abuu Mansuur Al-Amriki ku sharaxay sidii loo dilay Dagaalyahanadii Ajnabiyiinta Alqaacida ee Somalia sida Saleh Nabhani,Fazul Abdallah,Bilaal Al Barjawi iyo Abdallah Al Sudani.
Al-Amriki oo kashifay dhamaan sirtii Alqaeda iyo Al-Shabaab ee Somalia wuxuu tibaaxay in Amiirka Al-Shabaab Mr Ahmed Godane dilay dhamaan dagaalyahanada uu magacyadooda xusay.
Warbixinta ku qoran afka Ingiriiska ee Abuu Mansuur Al-Amriki maaha mid laga xiiso dhici karo akhrinteeda balse waa dheer tahay oo mar qura lama wada akhrin karo.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3