27 November 2011Waagacusub.com-Beesha Caalamka ayaa
markii ugu horeeysay Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed
hordhigtay hindise looga samir siiyay inuu mar labaad
isu sharaxo jagada Madaxweynenimada Somalia.
Diblomaasiyiin reer Galbeeda iyo kuwa u dhashay Ethiopia
ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Shariif la siiyay balanqaad
dhaqaale sanad kasta iyo kala doorasho uu ku sameeyay
dalalka Malaysia iyo Turkey.
Shariif Sheekh Ahmed oo loo gudbiyay labada Musharax
ee beesha Caalamka la dooneyso inuu midkood noqdo Madaxweynaha
Somalia ayaa loo sheegay in sanad walba loo qoondeeyay
lacag dhan 280,000 kun oo dollar taas oo loogu tala
galay in looga bixiyo ilaaladiisa iyo waxyaabaha la
mida.
Kooxda Xiriirka Caalamiga ee ICG ayaa Madaxweyne Shariif
u sheegay in Dowladda Mareykanka ka fiirsaneyso Amb
Abdullahi Ahmed Adow iyo Prof Mohamud Mohamed Tuur yare
midka loo abaabuli karo inuu noqdo Madaxweynaha Somalia.
Warbixintaan oo aan ka soo xiganay ila wareedyo muhiima
oo kala duwan waxay tibaaxday in Masuuliyiinta ICG iyo
Ra'isulwasaraha Ethiopia Meles Zenawi si isku mida ugu
sheegeen in Masuulka lagu taageeri doono Madaxweynenimada
Somalia uu yahay Abdullahi Ahmed Adow halka Prof Tuur
yare laga dhigi doono xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka
Somalia.
Prof Tuur yare waa khabiir ka soo shaqeeyay arrimaha
Somalia kana qeyb qaatay xalkii Somalia iyo Ethiopia.
Madaxweyne Shariif ayaa la tashiyo ka sameeynaa Malaysia
iyo Turkey dalka uu magangalyo siyaasadeed ugu noolaan
karo ,sida laga soo xigtay masuul ka tirsan Madaxtooyadiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Hindisaha beesha Caalamka u
gudbisay Madaxweyne Shariif wuxuu meesha ka saarayaa
inuu dib isugu sharaxo Madaxweynenimada Somalia.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download