
Topnews:
Edmonton Journal oo warbixin ka qoray Cartoonist Amiin
Caamir
Edmonton
28 Fabaury 2009
Waagacusub Media
Wargeys ka soo baxa magaalada Edmonton ee dalka Canada
ayaa todobaadkan wax ka qoray farshaxanistaha caanka
ee Soomaaliyeed Amiin Caamir kaasoo hanjabaado joogto
ah oo dil ah kala kulma sawirada kartuunada ee uu ka
sameeyo siyaasada Somalia.
Barta Internet-ka ee Edmonton Journal ayaa shalay lagu
soo daabacay warbixin dheer oo ka sheekeenaysa Amiin
Caamir iyo sawiradiisa nuxurka xambaarsan iyo saameynta
ee sida dhabta uga tarjumaya saxaafada xorta ee Soomaaliyeed.waxaana
sheekadiisa ciwaan looga dhigay "Amiin Caamir oo
loogu hanjabo in lagu dilayo kaartuunadiisa"
Inkastoo dalka Canada uu todobaadkan u dabaal degayey
‘Todobaadka Aqrinta Xoriyada oo sanadkiiba ay mar u
dabaal degaan ayaa wargeysku waxa uu leeyahay Amiin
Caamir waxa uu maalin kastaa u dabaal degaa xoriyada
isagoo farshaxankiisa ku muujiya sidii Somalia ay ula
qabsan laheyd dhaqanka xoriyada.
Artistaha caanka ee Amiin Caamir, oo mudo toban sano
ku dhow ku noolaa dalka Canada, ayaa sawiradiisa oo
ku soo daabaco bartiisa internet-ka www.aminarts.com
waxa uu kaga hadlaa dalkiisa oo ay soo wajaheen musuq-siyaasadeed,
dagaalo, saboolnimo, abaaro, suxufiyiin la dilay iyo
haween la cadaadiyo, iyadoo website-kiisa ay maalin
kasta soo booqdaan ama ay aqristaan ilaa toban kun oo
ruux.
Hal sawir-kartuun ayaa Caamir waxa uu ku muujiyey sida
koox mintidiin Islaami ah ay u burburinayso bulshada
inkastoo kooxdaasi ay sheeganayso in ay caawinayso dalka.

Al-Shabaab ayuu soo sawiray iyagoo wato baldoosar weyn
oo hoosta ka qodaya meel qar buur ah oo ay dusha ka
saaran yihiin dad Soomaaliyeed oo isugu jira haween,
caruur iyo dad da’ah kuwaasoo qarka u saaran inay ku
soo hoobtaan haadaanta dheer ee ka hooseeyso,wuxuuna
Amin Arts sawir gacmeedkiisa ku maciin bidayaa in dadkaas
rayidkaa ka badbaadaan baldoosarka ay kooxda Shabaabka
ku qodayaan gabaadkooda cirifta yar noqday.

Badi sawir gacmeedyadda uu soo bandhigo Amin Mohamed
Caamir ayaa waxay ku qoran yihiin afkiisa Soomaaliga.
Amiin Caamir dalkiisa kuma sameyn karo sawirada noocaani
ah isagoo wargeyska u sheegay in la dili lahaa sida
xaqiiqda ah.
“Haddii uu sidan ku sameeyo Somalia, waxa uu geli lahaa
khatar weyn; waan ognahay taasi,” ayuu yiri madaxa mujtamaca
Soomaalida ee Edmonton Maxamed Accord, isagoo intaa
ku daray in dadka awooda heysta ee Somalia jooga aysan
jecleyn sida uu Amin Arts u bandhigo sawirada ka tarjumaya
xaqiiqda ka jirta dalka Somalia.

Mujtamaca Soomaalida ee Edmonton oo tiro ahaan gaaraya
ilaa sideed kun ayaa ka hela oo jecel Artistaha oo hadal
la'áan ku soo bandhiga xaalada dalkooda hooyo.
“Waa geesi, qof kastana wuu hadal hayaa,” ayuu yiri
madaxa Soomaalida Edmonton Accord.
Amiin Caamir waxa uu si joogto ah u dhaliilaa oo uu
wax uga qoraa kooxaha xagjiriinta oo iyagu doonaya inay
dilaan sababo la xiriira kartuunada uu ka daabaco.
Waxaa ku soo dhacaa todobaadkiiba laba jeer fariimo
aan la aqoon halka ay ka yimaadeen oo loogu hanjabayo
dil.
“waxay ii soo diraan fariimo email ah, oo dhahaya waan
ku dilaynaa, waan naqaan meesha aad ku nooshahay,” ayuu
yiri Amiin Caamir oo gacan ka hela gabadhiisa Jiija
oo iyadu Soomaaliga u tarjunta English. “ Aniga ma cabsanayo,
haddii dowlada Somalia ay sameyso wax xun, waan u sheegayaa
dadka,” ayuu hadalkiisa sii raacsiiyey Amiin Caamir.
Ma joojinayo ayuu yiri Amiin kartuunadeyda. Waan sii
wadayaa shaqadeyda.
“markii aan daabaco kartuuno muran dhalinaya, dadka
masaakiinta way igu jeclaadaan, dadka xuna kuma faxraan,”
ayuu yiri Amiin isagoo intaa ku daray “haddii dadka
masaakiinta ay faraxsan yihiin ana waan faraxsanahay
oo waan qanacsanahay sidoo kale.
Xaaska Amiin Caamir Zeynab Ibraahim way ku hanweyn
tahay oo way la dhacsan tahay howsha ninkeeda. “ninkeyga,
wuxuu u hadlaa dadka aan codka laheyn ee masaakiinta,”
ayey tiri Zeynab.
Amiin Caamir iyo qoyskiisa waxa ay Somalia ka soo tageen
1992kii. Qoyskiisa waxa ay u guureen dalka Canada sanadkii
2000 ka dib markii ay muddo ku noolaayeen dalka Jibouti.
Markii ay yimaadeen Canada waxay degaan Magaalada Montreal,
iyadoo laba sano ka horna ay u guureen Magaalada Edmonton.
Amiin Caamir waxa si weyn garab u siiyey xoriyatul
qowlka ka jira dalka Canada, waxa uu noloshiisa ka soo
saartaa xirfadiisa farshaxanimo isagoo websitekiisa
ku sameeya xayeeysiin ganacsi.
Sanadkii 2007-dii, Amiin Caamir waxa uu ka mid ahaa
18ka Artiste ee Edmonton ee la siiyey mashruuca sawir
sameeynta ee lagu soo bandhigay barnaamijka dhaqanka.
Amiin waxaa la siiyey 7,500 oo doolar oo u saamaxday
isaga inuu sameeyo 30 sawir oo saliida loo isticmaalo
oo ku muujiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyhiin
qoyska iyo bulshada dhexdeeda.
Waxaa rabitaankiisa uu yahay inuu ku hadlo magaca badi
muwaadaniinta Soomaaliyeed ee nugul sababtuna waxa ay
tahay iyaga oo aan codkooda soo gudbin Karin. “markii
ay xumaanto dhacdo, dadka ugu horeeya ee ay saameeyneyso
waa Haweenka iyo Caruurta,” sidaas ayuu Amiin Caamir
yiri isagoo gacan ka helaya gabadhiisa Jija.
Mar la weydiiyey Amiin Caamir hadii uu weligiis ku
laabanayo Somalia, ayuu qoslay oo uu yiri laga yaabee
mar dambe intaasi ay dhacdo isagoo markaa u cabsi qaba
bal sida ay noqon doonto xoriyadiisa hadii uu Somalia
ku laabto.
Waxa uu hadalkiisa ku soo koobay “Xoriyada Waa Shey
Wanaagsan”Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new