Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews :-Beesha Cadaado oo shaacisay inay Xasan Dahir ku wareejinayaan Dowladda Somalia

28 June 2013 Waagacusub.com-Madaxweyne ku xigeenka Ximin iyo Xeeb Abdi Mohamed Ahmed ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Hassan Dahir Aweys diiday inuu Muqdisho tago hasse yeeshee ay maamulkooda ku wareejinayaan Dowladda Federalka Somalia.
Hassan Dahir Aweys oo loo martigeliyay hab maamuus uusan mudneen ayaa wali ku adkeeysanaya in lagu garabsiiyo wax uu ku sheegay Jihaad,wuxuuna beesha Cadaado weydiistay inay taageero Ciidan siiyaan.


Madaxweyne ku xigeenka Ximin wuxuu tibaaxay in Mustaqbalka Hassan Dahir ku jiro gacanta Dowladda Somalia,ayna u gudbin doonaan halka Dowladda ku taliso.
"Anaga iyo Hassan Dahir nama wada qaado Cadaado sidaas darteed wuxuu go-aankeenu yahay inaan Dowladda Somalia ku wareejino" ayuu yiri Abdi Mohamed Ahmed.

Saraakiil ay ka mid yihiin Yusuf Indhacadde,Abdulkadir Ali Omar iyo Ugaas Dahir Cagajabeey ayaa kulan xasaasiya la yeeshay Hassan Dahir Aweys oo xasuuq baahsan kula kacay beesha Hawiye hasse yeeshee wada hadaladooda waxay ku dhamaadeen fashil.
Hassan Dahir Aweys wuxuu Koofurta Somalia ku martigeliyay argagixiso uu ka mid yahay Ahmed Godane ,iyadoo ugu dambeyn uu Aweys DOOM ku baxsaday ,si la mida baxsashadii Doomta ee Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raage.
Fadeexada ku dhacday Hassan Dahir waxaa u sababa macangagnimadiisa maxaa yeelay ma jirto dhacdo ka xun in cabsi uu ka qabo Ahmed Godane oo Hargeysa ka yimid darteed ku baxsado DOOM .
Hassan Dahir Aweys waxay naaftiisa siin weyday inuu magangalo beesha uu ka dhashay ee Ceyr Habargidir ama Sacad,waxaana la wada eegayaa waxay kala mutaan isaga iyo beesha Reer Xaaji Suleyman Habargidir.
Su-aashu waxay tahay beesha Reer Xaaji magangalyo ma siin kartaa nin ku jira liistiga madoow ee dunida,madaxiisana la dhigay Malaayiin Dollar?
Beesha Cadaado ma aqbali kartaa inay argagixisada talis Ciidan ka sameeystaan degaanadooda?
Hassan Dahir oo ka dhashay qabiilka ugu badan Somali ee Hawiye gaar ahaan beelweynta Habargidir ,wuxuu mudan yahay in Cadaalada la horgeeyo.inkastoo beesha qaarkood ku doodayaan inaan Cadaalad la horgeyn karin inta Ahmed Madoobe,Hassan Turki iyo Mukhtaar Roobow yihiin dimbilaabayaal beeshooda hiil ka heysta.
Hassan Dahir wuxuu Muqdisho tegay xilligii Shariif Ahmed Madaxtooyada joogay ,wuxuuna naf geliyay Argagixisadii Al-Shabaab ee tabarta darneed sidaas darteed waxay Xeeldheerayaashu qabaan in la geliyo Xabsi guri si uu noloshiisa ugu dhameeysto.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3